updated 6:23 PM MDT, Mar 28, 2017
A+ A A-

Hogaamiyashii Jarmal Ka Bari Erich iyo Kuba Honecker Iyo Fidel Castro Oo 1977 Kii U Dhagar-Maleegaaya Soomaaliya

Waxan dareenay in gabi ahaan ba xubnihii Golaha Dhexe ay wada sacbiyeen, marka la ga reebo Saleebaan (Axmed Saleebaan-dafle) iyo dadkiisa. Cali-Samatar isagu aad buu u qanacsanaa, xataa waxa muuqatay in uu Siyaad Barre qudhiisu ka helay hadalkayga. Sidaas oo ay tahay, hadana isu soo baxaas idaacadda iyo Telefishan ka

toona si toos ah loo ga ma baahinin. Fiidnimadii maalintaas uun baanu bilawnay in aanu guriga aan daganaa ka ga hadalno arimo xadidan oo siyaasadda ku saabsan. Waxa ii cadayd  in uu Saleebaan-dafle guriga aan daganaa ku rakibay qalabka wax la gu dhagaysto, sidaas darted na aad baan u taxadiraayay. Aakhirkii fiidnimadaas ayuu Siyaad Barre bilaabay in uu ka hadlo Itoobiya. Wuxu ka la mid dhigay boqortooyadii Ruushka (Tsarist Empire), waxaanu sheegay in ay Itoobiya tahay gumaysiga kaliya ee haatan jira. Boqortooyadii Ruush ku waxay meesha ka ga baxday xikmaddii Lenin, laakiin Itoobiya ayay qudheedi ka dhisantahay – ayuu yidhi. Waxa jirtay wakhti hore in uu Siyaad Barre Itoobiyaan ka u soo jeediyay in ay labadooda wadan fadaraali ama xataa midnimo wada galaan, oo aanay iyaku na ka jawaabin, laakiin imika Itoobiyaan ka ayaa ba xalka qudhiisii wada. Si aad u xamaasadaysan buu u ga hadlay dadaaladiisa ku saabsan xal uu Itoobiyaan ka la gaadho. Aniga oo fursadda ka faaiidaysanaaya, waxan u sheegay in aan maalinta barito ah u safraayo dhinaca Itoobiya, waxaanan waydiiyay in uu diyaar u yahay kulan uu Mingisto la yeesho, waanu aqbalay.

Maalinti xigtay ba waxan u duulay Itoobiya, horey na waxan isu la qaadanay in aan soo dhawayn balaadhan la ii samaynin. Xiligaas waxay ku jireen oo soconaayay dagaalkii sokeeyaha, xabadaha dhawaaqooda na waa la maqlaayay. Markii aan gaadhay ba Mingisto wuxu ii kaxeeyay qasrigii qadiim ka ahaa ee Boqortooyada, wada hadal kayagu na durbadiiba wuu bilaabmay. Waxa ii cadaaday xogihii aan hore u haystay. Maalintii xigtay na waanu sii wadnay wada xaajoodkii. Taxadir dheeraad ah oo dhinaca amniga ah in aan qaadanay la ma filaan may ahayn, sidaas darted Itoobiyaan ku waxay keeneen koox ciidamadooda ah, aniga na waxa I la socday askar Kuubaan ah. Maalintii aan imid  waxa la is la dhex maraayay warar sheegaaya afgambi, laakiin waxba ma dhicin. Waxa sii xoogoobay dareen kayga ah in kacaan dhab ahi uu wadankan ka curanaayo. Wadankan boqortooyada dhul-goosiga ah soo ahaan jiray, haatan dhulkii ayaa loo qaybinayaa beero-falatada sabool ka ah. Hal kii beerwale ba waxa la siinaayay 10 higtar . Magaalooyin ka qudhooda waxa ka socota dib-u-habayn. Waxa la soo rogay in muwaadin kii ba uu hal guri uun yeelan karo. Dhulal baa loo baneeyay si guryo cusub loo ga dhiso. Sida oo kale, waxa jira dhaqdhaqaaq balaadhan oo xoog leh. Magaalada caasimadda ah dhexdeeda, waxa suurowda in si la ma filaan ah nus malyan qof dad gaadhaaya la gu abaabuli karo. Waftigii bishii Febraayo aanu dirnay, ka dib markii ay soo qiimeeyeen qaybaha ka la duwan ee ciidamada qalabka sida, waxay go’aamiyeen in laba mooyee boqolaalka Janaraal ee ciidanka la wada caydhiyo.

 

Saraakiisha ciidamada, iyo saraakiil-xigeen shaqada ka fadhiyay ayaa haatan wadanka caynaanka u haya. Hogaanka wadan ku waxay ka fikiraayeen sidii ay xisbi u samayn lahaayeen. Meeshaas waxa ka jira halgan daran oo u dhexeeya dabaqadaha danyaar ta ah, iyo dhiigmiiratada (dhul-goosi ga) wadanka. Koox yar oo ah dabaqadda burjuwaasiyiinta ayaa doonaaya in ay kacaanka dadka ka hor keenaan. Jabhad gooni u goosi ah oo xoogan baa dhinaca Ereteriya ka jirta. Halis muuqata ayaa dhinaca Suudaan ka ga furan, halka Soomaaliya na ay sheeganayso ka la badh dhulka Itoobiya ka mid ah. Muddo ku siman ilaa shan boqol oo sano, ayaa gobol kaas ay ka jireen dagaalo ku salaysan dhulka. Mingisto wuxu I ga ga yaabiyay in uu yahay nin degen, daacad ah, oo aan dheeldheelaynin,  aaminsan na quwadda dadwaynaha. Waa shakhsiyad garaad badan, xikmadiisa na wuxu muujiyay saddex dii Febraayo. Kooxaha Midig ta (Hanti-goosi ga) ayaa qorsheeyay in ay ka takhalusaan kooxda Bidix da (Hanti-wadaagga). Qorshahan waxa bilaw u ahaa khudbad xooggan oo Madaxwaynuhu (Tafari Bantay) uu jeediyay, oo uu ka ga hadlay wadaniyadda. Mingisto wuxu ka ga hor tagay afgambi gaas, isaga oo isugu yeedhay shir ay ku kulmaan golihii kacaanku, kaas oo dhacay saacad ka hor xiligii loo qorsheeyay. Kulanka dhexdiisii, Mingisto wuxu xidhxidhay kooxihii Midig ta, waanu wada toogtay.

 

Maalintaas (3dii Febraayo, 1977) Itoobiya waxa ka hirgalay go’aan leh saamayn xoogan. Khariiraddii siyaasadda ee wadan ka ayaa is bedeshay, waxaana la qaaday talaabooyin aan suurtagal ahayn ka hor 3dii Febraayo. Awal hore kooxaha Bidix da (Hanti-goosiga) si dadban uun baan u taageeri karaynay, laakiin hadda si toos ah, oo aan wax xanibaad ah lahayn baan u saacidi karnaa. Mingisto waxan waydiiyay in uu diyaar u yahay in uu magaalada Cadan Siyaad Barre ku la kulmo iyo in kale, waanan isla ogolaanay. Markii wada xaajoodku noo dhamaaday ba, waxan u duulay dhanka Cadan. Subaxnimadii ba Siyaad Barre wuu soo gaadhay Cadan. Mingisto ma imaanin ilaa galabnimadii dambe. Waxan la sheekaystay Siyaad Barre, waxaanu la baxay cidiyahiisa. Wuxu I gu yidhi – hadii uu Mingisto yahay Kacaanyahan dhab ah, waa in u sameeyaa sidii Lenin oo kale, ka na baxaa dhulkayga. Mawqif aad u adag buu istaagay. Waxan ku idhi – ma waxad dareensantahay in aanu Itoobiya kacaan dhab ahi ka curanin, isla markaana Mingisto aanu ahayn hogaamiye hanti-wadaag ah oo dhab ah? Wuxu I gu yidhi – haa, Itoobiya wax Kacaan ahi ka ma curanin. Markii aan Muqdisho la joogay, Siyaad Barre waxa uu I tusay khariirad muujinaysa dhulka Soomaali-wayn, oo ay ku jirto nus dhulka Itoobiya ka mid ahi. Ka dib hadaladii aan Siyaad Barre la yeeshay, waxan la kulmay Mingisto, waxaanan u ga waramay hab-dhaqan ka Siyaad Barre, aniga oo ka codsaday in uu degenaan muujiyo.

Dhab ahaan waan ka xumaaday in aan Mingisto Cadan ku marti qaaday, xili amuuro qaydhini ay ka jiraan wadankiisa, iyo xaaladaha sidaas u murugsan, in uu dhagaysto doodda Soomaaliya ee dhul doon ka ah. Waxan la soo qaaday xaaladda ciidamada Itoobiya, waxaanu ii sheegay, in kasta oo ay dhibatooyin iska jiraan, hadana in ayna u muuqanin halis inqilaab oo taagani. Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay kolkii uu shir ku furmay. Siyaad Barre waa Janan (General) wax bartay xiligii isticmaarka. Kacaanka Soomaaliya waxa hogaamiyaa waa jananno (generals) awood badan yeeshay xiliyadii gumaysiga. Anigu fikradda aan Siyaad Barre ka qaatay markaas ba way ii cadayd. Wax kale ma aha ee waa uun qof ‘qab-bilaash’ ahi ka dhaadhacsanyahay. Qab-bilaashnimadu waa xaqiiqada ugu muhiimsan ee Siyaad Barre. Hanti-wadaagnimadu waa qolof sare oo uu u ga jeedo uun in uu dadka ku soo jiito. Wadamada Hanti-wadaagga ah ayaa hub ku taageeray, isagu na hanti-wadaagnimada mabdd’a ahaan u ma haysto, dadwaynaha uun buu ku maaweeliyaa. Xisbi gu na waxa kaliya ee uu u jiraa waa in uu awoodiisa shakhsi ga ah ku ilaashado. Xukunka Siyaad Barre marka la eego,. La soco……

 

 waxa isku jira is-dhalyo aan dabiici ahayn oo ka timid isku darka niman askar ah oo soo maray iskuuladii gumaystaha, iyo is muujin hanti-wadaagnimo. Isku soo wada duuboo, Siyaad Barre wax ka mid ah Hanti-wadaagnimada ayaa soo jiitay, waxa se wadanka si wayn u ga jira ka la sed-roonaan iyo cadaalad darro. Guud ahaan na, fikradaha dhabta ah ee Siyaad Barre waxay ku qotomaan waa wadaniyad iyo qab-bilaash ah, ma aha Hanti-wadaag.    La soco………..

Hadaf kiisu waxa uu yahay waa uun Siyaasad duugowday: saaxiibtinimo iyo ereyo macaan. Siyaad Barre wuxu u hadlaa sida nin xikmaawi ah oo kale; kaliya wuu hadlaa uun. Hogaamiyayaal siyaasadeed oo badan, oo aan aqaano aad buu u ga duwanyahay. Hogaamiyayaasha Masar (Anwar Sadat), Aljeeriya (Houari Boumedienne), Mozambique (Samora Machel), Angola (Agostinho Neto) iyo kuwo kale oo badani ba waa shakhsiyado adag. Sidaas oo ay tahay, hadana way ku dhagaysan karaan, ma na aha kuwo qandhadh ah oo mar kasta isla quman. Dhamaantood waa kuwo la la hadli karo. Siyaad Barre wuxu isu qabaa in uu gaadhay figtii ama heerkii u gu sareeyay ee xikmadda. Ilaa iyo imika arimuhu si toosan bay u gu socdaan. Talyaani ga iyo Ingiriis ka ayaa janan (General) ka dhigay. Kacaankii isla daqiiqaddii ba wuu hirgalay, iyada oo aan xataa hal xabad na la ridin. Waji Hanti-wadaag buu soo gashaday, caawimo dhaqaale iyo hub na Soofiyeed ka (Soviet Union) ayuu ka helay. Wadankiisu waa mid muhiimad saraysa leh, isagu na wuxu jecelyahay mudnaanta. Barre aad buu isu gu khushuucsanyahay. Hadalkiisa ku saabsan Hanti-wadaaggu ma aha mid la xamili karo. Waa hanti-wadaag ga ugu wayn; toban erey ma odhan karo isaga oo aan hanti-wadaagnimada soo qaadin.

La soco……

 

 

 

 

 

Qaab-hadal kiisa noocaas ah ayuu shirka dhexdiisii Mingisto ku la hadlay. Wuxu bilaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Itoobiya, Mingisto na ka dalbaday in uu yeelo tabtii uu Lenin sameeyay oo kale – ka takhalus Boqortooyada Itoobiyaanka – buu yidhi. Mingisto daganan buu muujiyay, waxaanu yidhi: anaku xal waanu doonaynaa, diyaar na waanu u nahay, waxaana loo baahanyahay in talaabooyin kii u gu horeeyay oo muuqda la qaado si labada dhinac ay is faham u gaadhaan. Siyaad Barre si jeesjees ah buu hadalkaas ka ga jawaab-celiyay, waxaanu sheegay in uu ka niyad jabay Mingisto, hogaanka kacaanka Itoobiya na ay la yimaadeen caqliyaddii Xayle Salaase oo kale uun. Kulan ku wuxu soo bilaabmay 11 kii habeenimo, wax xal ahi na ma soo muuqanin haba yaraatee. Halkaas markii la maraayay, ayuu Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku Xigihii Kuuba) soo jeediyay talo ah in la sameeyo gudi joogto ah, oo xal raadisa, xubno na ay ka yihiin wakiilo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadii Dadwaynaha ee Yemen. Anaku na (Kuuba) in aanu gudigaas joogtada ah ka mid noqono waxa na gu khasbay gabi ahaan ba qaybihii ka la duwanaa ee shirka ka soo qayb galay. Siyaad Barre wuxu sii waday in uu jilo door kiisii ahaa nin wayn oo xikmad leh, ah na hantiwadaaga u gu wayn iyo, shuuci ga u gu wayn. Isla goobtii, wuxu u hadlay si af-miishaarnimo ah, isaga oo sheegay in waftiga Soomaalidu ay yihin koox talo wadaag ah, kalsooni na ka haysta xafiiska siyaasadda, ayna tahay in uu tashi ku la noqdo marba hadii uu yahay uun qof kaliya oo ka mid ah kooxda.

 

Nasasho gaaban oo waftigiisa uu gooni u gu soo arkay ka dib na, wuxu soo jeediyay wada hadal fool-ka-fool ah oo ay isaga iyo Mingisto wada yeeshaan. Mingisto oo hadaladii hore ee Siyaad Barre awgeed dareemay meel-ka-dhac iyo kalsooni darro, wuxu sheegay in uu kulan ka noocaas ah ogolyahay, laakiin hadda aanu diyaar u ahayn. Waa in la isla meel dhigo arintii gudiga joogtada  ah. Iyada oo kulankii sii socdo, saacaddu na 3:15 habeenimo ay marayso, ayuu Siyaad Barre keenay qoraal uu soo diyaariyay, kaas oo uu ku ogolaaday dhismihii gudiga joogtada ah, laakiin shaqadeeda koobaad uu ka dhigay in ay noqoto xalinta arinta xuduudaha. Taasu waxay ka dhignayd, in shaqada gudigu ay bilawga ba ku dhaqaaqdo arinta dhulka. Maxaa la filan karaa in ay Itoobiya ka ga jawaab-celiso qaabkaas daandaansi ga ah. Intii la gu jiray nasashada, waxan la hadlay Mingisto, ma nuu qarsanin sida uu Siyaad Barre u diidanyahay. Sidoo kale, waxan la kulmay Siyaad Barre, waxaanan waydiiyay in uu dhab ahaan doonaayo in xal la gaadho iyo in kale. Wuxu I gu yidhi – su’aashaas waa in uu Mingisto ka jawaabo. Wuxu sii waday qaab-hadal kiisii kacaanyahanimada ahaa, isaga oo yidhi – qof ay dhab ka tahay hanti-wadaagnimada, kacaanyahanimada iyo shuucinimadu ma aha in uu indhaha ka qarsado waaqica hortiisa yaala. Wuxu yidhi – dhab ahaan Mingisto waa nin adag, talaabooyin adag na wuu qaaday, maxay tahay sababta uu sidaas oo kale go’aan adag oo sax ah u gu qaadan waayay goobtan iyo goortan aynu joogno, ee uu u xalin waayay xaajada meesha taala?

 

Jawiga noocaas ah, waxa I la soo gudboonaatay xaalad adag, oo ay tahay in aan laba uun midkood yeelo – in aan iska aamuso, iyo in aan ka hadlo sida aan u arko mawqif ka Siyaad Barre. Sidaas darted, waxan go’aansaday in aan badheedho sababaha soo socda awgood:

 1. In aan afka xidho waxay ka dhignaan lahayd, taageero aan u muujinaayo siyaasadaha Soomaaliya ee ku dhisan qab ka bilaash ka ah, iyo wixii natiijooyin ah ee ka dhalan kara ba. Sidoo kale, aamus kaasu wuxu taageero u noqon lahaa kooxaha dib-u-socod ka ah ee Soomaaliya dhexdeeda.

2. In aanan Siyaad Barre u jawaabin waxay ka dhignaan lahayd, in wax kasta oo hadda ka dib ay wadamada hanti-wadaagga ahi ku caawiyaan Itoobiya, si kasta oo taageeradaasu u yartahay ba, in uu Siyaad Barre ku tilmaamo khiyaamo dhabar-jabin ah.

3. Duruufta noocaas oo kale ahi, Jamhuuriyadda Yaman xaalad caynkee ah bay galin lahayd hadii ay Itoobiya ku taageeraan taangiyo, gaadiid iyo madaafiic, oo la gu daabulo maraakiibta Soofiyeed ka?

 

Intaas waxa dheeraa, in aanu Siyaad Barre ku gaabsanin meel-ka-dhacyada uun, wuxu se isku dayay mar dhexe in uu fariin hanjabaad ah gudbiyo, waxaanu yidhi – qof na ma sheegi karo arimahan oo dhami waxa ay I na gayaysiin karaan. Sababahaas awgood baan u dhiibtay badheedhahayga. Waxan sharaxay in aanu Siyaad Barre aaminsanayn in Itoobiya uu kacaan dhab ahi ka curtay, iyo dhacdooyinkii 3dii Febraayo in ay dareenka noocaas ah jawaab-celin u yihiin, iyo in uu Mingisto kacaanyahan dhab ah yahay. Waan sii waday hadalka aniga oo idhi – anaku waxan qabnaa in waxa Itoobiya haatan ka socdaa uu yahay kacaan dhab ah, in dhacdadii 3dii Febraayo ay ahayd marxaladii is bedel ka, iyo in Mingisto uu yahay hogaamiye kacaanyahan ah, oo ku hawlan is bedel baaxad leh. Waxan si qayaxan u cadeeyay, in ayna suurtagal ahayn in aanu mawqif ka Siyaad Barre si na ba u ayidno. Waxan sheegay in mawqif ka Siyaad Barre uu halis ku yahay kacaan ka Soomaaliya, Itoobiya midka ka curtay na halis galiyay, isla markaana uu Jamhuuriyadda Yaman xaalad qalafsan galin doono. Sidoo kale, waxan carab ka ku adkeeyay in mawqif ka Siyaad Barre uu u faaiidaynaayo kooxaha Soomaaliya dhexdeeda ee dib-u-socod ka ah, iyo dadaal kooda ay ka ga hor jeedaan hanti-wadaagga, Soomaaliya na u gu jiidayaan dhinaca Sucuudiga, iyo isticmaarka caalamiga ah. Waxan tilmaamay in mawqif ka noocan oo kale ahi uu xumaynaayo xidhiidhka ay Soomaaliya la leedahay wadamada hanti-wadaagga ah, aakhir ka na uu keenaayo kacaanka Soomaaliya oo fashilma.

 

Aniga oo doonaaya in aan dareensiiyo masuuliyaddooda taariikhi ga ah, waxan u gacan-haadiyay Siyaad Barre iyo waftiga Soomaalida ah dhamaantood. Waxan idhi – ma u malaynayo in arimahani ay dagaal Itoobiya iyo Soomaaliya dhex mara sababi karaan, , laakiin waan warwarsanahay marba hadii aan ogahay halista dagaalku leeyahay. Ma rumaysni in ay jiraan dad sabab u noqon kara in ay umaduhu dagaalamaan. Ka dib markii aan sidaas cadaan ka ah u hadlay, Siyaad Barre ayaa kolkiiba hadalkii u baxay, in aanu abidkiis dagaal doonin na wuu sheegay. Kacaanyahan ahaan iyo hanti-wadaag ahaan jidkaas anigu ma doorteen, hadii se wadamada hanti-wadaagga ahi ay Soomaaliya ka goosanayaan, waa arin iyaka u taala – ayuu yidhi. Hadda waxan door bidi lahaa, in aan cadaadis badan uun Siyaad Barre saaro, laakiin Mingisto kulan kaas ma ku soo marti qaadeen. Halkaas kolkii ay maraysay, waxan sheegay in aan ayidsanahay kulan madaxeedkan (Mingisto iyo Siyaad) ay isugu yimaadeen, laakiin waxba ma ka odhanin hadaladii meel-ka-dhacca ahaa ee Siyaad Barre uu Mingisto ka yidhi. Waxan sheegay in Kuuba ay na doonaynin in xidhiidhka ay ka goosato kacaanka Soomaaliya, taas badal keeda na, aanu taageernay ba. Shirkii na gabi ahaan ba wuxu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

 

Imika hadii aynu taageerno Itoobiya, Siyaad Barre xaq u ma laha in uu khiyaamo i na gu eedeeyo. Si cad baan u gu sheegay in Itoobiya uu ka socdo kacaan dhab ahi, sidaas darted na, loo baahanyahay in aanu taageerno. Si kastaba, waxan dareemay in uu Siyaad Barre tabashooyin ka sheeganaayo dhinaca Soofiyeed ka. Wuxu ka cadhaysnaa shidaal ay u gu balan qaadeen marar badan oo ka soo daahay, iyo in aanay u soo dirin qalab dayac tir iyo cagafcagafyo ay ka sugaayeen. Ambaasatoorkii Soofiyeed ka oo shirka joogay ayaa arintaas tafsiir ka bixiyay, wuxuu na sheegay in sababtu ay tahay Soomaalida oo marar badan waxa ay doonayaan wax ka badalay, taasu na ay dib u dhac wayn keentay. Intaas wuxu raaciyay, in nasiib daro ay dhacday, oo markab kii shidaal ka Soomaaliya u soo siday uu dhexda ku degay. Markii aan siyaad Barre warkaas u sheegay, wuxu ii gu jawaabay in Soofiyeed ku ay beenaalayaal yihiin. Wuxu sheegay in qaladku aanu ka soconin dhinaca Xafiiska Siyaasadda ee Soofiyeed ka, laakiin ay kharbudaad wadaan qaar dhinaca hoose ee maamul ka joogaa. Sida oo kale, cadhada iyo cambaaraynta Siyaad Barre ee Soofiyeed ku marar kale na way soo baxday. Wuxu sheegay in wadankiisa ay biyo yaraani ka jirto, xoolaha, gaar ahaan l’o du ay dhimanayso,. Xiligii muusku bislaan lahaa na ay dib u dahcday. Wuxu sheegay in waxaas oo dhan na sababtoodu ay tahay, mishiinadii biyaha soo saaraayay ee Soofiyeed ku ay bixiyeen oo shaqayn waayay.

 

Marka la eego hab-dhaqan kaas Siyaad Barre, waxa ii muuqata halis wayn. Sidaas darted, ayaan si qayaxan kuu gu sheegay wixii ay I la tahay, oo run na ah, aniga oo aan wax ba maldihin. Waxan jecelahay in aan aragtidayda si daacad ah kuu la wadaago. Wadamada hanti-wadaagga ah dhibaato ayaa haysata. Hadii la taageero Itoobiya, waxan luminaynaa saaxiibtinimada Siyaad Barre. Hadii aan Itoobiya taageeri wayno na, kacaanka halkaas ka curtay wuu fashilmayaa. Taas weeyaan arinta u gu muhiimsan ee meesha taalaa. Waxa jiray codsiyo dhawr ah oo ku saabsan caawimo milatari – Hogaamiyaha Liibiya (Qadaafi), Mingisto iyo madaxda Koongo ayay na ka yimaadeen. Intii aanu Afrika joognay, waxan Moosko u soo dirnay Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku xigaha Kuuba) si uu u la soo xaajoodo jaalayaashayada Soofiyeedka, iyo dhinaca Hafaana si uu u la soo tashado hogaanka Kuuba intooda kale. Si aynu u helno xal ka u gu wacan, waa in aan arintan si gun dheer oo dagan u ga fikirno, maan ka na ku hayno xaaladda guud ahaaneed ee wadamada hanti-wadaagga ah. Intaas oo dhan se waxa ka mudani waa in aan Mingisto wax u qabano. Anaku hadadan ba waxan wadnaa qorshe aan Itoobiya u gu daabulayno hub bakhaaraddayada iska yaalay, gaar ahaan hubka fudud ee gacanta oo ay sameeyeen Faransiis ka, Jeegga iyo Biljam ku. Waxa loo baahanyahay in la hubeeyo maleesiyooyin tiradoodu gaadhayso 45000. Hadda waxan diraynaa khubaro military oo maleesiyadaas ku carbiya isticmaalka hubka. Itoobiya waxa jooga dad badan oo ciidanimada ku haboon. Waa in aan carbino ciidamadaas.

 

Geesta kale, dhinaca Ereteriya waxa ka jira xaalad qalafsan. Dhaqdhaqaaqa xoraynta laftooda qaar baa horusocod ah, laakiin waxay ciyaarayaan door dib-u-socodnimo. Jabhadahaas Ereteriya ee gooni-u-goosi ga ah waxa taageera wadamada Suudaan, Sucuudiga iyo Masar. Ciidan fiican iyo dhaqan ciidan ba Itoobiya waa leedahay, waxay se u baahanyihiin wakhti ay ciidamadooda ku diyaariyaan. Mingisto wuxu na waydiistay macalimiin ilaa 100 gaadhaaya, oo maleesiyooyin ka u carbiya, hadda se wuxu na waydiiyay ilaa 150 khubaro ah oo ka caawiya sidii ay qaybaha ka la duwan ee ciidamada rigli ga ah u dhisi lahaayeen. Hadadan ba waxa halkaas na ga jooga khubaro la taliyayaal ah. Itoobiya way leedahay dad iyo duunyo ku filan si ay ciidan u dhisato. Maalmahan dambe waxa jiray warar la isla dhex maraayay oo sheegaaya in xoogaga dib-u-socod ka ahi ay laba bilood gudahood Asmara gacanta ku dhigayaan. Kacaanka Itoobiya ka jiraa se waa mid muhiimad aad u wayn leh.

Dhamad…

M Haaruun – This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Tagged under Somalia