updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

Rafaadkii Rajaa badashey!! Qormo xiise leh! Qalinkii Cabdullahi Calas Jimcaale

21-sano oo shacabka soomaaliyeed ay la noolaayeen xadgudbyo damiiri ah oo aad ufool xun, xadgudubyadaas oo isugu jirey dilal, xasuuq,kufsi, cuuryaamin, burburin iyo lunsasho hantida guud iyo mida gaar ahaaneed iyo balaayo idilkeed waxaa garwadeen ka ahaa Qabyaalad, Hogaamiye kooxeedyo, Ajaanib iyo wadaado isku sheeg ku qaraabanaya diinteena islaamka.

Inkastoo wali xaaladii amaandaro raadkeedii ka sii muuqdo Soomaliya hadana waxaa muuqata Rajo, isbadal siyaasadeed iyo ififaalo nabadeed,,Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay shacabka soomaaliyeed kaalin intee la’eg ayey ku leeyihiin Horumarinta iyo taabo gelinta Rajada Nabada Soomaaliya?mise rajadaas wuxuu xil ka saaran yahay hogaamiyayaasha Dowlada Fedraalka Soomaaliya kaliya?.

Xaqiiqdu waxay tahay in Rajada nabada Soomaaliya masuuliyeeda ugu weyn uu saaran yahay shacabka soomaaliyeed kaalintooda ku aadan xaqiijinta taabogelinta nabada.

Waxaa in hoosta laga xariiqo mudan Dadaalka hagar la’aaned ee hada ka socota Soomaaliya qaasatan muqdishu ay horseed ka yihiin shacabka marka aad fiiriso kaalinta ay ku leeyihiin sugida amaanka iyo waliba sida ay ugu heelan yihiin in ay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka si meesha looga saaro canaasiinta lidka ku ah amaba ka soo horjeeda nabad waarta oo ka dhacda Gayiga Soomaaliya.

Hadaan uguda galo halku dhiga maqaalkan maxay tahay RAJADA MUUQATA?,,Rajada muuqataahi waa kow waxaan haysanaa Dowlad iyo Madaxweyne rasmi ah oo waa ka gudubney kumeelgaar waa rajo weyn,,waxaan leenahey Baarlamaan ubadan xubno aqoonyahano laysku haleyn karo iyana waa rajo kale oo weyn,,waxaan kaloo haysanaa Rasiisul wasaare iyo xubno kooban Wasiirro ah ahna xubno aqoonyahanno ah taasoo iyana ah rajo fiican.

Waxaa kaloo iyana xusid mudan kana mid ah rajada maanta muuqataahi,,ka saarintaanka shabaabka magaalada muqdishu iyo qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba siibaacsigooda si loomooso loona ciribjaro balaayadooda taasoo ah Rajo weyn oo aan la heli karin,,Dhisitaanka iyo tayeynta ciidammada Xoogga, iyo Booliiska ayaa iyana ah Rajo muuqata oo lagu farxo,,taakuleynta iyo garab istaaga ciidamada AMISOM ayaana iyana ah rajo kale,,balanqaadka, la socoshada iyo dadaalka bulshada caalamka ee arimaha Soomaaliya ayaa iyana ah rajo muuqata oo dhiirigelin u ah ka mira dhalinta nabada Soomaaliya.

Sidoo kale qaadista isbaarooyinkii lagu dhici jirey Shacabka Soomaaliyeed in ka badan 21 sanadood ayaa iyana ah rajo weyn oo lagu farxo,,Magaalada Muqdishu oo dib udhismeysa ayaa iyana ah Rajo kale oo muhiim ah,,Niyadii shacabkoo soo noqotey ayaa ah Rajo weyn oo in la xuso mudan,,Garoonkii diyaaradaha iyo Dekadda oo si habsami ah u shaqaynaya ayaa ah Rajo horumarineed oo muuqata iyana,,Hadalkii Madaxweynaha Prof.Xasan Sheekh ee ahaa in kufsiga loo gaysanayo dumarkeena uu yahay jariimo iyo danbi weyn cidii danbi gashana nuucuu doonaba ha ahaadee aan la cafin doonin ee ay mari doonto cadaalada ayaa ah Rajo kale oo wadada uxaareysa in sharcigu ka shaqeeyo Somaaliya,,hadalkii Raiisul wasaare Dr.Saacid ee ahaa in Dowladiisu ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa iyo lunsashada hantida ummada ayaa ah rajo kale oo mustaqbalka keeneysa isxisaabin dhab ah oo ka hirgasha Somaaliya,,,sidoo kale dhawaaqii Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari ee ahaa in hanaanka cadaaladeed iyo tiirarkeeda dib loo unki doono ayna jiri doonto la xisaabtan iyo koontarool dowladnimo ayaa iyana ah Rajo sugeysa in sharcigu uu qof kastaahi ka sareeyo sidoo kalena laga hortago oo meesha laga saaro in aan laysku dabagelin denbiyada lagu galo xafiisyada laga maamullo howlaha dowladda.

Ha hilmaamin waxaa iyana Rajo kale oo muuqata ah wacyigelinta nabadeed ee joogtada ah ee ka socota 16 ka Degmo ee Gobolka banaadir iyo deegaannada kale ee laga xoreeyey kooxda alshabab kaasoo ay ka qaybqaadanayaan xubnaha ugu firfircoon ee bulshada qaasatan fanaaniinta, barbaarta gaashaaman, gudoomiyayaasha degmooyinka, hooyooyinka iyo dhalinyarada,,wacyigelintan ayaa lagu adkeenayaa rajada cusub ee nabadeed iftiinkeedu soo muuqdo.

Sidoo kale waxaa iyana kaabaya Rajadan cusub dadaalka hagar la’aaneed ee ay wadaan hay’adaha amniga ka shaqeeya kuwaasoo har iyo habeen usoo taagan in ay ka hortagaan falalka lidka ku ah amaanka ee ay maleegayaan ma quustayaasha haraadiga kooxda Al-Shabaab iyo cid walboo lid ku ah amaanka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo iyana ah Rajo aan marnaba la halmaami karin caawimaada joogtada ah ee walaalaheen Turkia iyo dowladooduba ay la garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,,tani waa astaan taariikheed aan marnaba ka tirmaynin quluubta shacabka Soomaaliyeed waxay na xasuusineysaa oraahdii murtiyaqaanka Soomaaliyeed ee aheyd “ABAAL BADAN,,ABAAL BADH AH,,,ABAAL BUR IYO DHEERAAD AH,,NINBA KIISA KAAN UGU BADALI BEERKA KA OGSOONI”.

Ugu danbeyntii Soomaalidu waxay tiraahdaa Sadar muuqda Su’aal ka dhan,,intaas oo Rajo ah iyo in kaloo badan ayaa ka muuqata maanta Dalkeena Soomaaliya,,dhamaan rajooyinkaas muhiimka ah ayey Rajo weyn ka qabaan shacabka Soomaaliyeed in ay soo celin doonto xuquuqihii ay shacabka Soomaaliyeed lahaayeen oo ay ugu weyn tahay xaqa ay uleeyihiin in ay helaan Nabadgelyo taam ah, Xorriyad, Sharaf iyo Dowlad caddaallad ah oo damaanad qaada xuquuqahaas Insha Allah. Somaaliya Ha Noolaato,,

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale
Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Soomaaliya
Tel: +356 99175408
E-mail: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. / This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Malta.

 radiomuqdishonet

 
 

 

Google+