updated 2:38 PM MDT, May 27, 2017

Baro la soco buuga saxaafada Shaqada weriyaha (duty of journalist)

Sida aan hore usoo sheegnay wariyuhu waxa uu qabanayaa sadex arimood

·        in uu dadka wax baro

·        in uu dadka maaweeliyo

·        in uu dadka wargaliyo

Qodobkan labaad ee ah in dadka la maaweeliyo waa mid waayahan danbe aad u sii kordhaya waxa aad arkaysaa telefiishanno kawarramaya maaweelo kaliya,waxa ay ku badanyihiin yurub iyo maraykanka
Waxyaabaha caamka ah ee weriyaha laga rabo

·        Tegidda meeshii war ka jiro ama lagula balamay.

·        Baadhista wararka iyo ra’yiga kala duwan.

·         kala saarista wixii sugan iyo xanta suuqa laysla dhexmarayo.

·         waxa ay balansadaan  dadka ay wararka ka helayaan ee ay xidhiidhka la leeyihiin.

·         in  wararka




iyo sheekooyin ku salaysan xaqiiqda loo dhigo si loo fahmikaro. wixii mugdi ku jirana laga saaro.

·        waa in lakala ilaaliyaa war bixinaha  aad soo heshay iyo waxaa aad aaminsantahay. ka madaxbannee fikirkaaga, waxa aad meesha  u joogtaa in aad tabisid waxaad aragtay ama maqashay.
Wararka iyo qaybihiisa ( news and its parts).
Hordhac.

Waa maxay war?  What is news?

War waa wax cusub isbedel leh oo la danayn karo. Waa inuu yeesho ahmiyad iyo soo jiidasho, xiiso gaar ahi ku ladhan yahay (more interested).

Waxaynu u qaybin doonaa kuwan soo socda:

1)   qaybaha wararka ( news parts)

a)    War xambaarsan dhiilo culus ( hard news)

b)    War aan xambaarsanayn dhiilo culus (soft news).

2)   Shuruudaha warka laga rabo( conditions). Oo kala ah:

a)    raad-reeb( impact)

b)    muhiimada( significance)

c)    dhawaansho( proximity)

d)    dhakhso( immediacy)

e)    la yaab-lama filaan(surprise)

f)       isbedel (change).

3)   Kala horaysiinta warka( first to first).

Bal aan sharax guud ka bixino mid kasta:

1) Qaybaha wararka (news parts).
a) war xambaarsan dhiilo cuslus ( hard news).

Waxay noqon karaan qaar imika dhacaya ama qaar hore u dhacay oo wax ka soo cusboonaaday. Aynu soo qaadano qaar ka mid ah:

=shilalka, masiibooyinka (disasters). Sida, dhulgariir, duufaan, dab meel ka kacay, doorashooyinka, shirweyne caalami ah, ama mid gobol ah, dagaal weyn, ama dagaal kooban. Iwm.
b) war aan xambaarsanayn dhiilo culus ( soft news).

Waa war ku saabsan arrimo aan culus weyn lahayn, waxay noqon karaan qaar dadka ka qosliya, iyo qaar dadka murugo geliya.

Tusaale ahaan. Madadaalo, maaweelo iyo kaftan oo xiiso iyo majaajilo ku ladhan tahay. Iwm.

Waxa kale oo ka mid ah: waxyaabaha mucjisada ah. Sida, nin masas badan ku dhex jira, oo aanay cunayn. Qof jidhkiisa ay ka dul buuxdo shinni aan cunayn.iwm.
2) shuruudaha warka laga rabo ( conditions).
a) Raad-reeb ama saamayn (impact).

Warba warkuu ka weyn yahay ayuu dhegaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaasha raad ku reeba. Wuuna ka saamayn weyn yahay. (More impact).

Waxayna la iman karaan inay saameeyaan isbedel nolosha ah amma duruufaha dadweynaha. Dadweynuhu wuxu aad u xiisaynayaa saamaynta uu ku yeelan karo deegaankooda ama dalkooda. (Regional impact).

Reed-reebku wuxuu noqon karaa mid samo iyo xumaanba leh. Dadku waxay jecel yihiin inay ogaadaan waxyaabaha khuseeya noloshooda.
b)muhiimada ( significance)

kolba warka loogu horaysiinayaa ama ahmiyada la siinayaa, waxay ku xidhan tahay inta u miisaankiisu yahay.

Tusaale ahaan. 10,000 oo qof oo ku dhintay dhulgariir. Waxa uu ka muhiimsan yahay 10,000 oo qof oo khatar ugu jira dhulgariir, ka dib markii dhulku sameeyay dhaqdhaqaaq aan xoog badnayn (less impact).

Markaa waxaad muhiimada siisaa hadba inta culaysku yahay.

 
c)  dhawaansho ( proximity).

Dadku badankoodu waxay jecel yihiin inay ogaadaan ama war ka helaan waxyaabaha ka dhacay deriskooda. Ka dib waxay ka fikiraan waxyaabaha ka soo gaadhaya ee noloshooda khuseeya. (Close to home).

Dhawaanshuhu wuxu noqon karaa mid ku dhisan juquraafi  ama mid bulsho, kuna xidhan taariikh, dhaqan iyo diin.

Tusaale ahaan. Haddii aad joogto dalka jabuuti waxa kula jaar ah, Ethiopia, Somaliland iyo Eritrea. markaa wixii ka dhaca dalalka deriska aad tihiin wuxuu kugu yeelan karaa saamayn, waayo way kuu dhaw yihiin.

Laakiin waxa ka dhacaya dalka shiinaha waxa kaaga xidhani wuu yar yahay, waayo wuu kaa fog yahay. (Far-off country).

Mar kasta waxa loo eegaya, intee ayuu u jiraa dhageystayaasha, akhristayaash iyo daawadayaasha, degaan ahaan iyo ab ahaan ama xidhiidh ahaanba?. (Relevant to their social life). Waxa kale oo mihiim ah, in dadku maqlaan dad ay isku hayb yihiin oo dal kale wax ku qabsadeen.

Soomaaliddu waxay xiisaynayaan haddii ay maqlaan dad soomaali ah oo ay dhacdo ku qabsatay dal shisheeye.
d) dhakhso ( immediacy).

Warka waxa kale oo lagama maarmaan ah inu yahay wax imika dhacay, oo aan hore loo maqlin (new events), waa tii hore loo yidhi” war la qabaa xiiso ma leh”.

Dadku waxay aad u xiiseeyaan warka imika dhacay. Waayo haddii aanay sheekadu cusbayn war ma aha. Warku waxa weeye wax aanay dadku hore u ogayn.
e)  la-yaab ( surprise).

Waxyaabaha warka xiisaha u yeela waxa ka mid ah inu mararka qaarkood noqdo la yaab. Tusaale : tifaftire wargeys maraykan ah. Oo la yidhaa John B. Bogart ayaa waxa uu yidhi” marka ey uu qof qaniino oo uu eygu wax qaniino war ma aha, laakiin marka uu qofku eyga qaniino, waa war”. Warkaasi wuxu noqon karaa mid  xiiso sare leh. Waayo waa shay cusub oo aan hore loo arag qof ey qaniinay.

La soco.... Qaybaha kale sabtida iyo salaasad. Waa Barnaamij taxane ah.
DillaPress

Tagged under Somalia