updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Waa buug ka shekenaaya taariikhda Qowmiyadda reer Banaadiriga Soomaaliya


 (BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM)
 Maamada
 KELIGEEDA MAAHIN
 Waa buug ka shekenaaya taariikhda Qowmiyadda reer Banaadiriga Soomaaliya

 WAXAA QOREY EX-XILDHIBAAN:
 Garweyne Kuulow Aweys
 2013
 UJEEDADA QORAALKAN & SABABTA KEENAY IN LA QORO
 Buuggan waxaan ugu tala galay in aan wax uga sheego Taariikhda Qowmiyadda Banaadiriga dadka Beesha Caalamka iyo in Caalamka la ogeysiiyo lana baro xaqiiqda runta ah ee nolosha Qowmiyadda Banaadiriga waqtiyada Nabadda & Dagaalka oo aan si fiican u kaseenin ama is moogsiinaayaan jiritaanka Ummadaasi reer Banaadiri ama Qowmiyaddasi ay ugu noqoto Buugan dhaxal Ummadda aan si fiican u kaseeni ( Siiba Da’yarta )oo fikrad qaldan ka fahamsan waxaan ugu baaqayaa dadka arimahan daneenya in mugdiga laga saaro Xadaaradda,Hiddaha & Dhaqanka,Taariikhda Fanka & Suugaanta Soomaaliyeed ee ka mid ah tan Qowmiyadda Banaadiriga lagu yaqaano oo ay caanka ku yihiin si ay Xusul ku riixa uga baxaan iyo Qowmiy adaha kale ee iyagana La xaqiro ( La dulmo) sideenoo kale loola dhaqmo Dalka iyo meel kastoo ay ku nool yihiinbo waa arin faannoo wada ah dhammaanteen ka Soomaali ahaan illaahey xaqa hana wada faham siiyo aamiin aan wada dhahno, dhugtiina u fura Buugan dhaaydiinana beley siiya.
 Waxaa buugan igu dhiira geliyay qoriddiisa ka dib markii uu igu ba-batey Maahmaahdii aheyd :”Waari meysidee war hakaa haro” iyo Hadalkii ahaa Soomaalida wax ma qoraan ee afkeey wax ka sheegaan oo keliya oo aan u qaateyba in Aniga shaqsi ahaanteeyda la iila jeedo iyo markaan arkey ama maqlay dad Soomaaliyeed oo fikrad xun laga dhaadhiciyay oo been ah Qowmiyadda Banaadiriga ku saabsan sida iyagoo dad ka mid ah Soomaalida dhahayaan ( Saraha dadka reer Xamarka ah degan yihiin waxay ka bililiqeysteen Gumeysigii Talyaaniga intii lagu jirey waqtiyadii Gobanimodoonka Soomaaliyeed , iyadoo hadalkaasi ujeedooyin badan laga leeyahay ) isla Markaana Dowladahii hore ee dalka aaney iyagana daneyn jirin Taariikhda dadka reer Banaadiriga, hadda maadaamo wax badan laga ogaadey inay mudan tahay Taariikhda Soomaaliyeed in lagu xuso Taariikhda Qowmiyadda Banaadiriga meelaha ay ka galaan si dhab ah oo faahfaahsan (Wanaag & Xumaan wax alla waxa ay leeyihiin) waayo runtii waxay ahaayeen Caasumaddii & lafdhabarkii & Maamada (Hooyadii) Ururkii gobanimodoonka Soomaaliyeed ee SYL 1943 dii waxaa ahaayeen maajooritiga (inta ugu badan) Dhallinyaradaasi oo reer Banaadiri ahaa isla markaana waa Maamadii hormuudkii Xadaaradda Ummadda Soomaaliya ilaa iyo haddana…waa Maamada ! Ummadda Soomaaliyaeed.
 Arimahan waxaa marqaati ka ah Taariikhda gobanomodoonka Soomaaliyeed & Badmareenadii iyo qorayaashii caanka ahaa ee imaan jiree xeebaha dalka Soomaaliya Qarnigii 13aad sida xeebaha: Muqdisho, Marka,Warshiikh,Baraawe,Kismaayo Badmareenadaasi oo ay ka mid ahaayeen : Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo, Cheng Ho, Emrico Cerculli iyo kuwo kale waxay qoraaladooda ku xuseen in xeebaha koonfur Soomaaliya ay deganaayen waagaasbo Qowmiyad Xadaarad fac weyn leh ( oo ay ula jeedeen Qowmiyadda reer Banaadiriga) .Caalimkii Badmareenka ahaa Ibnu Batuuta oo ku sheegay Buugiisa qarnigaasi inuu ku arkey xeebaha koonfurta Soomaaliya dad nabadda jecel isla markaasna ku dhaqma nadaam & kala dambeyn, ilmahoodana bara Diinta Islaamka iyo xirfado ay ku shaqeystaan sida Ganacsiga, yihiinna dad ku fiican soo dhoweynta martida. Ibnu Batuuta waxaa kaloo uu Buugiisa ku sheegay in magaalooyinkaasi badi ay lahaayeen Dhismooyin qurux badan oo la mid ahaa dhismooyinka caalamka waagaasi.Qoraagii Emrico Cerculli isna waxaa uu sheegay in Xamarweyne & Shigaani,Marka & baraawe ay ku yaaleen Masaajido dhismahooda muujinaaya xadaaradda faca weyn waagaasi dadka halkaasi deganaayeen sida dhismaha Masaajidka jaamacadda Xamarweyne ee Jaamaca weyn Qadiimka ah, Masjidka Fakhrudiin,Masaajidka Aawoo Aweyska, Masjidka Arbaca-Rukun Masjidka Cabdulcaziiz, Masaajidka sh.Qaasim Baraawe,Masaajidka sheekh Nuureeni, Masaajidka Aaw Abaalle, Masaajidka Aaw Cusmaan Xasan iwm. Anagana (ka Soomaali ahaaan) waxaa nala haboon oo nagu waajibta in aan xafidano kanzigan illaahey na siiyey oo aan ugu faano Caalamka taarikhaha noogu faano.

 DEEGAANADA QOWMIYADDA BANAADIRIGA:
 Qolo kasta (Ummad Kasta) Deegaan ayaa lagu ya-qaanaa oo ay u dhasheen asalkood, Soomaalidana waa is taqaanaa sideey u kala degaanaayeen asalkood ab ka ab haddii ay hadda is bedeleenin. Deegaanna waa meel ay nolol ka jirto oo ay ku noolaan karaan Dad & Duunyo oo cunto & biyo ka jiraan haba ku kala badnaadaane deegaanada qaar.
 Dadka deegaanka wada degaan waxay u kala baxaan: u dhashay ,Ku dhashay iyo kuwo hadda degeen. Reer Banaadiriga waa Qowmiyad Macruuf ku ah Africa & Aasiya xadaarad fac weynna ku dhax leh waa Ummad mixed ah ( isku jir ah Caddaan & Maariinba oo isku deegaan ah oo Maariinka ayaa ku horeeyeen deegaanada waayo dhulka waa dhul Afrikada bari ku yaal sida Soomaaliya).Waxay xiriir la lahaayeen bar Carab & bar Cajam ilaa iyo haddana la leh.Waxay ku safri jireen oo dhulalkaasi ku gaari jiree (Harin oo ah doon weyn oo alwaaxyo waaweyn ka sameysan) Beecmushtari ahaan iyagoo ah,sida badanaa waxaa lagu hal qabsado :Xeebtaa xadaaradda ka timaadaa. (Ilbaxnimada Soomaaliya malaha iyagaa ugu horeeyay & Ganacsigaba). Soddommeeyadii waxay u safri jireen Unguji oo ah (Mombasa), Zanzibaar, Tanzania(Tanganyiika),Ugaandha, Raasiini iwm.Dhinaca kalane Caddan, San’a, Xudeyda, Mukalla, Omaan ,Jeddah iwm.

 
 

 

Google+