updated 2:38 PM MDT, May 27, 2017

Rafaadkii Rajaa badashey!! Qormo xiise leh! Qalinkii Cabdullahi Calas Jimcaale

21-sano oo shacabka soomaaliyeed ay la noolaayeen xadgudbyo damiiri ah oo aad ufool xun, xadgudubyadaas oo isugu jirey dilal, xasuuq,kufsi, cuuryaamin, burburin iyo lunsasho hantida guud iyo mida gaar ahaaneed iyo balaayo idilkeed waxaa garwadeen ka ahaa Qabyaalad, Hogaamiye kooxeedyo, Ajaanib iyo wadaado isku sheeg ku qaraabanaya diinteena islaamka.

Inkastoo wali xaaladii amaandaro raadkeedii ka sii muuqdo Soomaliya hadana waxaa muuqata Rajo, isbadal siyaasadeed iyo ififaalo nabadeed,,Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay shacabka soomaaliyeed kaalin intee la’eg ayey ku leeyihiin Horumarinta iyo taabo gelinta Rajada Nabada Soomaaliya?mise rajadaas wuxuu xil ka saaran yahay hogaamiyayaasha Dowlada Fedraalka Soomaaliya kaliya?.

Xaqiiqdu waxay tahay in Rajada nabada Soomaaliya masuuliyeeda ugu weyn uu saaran yahay shacabka soomaaliyeed kaalintooda ku aadan xaqiijinta taabogelinta nabada.

TACSI:Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun

Aniga iyo xaaskayga, carruurtayda, iyo reer Aare oo dhan ka socota kuna socota walaahay reer Cabdilaahi Ismaaci oo dhan iyo reer Miigane oo dhan meel kasta oo ay joogaanba: Safiya, Najiib, Hinda, Xuseen, Cali iyo Malyuun oo hooyadiid Yusur Miigane moo shalay ku geeryootay magaalada Seattle , (USA).

Waxan Marxumaada Ilaahay Uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, inagana ilaahay samair iyo iimaan inaga siiyo. Aaamiin…Aaamiin…Aaamiin

 

Gar Habayn La Qaaday Gocoshaa Xigi Part One

Taariikhdu Waa Silsilad is Qorta Oo aan Dib Loo Duubi Karin Xumaan iyo Samaan Labadaba Waa Laga Helaa, Cidii Isku Dayda Inay Been Ka Sheegaan Waxay Ku Noqotaa Golxad Laba Afle ah Oo Kala Goysa.


Ismaandhaaf !


Ismaandhaafku Waa Wadka Fikradaha & Aragtida Kala Duwan’ Waxaana uu Shukaanta u Hayaa Dhamaan Qalbiyada Aan Miidaanta u Lahayn Weedhaha Togan ee Ruuxa Ku Soo Dhacaya’ Murtiduna Waa Waxaan Doonayaa Anigu Waxaad Diidan Tahay Adigu/Idinku’ Waxaad Diidan Tahayna Gacaloow Waa Dooqayga Anigu/Inaga’  Ismaandhaafku Waa Arrimo La’fil ah Jiritaanka Aadamaha Waa Xaajooyin Curada Gama’a & Gasiinkana Inoo Wada Diiday’ Waa Midaan Xuuran Kari La’anahay Waana ku Kadsoonaa Goor & Ayaan.

ADEEG CUSUB OO U HIRGALAY UMADA AF SOOMAALIGA KU HADASHA

 

Marka u horaysa naga gudooma salaan iyo mahadnaq ku socda maamulayaasha Shabakada iyo bulsho weynta akhriyaasha .
 
Waxaanu jeclaanay inaanu idin soo gudbino marna idinla qaybsano , adeeg aanu u argno inu ku cusubyahay umada Somaaliyeed oo dhowan dad Soomaaliyeed hir geliyeen.
 
Adeegaso ah Adeeg marki ugu horaysay noociisa la hirgeliyay , waana adeeg dhexdeena ku cusub xaga waxbarashada kaaso loo yaqan
– Online Studies- ama waxbarashada qaabka Online ka lagu barto.