updated 7:42 AM MDT, Jul 30, 2017

Xaflad lagu soo dhaweeyay xildhibaano horleg oo ku biiray Xisbiga Wadani- dhagayso

HARAGYSA- Xildhibaano ku biiray xisbiga wadani dhagayso

  • Written by Abdullahi
  • Category: War
  • Hits: 1049

Wadamada Itoobiya, Yugandha iyo Kiiniya oo diiday baasaaboorka cusub ee Somalia in lagu galo dalkooda.


NAIROBI-(Dillapress.com) Wararkan ayaa waxa ay soo baxeen kadib markii ay dawlada Soomaaliya shaacisyay inuu dhamaaday wakhtigii baasaaboorkii
cagaarka ahaa ee Jamhuriyadda Demograadiga Soomaaliya ku qornayd, shaaciyeena in baasaaboor cusub oo loo yaqaan E.passort

  • Written by Abdullahi
  • Category: War
  • Hits: 1248

War-saxaafadeed garabka Muuse Biixi soo saareen oo caawa xaaladii Xisbiga Kulmiye sii cakiray inuu baabana ku dhow




HARGAYSA  War-saxaafadeed Garabka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye ka soo saareen kulan ay maanta Hogaanka Xisbiga Kulmiye la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo si uu wax uga qabto cabasho ay ka qabaan Natiijada ka soo baxday bbbbdoorasho gudida qaban qaabadu ku dooratay hogaan ayaa caawa xaalada Xisbiga Kulmiye cirka ku sii shareertay iyadoo la filayo in uu berri baaqdo kulan hogaanka Xisbigu u balansanaa.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyey ee ka dhashay war-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye xasan Siciid ayaa la sheegayaa in uu ka cadhaysiiyey Xukuumadda iyo Qayb ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo goob-joog ka ahaa wadahadaladii ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo ku doodaya in aanay qoddobada war-saxaafadeedka ku qorani ka turjumayn wixii lagu wadahadlay.

War-saxaafadeedka Garabka Muuse Biixi soo saaray ayaa u dhignaa sidan:-

UJEEDDO: KULAN DHEXMARAY MADAXWEYNAHA IYO HOGGAANKA XISBIGA

Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, afarta guddoomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, waxa si buuxda la isula qaatay in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira, isla markaana laga midho-dhaliyo qabsoomida shirweynaha xisbiga KULMIYE.

Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la isku afgartay qodobadan hoos ku qoran;

1.         Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.

2.         Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.

3.         Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4.         Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

5.         Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya.

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf

Hase yeeshee, dareenka ka dhashay war-saxaafadeedkan ayaa la sheegayaa in ay Garabka kale u baajiyeen kulan berri xubnaha hogaanka dhex mari lahaa waxaana la sheegay in ay dalbadeen in Xukuumaddu jawaab cad ka bixiso hadlka kooxda Muuse haddii kale iyana ay hadli doonaan Berri si ay Bulshada ugu cadeeyaan natiijadii ka dhalatay kulanka Madaxweynaha ay la yeesheen.

Dhinaca kale, ilo wareedyo kale ayaa Waaheen u sheegay in xukuumaddu Muuse Biixi ka dalbatay in uu Beeniyo war-saxaafadeedka haddii kale ay talaabo adag ka qaadan doonto.

  • Written by Abdullahi
  • Category: War
  • Hits: 718

Ra'iisal wasaaraha Somalia oo sheegay inuu isku shaandhayn ku samaysnaayo G.wasiirada-DAAWO

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu isku shaandhayn soo wado

  • Written by Abdullahi
  • Category: War
  • Hits: 758

Wasiirka shaqada ee Somaliland oo ka hadley xarun agoomeed oo laysku haysto+dhagayso

Wasiirka shaqada ee Somaliland ayaa ka hadley xarigii gudoomiyaha xarunta agoomaha oo dawladu xidhay

  • Written by Abdullahi
  • Category: War
  • Hits: 512

Subcategories

 
 

 

Google+