updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Casharadii Saxaafadda:- Sugnaanta xogta ( accuracy).

 

Sugnaanta xogta ( accuracy). Hordhac. Waa mid ka mid ah arrimaha ugu mihiimsan in waxaad sheegayso uu ahaado wax sax ah. Si dadku kuu aamino, waxaad u baahan tahay inaad ku sifawdo xog sugan, oo aan mugdi ku jirin. Dadkana u sheeg wax run ah, oo aad soo shaandhaysay. Guud ahaan waxaa loo qaybinyaa Shan qaybood: a) deg degg aan la hubin ( fast is no good). b) Ka fiirso tafaasiisha ( risk of details) c) Si sax ah ugu dhawaaq ( call at right order) d) Sixida khaladaadka( correction ways) e) Wadooyinka loo maro sugnaanta xogta. (Road map). Bal aan mid kasta sharax ka bixino a) deg degg aan la hubin ( fast is no good) In shay lagu degdeggaa wuxuu keeni karaa dhib weyn, oo hadhaw ay ka imin karto qoomamo. (Bad feedback). Marka meel wax ka dhacaan, shayga ugu horeeyaa waa in la hubsado siday wax u dhaceen, ka dibna lagu xigsiiyo tafaasiisha iyo khasaaraha ayaa xooga la saarayaa. (Great concentration). Xeer mihiim ah ayaa ahaa” waxa wanaagsan ahaanshaha ka labaad oo sax ah intii aad noqon lahayd ka ugu horeeya oo khalad ah.” Getting your story fast is no good it is wrong”. Marka goob wx ka dhacaan, waxa marka hore wax la weydiinayaa, suxufiyiinta goobta joogtam haddii aanu suxufi joogin, wax la weydiinayaa masuuliyiinta iyo goobjoogeyaasha. Sidaynu hore u soo sheegnay, mar kasta waa la hubinayaa waxay dadkaasi soo tebiyeen, waayo maaha suxufiyiin aqoon u leh waxay sheegayaan, meelo kala duwana waa laga hubinyaa. (Don’t rely on single soure). Dadka qaarkii waxay yeelan karaan ujeeddo kale markay wax kuu sheegayaan, markaa wax kasta oo laguu sheego run ha u qaadan, laakiin sii baadh xaqiiqadiisa. b) ka fiirso tafaasiisha ( risk of details). Halistu waxay ku jirtaa tafaasiisha, hubi oo mar kale hubi magacyada dadka, xilalka ay hayaan, sidey u qoran yihiin, taariikhda, wakhtiga, meesha iyo tirooyinka. Ma la hubaa inay iyagu hadalkan ama xogtan sheegeen, soo bandhig hadalkooda asalka ah, adigoo hadalka u dhigaya hebel wuxuu yidhi” seddex qof ayaa isku qarxiyay goobtan, waxana ku dhintay lix qof”. Waa inaad hadalkiisa dadka maqashiisaa. (Original source). Aqoonsiga qofka oo aad khaladaa waxa ka dhasha dacwad aan la difaaci karayn. ( check the titles). Tusaale ahaan. Haddii axmed jaamac cumar lagu xukumay dambi dil ah oo uu galay, adiguna aad soo bandhigtid sawir khaldan oo nin kale oo isna la yidhaa axmed jaamac cumar, dee ninkan labaad ee aan dambi gelini wuxuu kugu dacweyn karaa inaad sharaftiisii meel kaga dhacday, oo wax aanu galin aad galisay. Aakhirkana maxkamad ayuu kula tiigsanayaa. Waxaad mar kasta maanka ku haysaa, marka goob wax ka dhacaan ee aad warysanaysid dad goob jooge ah, aad ugu fiirso faahfaahinta ay bixinayaan, waxa dhici karta inay ku sugan yihiin xaalad nexdin ah oo dhinaca maskaxda ayay mashquu ka yihiin. (Mentally busy). Adigoo tixgalinaya xaalada degaankaaga waxa suurogal ah in xogta aad ka heshay ilaha rasmiga ah sida booliska iyo saraakiisha dawlada in aad toos u tebin kartid adiga oo aan ka hubin ilo kale.( direct source). Sheeg ilaha aad soo xigatay mar kasta oo ay suurogal tahay. Isla markaana kala saar xaqiiqada iyo kutiri-kuteenka. ( don’t mix with facts and fictions). c) si sax ah ugu dhawaaq ( call at right order) ku dhawaaqista erayada iyo magacyada ad-adag waa qaar dhib wey ku haya weriyeyaasha qaarkood. Dadka caadiga ah ee sida joogtada ah u dhegaysta ama u daawada warbaahinta way kula yaabayaan, markay maqlaan weryiye khaldaya dhawaaqa magic ama eray. (The right pronounces). Tusaale ahaan. Weriye ka tirsan radio Hargaysa ayaa maalin dhawayd si khaldan ugu dhawaaqay magaca madaxweynaha dalka koonfur afrika oo magaciisa la yidhaa” jaakof suuma”. Wuxuu ugu dhawaaqay “ jatuf sama”. Ilaa seddex jeer ayuu dhawaaq khaldan ku celiyay. Muu ogayn inuu khaldan yahay. Erayada dhawaaqoodu adag yahay, waxa lagaga bixi karaa in studio-yaha lagu dhajiyo liiska magacyada ad-adag, si weriyaha maalintaasi ama habeenkaasi warka u lihi uu isha u sii mariyo wixii ku adag. (Difficult areas). d) sixida khaladaadka ( correction ways). Khaladku waa laba nooc oo kala ah: a) mid ka dhaca barnaamuj toos ah ( live event) b) mid ka dhaca barnaamuj la duubay ( recorded event) bal aan hoos ugu daadagno. a) mid ka dhaca barnaamuj toos ah ( live event) waa ka ugu halista badan, waayo khaladka dhacaya waxa wada maqlaya ama daawanaya dadka. Wuxu u baahan yahay in isla goobta lagu saxo waayo waa wax imika baxaya. (Present). Waxana masuuliyada dhabarka u ridanaya weriyaha hawsha gacanta ku haya. Marka khalad la saxayo, waxay u baahan tahay degenaan iyo taxadir. Suxufigu hadalk wuxuu u dhigi karaa si xushmadi ku jirto. Tusaale ahaan. Dhegaystayaal ama daawadayaal waxaan saxaynaa khaldii ahaa” afhayeenka madaxtooyada, wuxuu sax ku ahaa afhayeenka wasaarada arrimaha dibada.” Raali naga ahaada. Marka khalad weyn si degdeg ah loo saxo wuxu baajin karaa dhib weyn oo soo gaadha hayad warbaahinta ee khaladku ka dhacay. Khaladyadu marmarka qaarkood way dhacaan, laakiin in la saxo ayaa waajib ah. (Responsibility of correction). b) mid ka dhaca barnaamujka la duubay ( recorded event). Khaladkani waa mid aan sidaasi u halis badnayn, oo marka kowaad ee la baahiyo barnaamuka ee la ogaado inuu khald galay, waxa laga masaxayaa ka labaad ee la baahinayo. Warbaahint qaarkood waxay sixitaankooda baahiyaan isla wakhtigii, maalintii iyo barnaamuujkii khaladkii hore lagu sameeyay, iyadoo ku talogalkoodu yahay in dadkii khaladii hore maqlay ay sixitaankana maqlaan ama daawadaan. Dhinaca kale xeer kale ayaa isna ahaa: halis baa ku jirta in khaladkii hore dadka la ogaysiiyo isla mar ahaantaana lagu baahiyo dadweyne ka sii badan. Hadaba si labadan xeer la isugu dhaweeyo, nuxurku wuxu yahay in khaladka la saxo, oo waliba raalligalin cad laga bixiyo. Dadka aad wax u sheegayso waxay isugu jiraan, min PROFFOSSOR ilaa islaan aan magaceeda qori Karin, waxa loo baahan yahay dadka baaxadaa leeg inaad raalligaliso, oo wax sax ah aad u sheegto. (Range of audience). Iska jir erayada loo isticmaalo xawayaanka. Sida erayga, Raxan. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa jariirad qortay war noocan ah: raxan wasiiro ah ayaa booqosho ku jooga dalka kiiniya. Tusaalahani waa khalad, waayo erayga raxan looma isticmaalo dadka. (Fine suitable word). Waxa ka fiican, adigoo yidhaa” koox wasiiro ah, ayaa booqosho ku jooga dalka kiiniya. Erayga raxan waxa loo adeegsadaa xawayaanka. Tusaale ahaan. Daanyeero raxan, raxan u socda ayaa farabaas ku haya beeralyda togwajaale. Laakiin hadday kugu adkaato doorashada eraygu, weydii abwaanada ama suugaanyahanada. Qoraalka tirooyinka. Marka la qorayo tirooyinka caadiyan waxa loo qoraa laba hab, oo kala ah. a) habka la isticmaalo xaruufta ( in words) b) habka la isticmaalo lambarada ( in figures). Markaan eegno dhinaca saxaafadda, waxa la dooranayaa habka loo qoro xaruufta (in words). Tusaale ahaan. 10,000 oo qof ayaa ku dhintay dhuk gariir ku dhuftay koonfurta dalka shiinaha. Waxa ka fiican adigoo yidhaa. Tusaale ahaan. Toban kun oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir ku dhuftay koonfurta dalka shiinaha. Sababta loo doortay waxa weeyi, in mar kasta aad isticmaasho erayo dadku kula fahmayo. Dadka qaarkii waxa ku adag akhrinta tiryoonka u qoran lambarad, sidaa darteed waxa lagu qorayaa wax la wad akhriyi karo. (Level of undserstanding). Wadooyinka loo maro sugnaanta xogta (Road map). Guud ahaan waa in si weyn loo tixgaliyaa qodobadan: 1) waa inaad ku tirsanaan ilo wareed oo kaliya.( single source). 2) marka horeba waa inaad kala hubsadaa in warkaasi kugu soo gaadhay gacantii hore ama gacantii labaad. ( first hand or second hand). 3) waa in la hubiyaa, oo waliba lahubiyaa cidii uu asal ahaan ka soo baxay warku. ( original source). 4) waa in la raadiyaa cidii u hayd ehelka ama u dhuun dalooshay sheekada. cid dacal ka joogta la doonan maayo. 5) hadduu warku ku saabsan yahay laba dhinaca waa in labadaba lagala xidhiidho waxay ka qabaan arrinta, si loo ilaaliyo dheelitirka. (Both sides). 6) si weyn uga fiirso isticmaalka eryayada xiisaha u yeela warka. Sida, siyaasi miisaan weyn leh, hogaamiye aad looga dambeeyo, odayga ugu caansan, gabadha ugu cod macaan, ciyaaryahaynka ugu fiican, i.w.m. FIIRO GAAR AH: haddii cidi ay mutaysatay oo la siiyay abaalmarin ah inay cod macaan tahay waa in loogu yeedho codkaa macaan ee ay ku guulaysatay. Tusaale ahaan: ciyaaryahanka ugu fiican ee gobolka aad joogto waxa ku guulaystay Siciid jaamac, markaa waa inaad tidhaa “ ciyaaryahanka ugu fiican ee gobolka hebel siciid jaamac ayaa nagu soo booqday xarunta iddaacada SHabeele maanta, waxaanu ka qaadnay warysi. Eryadani waa qaar xiiso u yeela warka, laakiin si ka fiirsi leh u adeegso. ( let the fact speaks). Tusaale ahaan. Waxaad tidhi” waxa magaalada laascaanood soo gaadhay siyaasiga ugu miisaanka weyn siyaasiyiinta goboka sool. Ma adigaa miisaanka saaray? Xageed ka keentay miisaanka aad isticmaashay? Yaa sheegay inuu ka miisaan weyn yahay kuwa kale? Waa su’aalaha kugu noqon kara qaar aanad u helin jawaab lagu qanco. Dadka u sheeg runta, ka ilaali jahawareer ka qaadaan warkaaga. (No false pretences). Marka sixitaanku aanu waxba tarin. (damage cannot be repaired). Weynu ka soo hadalay, sida loo sameeyo sixitaanka, balse waxa jira mar aanu waxba tarin. Tusaale ahaan: suxufi ayaa noo sheegay war uu maqlay oo ku saabsan dagaal dhacay, sidii uu sheegay ayaa loo faafiyey iyadoo aan la hubsan. Waxa ka dhashay warkii in shan qof lagu dilay’ dagaal aargoosi ah”. Waayo dadkii waxay aamineen in warku run yahay. Ka dib suxufigii ayaa mar dambe ogaaday inuu warku been yahay. Sixitaaka iyo raalliglintu ma soo celin kartaan shan qof oo dhintay, loona dilay warkii beenta ahaa ee la faafiyey. Tani qof kastra way ku dhici kartaa, markaa waxa qurux badan inaad iska hubsato warkaad sheegayso inta aanu khasaare ka dhalan, adigana aanu dambi maxkamadeed ku galin. Dillapress.com

 
 

Haweenka Soomaaliyeed Waa Dheemanka Dalku U Aayey

By Bashir Goth

Nin deeqba haweenle baan ahay
Haddana dafiraaya baan ahay   
Dabeecado jaanle baan ahay
***
Darbaal nin ku seexda baan ahay
Haddana ka dillaalayaan ahay
Nin dayn lagu biiliyaan ahay
Dawaro ku xeraada baan ahay
Haddana duhur jiifa baan ahay
***
Duddada nin ka buuqa baan ahay
Darroorrina joojin baan ahay
Duqayda nin caaya baan ahay
Digriiyo ku faana baan ahay
Talana dooyeysan baan ahay   
Qudhaan dabanaynin baan ahay
***
Daayeer maryo loo xidhaan ahay
Haddana wax dacaayadshaan ahay
***

Cutubkan oo ku jiray gabaygaygii Soomaali Dafuufan Baan Ahay (1999) ayaan  xusuustay markaan arkay deeqda ku dayashada mudan ee ay haweenka ka soo jeeda Awdal/Salal ee deggan dalka Ingiiriisku ay ku taageereen dhismaha jidka Boorama-Dilla ee hormoodka u yahay ururka ASARDA.

Xanuun La Magac Baxay “Caadaysiga Internetka”

Dhakafaarka Internetka Ama Caadaysigiisu: Waa Aragti ama Xaalad loo isticmaalo Xanuunka ama Dadka Buka Ee Isticmaala Internetka (WWW) World wide web. Isticmaalkiisaa oo Keena Dhibaato Dhaqanka Iyo Suluuka Qofka iyo bulshadaba Badila, Waana Arin Cusub oo dhamaan Bulshada Dunida Ku Nool Haysata Sababta Keentayna Ay Tahay,Computerska Oo Yaal Guri Kasta,Hadii Aanu Qoyskiiba Qof kastiba Mid iska lahaynba,Hadii kale Qofku rugaha Internetka Uu Si Fudud u heli karo

Ilaha wararka( sources of news)

Ilaha wararka( sources of news)

Hordhac.

waa maxay ilaha wararka? Halkee warka laga helaa?

Su’aalahaa jawaabahoodu waxaynu ku lafoguri doonaa qormadan ilaha wararka.

Weriyayaasha waxa ugu weyn ee ay qabtaan waa inay raadiyaan wararka iyo faahfaahintooda.

Qof kasta oo u shaqeeya hayad saxaafadeed, waxa looga baahan yahay inu sheego wuxu arkay ama maqlay.

Guud ahaan ilaha wararka waxa loo qabiyaa ilaa seddex iyo toban(13) qodob.

 
 

 

Google+