updated 6:23 PM MDT, Mar 28, 2017
A+ A A-

Hawsha Guriga Oo Aad La Qabataa Waxay Keeni Kartaa Inaad Soo Jiidato Kalsoonida Iyo Jacaylka Xaaskaaga

Ugu yaraan toban daraasadood oo kala duwan isla markaana ay sameeyeen aqoon-yahano kala duwan oo dalal iyo qaarado kala durugsan ka soo kala jeeda ayaa si aad isugu dhow dhow u tilmaamay ahmiyada iyo kalgacalka ka beerma, marka Ninku Xaaskiisa kala qayb qaato shaqada Guriga isla markaana ka caawiyo waxyaabo badan oo shaqadeeda gaarka ah. Xog ururimahan oo laga sameeyay dallal badan oo qaarada Yurub ka tirsan, waqooyiga America iyo waliba dalalka Jabaan iyo Australia ayaa muujiyay, kalsoonida ka dhalan karta marka shaqada guriga lamaanuhu si wada jir ah u qabtaan. Sidoo kale waxay arintani sii xoojisaa dareenka iyo Hamada labada qof ee is qabaa isku hayaan. Arinta xiisaha badan ee daraasaddahani muujiyeen ayaa ah, in dumarku aad u jecel yihiin nadiifinta dhamaan qolalka kale ee guriga, hasa yeeshee aad ugu liitaan nadaafada qolka Hurdada, taas oo aad moodo in meesha qudha ee ay ka daalaan ama ka talax gabaan tahay qolka ay ku nool ninku isku dayo inuu kala qayb qaato ama intiisa ugu badan ka qabto shaqada taala, ayaa xiiso galin karta gabadha, inkastoo dhaqan ahaan ay yara adkaanayso marka hore isla markaana gabadhu ka yara boodayso in shaqada guriga aad ka qayb qaadato iyadoo xeerinaysa dhaqamo iyo caadooyin soo jireen ah, hasa yeeshee mar kasta oo lagu sii cel celiyo, laguna dedaalo in lagu camal falo waxay horseedaa, kalsooni iyo is jacayl badan oo qoyska dhex mara. Akhriste ogow in dhamaan daraasadahan iyo cilmi baadhisaha kala duwan ka hor ay diinteenu inoo sheegtay faa’iidada ku jirta wax wada qabsiga qoyska, iyo sida ninba ninka uu qoyskiisa ugu fiican yahay uga khary badan yahay, arintaas oo kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor Nabigeeni Muxamed (NNKHA) uu inoogu sheegay xadiis saxeex ah, kaas oo macnihiisu ahaa “Waxaa idiinku khary badan ka ugu wanaagsan qoyskiisa, anigaana ugu wanaagsan qoyskayga.” Hadaba waxa cad in haweenaydu tahay qof naflay ah, una baahan in laga taageero wixii hawl maalmeed ah ee u yaala oo laga yaabo iyadoo la daala dhacaysa inay hadana dhaqan ahaan isku daydo inay qabato adigana ka qariso dhibteeda, laakiin ogow hadii aad kala qayb qaadato in isku soo dhawaansho iyo kalgacal ka beermayo. Waxa kale oo arimaha kalsoonida xaaskaaga aad ku kasban karto ka mid ah inaad xeeriso waxyaabaha ay jeceshahay, mararka qaarkood isku daydo inaad wax badan u qabato, haday tahay dhinaca dookha iyo haday tahay dhinacyada nolosha iyo hawl maalmeedka aqalka. Cilmi baadhayaashan ayaa tilmaamay in wax badan laga ogaaday baadhitaano lagu sameeyay qoysas badan, gaar ahaan kuwo haweenku guri joog dhaba yihiin, kuwaas oo la ogaaday in marka gabadhu maalintii oo dhan ka shaqayso guriga, diyaarinta cuntada, daryeelida caruurta iyo qancinta Ninka ay soo waajahaan caajis iyo niyad jab, isla markaana loo baahan yahay in la ilowsiiyo oo lagu dedaalo sidii dalka iyo culayskaa badan ee ku dhacay ay uga soo kaban lahayd. Waxaana arimaha ugu fudud ee lagu dhamayn karo tacabkaas ugu muhiimsan, sheekooyin badan oo madadaalo iyo xiiso leh, cuntooyinka ay danaynayso oo lagula dedaalo si kastoo loo heli karo, in lagala shaqeeyo hawlaha guriga, xitaa in ninku isku dayo sidii uu xaaskiisa u siin lahaa cuntada ugu yaraan. Hadaba waan garan karnaa in dad badan oo akhrisanayaa la yaabi karaan ama u arki karaan wax ka bad badin ah, laakiin akhriste ogsoonow in nolosha loo masa yahay, wixii aad dhibsato adiguna jeexaaga kale neceb yahay, wixii kugu culus ama cidhiidhi kugu ahiina si sidaa la mid ah u dhibayo, sidaa daraadeed raali gali lamaanahaaga maadama oo ay tahay qayb ka mid ah noloshaada iyo jeex ka beermay jidhkaaga ama ku lamaan oo hadii aad abuurto kalgacayl iyo kalsooni dhimashuuni idin kala kaxayn karto.   

Dillapress.com

Faysal maxamed Xassan