updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

Tacsi Alllaha u Naxariistee Nuux Barkhadle



Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana ka soo jeeda degaanada Awdal, ee deggan Dallas Texas  rag iyo haween, carruur iyo cirrole, waxay tacsi tiiraanye leh u diraysaa eheladii, saxiibadii iyo dhammaan dadweynaha Reer Awdal geerida ku timid Nuux Barkhadle oo ka mid ahaa hal doorka reer Awdal ee muddada dheer deganaa Imaaraadka Carabta immikana ka mid ahaa oday dhaqameedka aadka uga muuqda gobolka Awdal, gaar ahaana degaanka Dilla.


Alllaha u Naxariistee Nuux Barkhadle oo ahaa reer Jubuuti, waxanu ka mid ahaa dhallinyardii halgankii gobanima doonka Jubuuti door libaax ka soo qaatay..

Wuxu Nuux Barkhadle ahaa raga fara ku tiriska ah ee ka hadhay hal doorkii aqoonta u lahaa dhaqanka, murtida iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ee la iska dhaxlo. Wuxu ahaa nin geesiya oo ku caan baxay deeqsinimo, aftahannimo iyo garaad badan.

Eebbe Jannadii firdowsa ha ka waraabiyo, eheladiisii iyo intii jeclaydbana Ilhaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo – Aamiin.

 

Nuux Amin

 
 

 

Google+