updated 6:23 PM MDT, Mar 28, 2017
A+ A A-

Warbaahinta iyo dadweynaha (media and the people)

Dadweynuhu waa kuwa sida joogtada ah xidhiidh ula leh warbaahinta. Waa saaxiibada ugu
 

dhow goor kasta, gaar ahaan wakhtiyada warbaahinta lagula kaco meel ka dhacyada. Waa inaad mar kasta ku fikirtaa maxay dadweynuhu kaa sugayaan, maxay xiiseeyaan, maxay jecel yihiin inay arkaan, maqalaan ama akhristaa.

qormadan waxaynu u qaybin doonaa saddex qaybood oo kala ah:

A) dhegaystayaasha ( audience)

B) daawadayaasha ( viewers)

C) akhristayaasha ( readers)

aan qobob kasta faahfaahino.

A) dhegaystayaasha ( audience)

marka hore waxa fiican inaad ogaato cida ku dhegaysanaysa, markaad taasi fahanto, waxaad u diyaarinaysaa waxay u baahan yihiin. Waxaad ka ilaalisaa waxay neceb yihiin. Haddii kale waxaad luminaysaa dhegaystayaal badan.

Qodobadan ayaa la raacayaa:

1) dhalinyarad: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada ay aadka u xiiseeyaan sida ciyaaraha, heesaha, aflaanta jacylka ah iwm. ( youth needs)

2) Waayeelka: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada khuseeya noloshooda sida wararka, caafimaadka iwm. ( old needs)

3) Qoraallada idaacadda loo qorayo waa inay ahaadaan qaar dadku si dhib yar u fahmi karaan, oo aan noqon kuwa mugdi ku jira. Waxa la yidhi “ waxaad wax u qoraysaa dheg, markaad idaacad wax u qoraysid.” Waxaad sawir ku muujinaysaa waa eryayo. Dadku dantooda ayey raacayaan ha moodin inay mar kasta sugayaan idaacadaada. ( Aiming for ear)

4) Dadka dhegaysta idaacaduhu, waxay fursad haystaan hal mar oo ay dhegaystaan idaacad, haddii ay wax dhaagaan awood uma laha inay soo ceshadaan wixii dhaafay. Taasina waxay horseedi karataa inay niyad ahaan kaa jeestaan, Markay wax dhaafaan. ( no chance of repeat)

5) Haddii dhegaystayaasha la maqashiiyo barnmaamuj ay ku jirto naxdin iyo werer, waa in aan lagaga tegin iyagoo ay maskaxdooda ka guuxayso welel iyo niyad-jab, balse waa in loo gudbiyaa kaalmo ama talooyin ay ku farxaan

(Don’t leave worry, give help)

6) hadalka ha dedejin: hadalkaagu waa inuu noqdo mid hufan oo aan boobsii ahayn, kala saar erayada oo uu hadal sidii adigoo qof aan waxba garanyn wax u sheegaya. Isticmaal erayo si fuduf loo fahmayo. Idaacaduhu waxay u baahan yihiin suxufi cod macaan leh. (Golden voice).

7) Marka warbixin la sheegayo .Sida wax loo bilaabo: waxa lagu horaynayaa. (A)sida ay arrintu ku bilaabmatay (b) tafaasiisha waxa dhacaya (c) inta heer ay soo martay (d) ugu dambaysta waxa laga yaabo inay dhacayaan. (How to start).

8) Wax asturaada : waa inaad masuulid gaar ah iska saarto oo aad asturto magacyada, waraaqaha , E-mail ada iyo wixii kale ee ay kuu soo diraan dhegaystayaahu. u sheeg inay ahaan doonaan kuw sir ah oo cid kale aan la siinayn. (Privacy).

9) Ha isku bogin: waligaa ha isku qufulin in cid waliba ku dhegaysanyso, xitaa haddii idaacadaadu tahay mida kaliya ee ka jirta dalkaasi ama deegaan kaasi. Dadku way kaa wareegu karaan, oo wailba cajalad muusigah ayey dhegaysan karaan. Waxa kale oo aad maskaxda ku haysaa tartanka ay warbaahinta caalamku ku wada jirto wakhtigan.

Qaybaha bulshada way kale duwan tahay baahi doonadu. cid kasta ka fikir waxay rabto. (Think your audience)

10)qorsha barnaamijyada : waa inaad maank ku hayso in dadka oo dhami isku wakhti dhegeystaan idaacadaha. Qof kasta wuxuu furtaa idaacada xilliga uu haysto wakhti iyo firaaqo, sidoo kale wuxu dhegaystaa barnaamijka uu xiisaynayo ama uu jecel yahay. Isku dheelitir barnaamiyjada, si dadka badankiisa loo kasbado. (different taste).

B) daawadayaasha ( viewers).

Waa inaad ogaato cida ku daawanaysa, ka dib waxaad u diyaarisaa waxay jecel yihiin ama dookhooda ah.

Bal ka fikr qodobadan.

1) suxufiga telefishaanka war ka baahinya waa inuu muuqaal fiican leeyahay. (Good personal appearance).

2) Dhalinyarada: waxay jecel yihiin ciyaaraha iyo heesaha, markaa waa in loo diyaaroyo baahidooda.

3) Muuqaal fiican oo sawiro leh, ayaa laga rabaa barnaamuj kasta. Hadday sawiradu noqdaan qaar bilaa tayo ah, waxay keenaysaa niyad-jab. (Interesting photos).

4) Haddii daawadayaasha ay daawadaan barnaamuj xambaarsan naxdin iyo walbahaar, waa in aan lagaga tegin. Xaaladaasi, balse waa in la siiyo tallooyin ka bi’ya walaaca iyo wererka. ( don’t leave worry and sad)

5) Sawirada isku midka ah ee la soo celceliyo, waa qaar ay daawadayaashu ku caajisaan, oo ka jeedin kara daawashada, aad uga taxdir sawiro dhawr jeer soo noqnoqda. ( permanent repeat clips)

6) Ilaali wakhtiga wararka, ciyaaraha, riwaayadaha iyo casharada diiniga ah iwm. Hadday dib u dhacaan, ka bixi raaligalin una balanqaad in aanay dib u dhacayn. Ama laga taxadiri doonoo wixii dambe. (Correction system).

C) akhristayaasha ( readers)

marka dad wax loo qorayo, waxa loo baahan yahay in wixii la qorayo, si fudud loo akhristo loona fahmo.

Bal qodobadan ka fakir.

1) suxufiga qoraal u diyaarinaya wargeys, waa inuu yeesho xirfada qoraal fiican uu ku qori karo. Oo marka la akhrinayo si fiican loo raaco ilaa laga dhamaynayo akriska. (Interesting never ends).

2) Waxaad erayo qoraal ah ku sifaynaysaa shayga aad dadka u sheegayso. Isticmaal erayo dadku kula fahmayo, oo micnahoodu cad yahay. (Clear words).

3) Waligaa wax ha ku qorin erayada suuqdiga ah, waayo dadweynuhu kulama fahmayo.haddii aad isticmaasho waxaad wax u sheegaysaa waa dad kooban oo suuq-joog ah.

Tusaale ahaan. Maalin dhawyd wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa qoray war noocan ah “ masuul madaxtooyada ka tirsan ayaa gidaar u dhiibay koox salaadiin ah.” Waa arrin yaab leh, yaa la fahmaya hadalka suuqdiga ah. Ma dadka suuqa jooga ayuu wax u sheegayaa mise dadweyne kale duwan.waxa la adeegsanayaa waa erayada dadka caadiga ahi ku hadlaan markay sheekaysanayaan. (Normal words).

4) erayo suuganeed : ka fogow erayada ay wx ku qoraan suugaanyahannaduu, waayo waxa kula fahmaya oo kaliya waa abwaanada iyo bahda suugaanta.

Gabayada waxa ka buuxa erayo ad-adag oo micnahoodu adag yahay, haddii wax lagu qorana fahmkooda adag yahay.

5) qormo aan mugdi ku jirin: qormada aad qorayso waa inaad ugu talogasho qof keli ah, marna ha ku fekerin in aad koox ahaan wax u qorto. Markaad qof keliya wax u qortid, akhristuhu wuxu dareemi doonaa sida saaxib isaga toos ula hadlaya.

6) Qoraal khudbad ah : marnaba yaan qormadaadu u dhedhemin sidii khudbad fagaree lag jeedinayo. Waa inay yeelato, bar bilow, fasiraad, ugu dambayn ama natiijo. Iska jir qoraal dheer oo lagu daallo, oo waliba qaab liita u qoran.

7) Ku dedaal in mar kasta, inuu yeeluhu ka soo horeeyo la yeelaha.

(Active voice).

Tusaale ahaan Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cuna qabtayn xagga hubka ah ku soo rogay soomaaliya.

Iyo marka la yidhaa. Soomaaliya cuna qabatayn xagga hubka ah, ayaa waxa ku soo rogay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Waxa sax ah qormada hore.

 

Dillapress.com

Ka wartebinta dagaalka iyo khilaafaadka. ( Reporting war and conflicts).

Hordhac

Marka laga wartebinayo dagaalka iyo khilaafaadka, waxa ahmiyad weyn la siinayaa, wararka, warbixinaha,
 
 

xogaha iyo macluumaadka. Waa inay noqdaan qaar sugan oo si weyn loo hubiyey, looma eego miisaanka iyo isudheelitir. Waa inay ku ladhan tahay cadaaladdi. Dadku waxay rabaan runta meesha taal.

Guud a haan, waxa ynu u qaybinaynaa shan qodob, oo kala ah:

a) kaalinta weriyaha ( journalist’s role)

b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflicts)

c) ka wartebinta dagaalka ( reporting the war)

d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters)

bal aynu mid, mid u sharaxno.

a) kaalinta weriyaha (journalist’s role)

ka soo qaad sidii adigoo ka waramaya ciyaar kubadda cagta oo laba kooxood dhexmarysa, oo aad isku dayaysid inaad dhexdhexaad ka ahaato, adigoo aan shaaca ka qaadayn dhinicii aad taageersanayd.

Dadka ku dhegaysanaya ama ku daawanayanaya u muuji inaad tahay suxufi dhexdhexaad ah. (Neutral journalist). Waxa sidaasi la mid ah ka wartebinta dagaalka oo ka khatar badan. Marka goob dagaal aad joogto, warbixinta ugu horaysa waa inay noqoto wixii aad argtay ama aad maqashay. (What you see and hear).maaha kaalinta weriyuhu inu kala xukumo saxda iyo khaladka, runta iyo beenta ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inu ergo ka noqdo meesha.

Waxa aad iyo aad mihiim u ah inaad fahanto kaalintaada aad meesha ku leedahay. Waxa kaliya ee aad meesha u joogtaa waa inaad ka wartebisid aragtida labada dhinac, wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira.

Si weyn isaga hubi afka iyo eryada aad isticmaalayso inaanay dhaawacayn labada dhinac. Si gaar ah uga digtoonow waxa la yidhaa xogaha iyo macluumaadka ka soo baxaya dagaalka, ee ay kala sheegnayaan labada kooxood. Toos u soo xigo wixii ay sheegeen labada dhinac. (Direct source).

Mar kasta muuji feejinaan dheeraad ah, waayo waxaad tebinaysaa waxay saamayn ku yeelanaysaa qaabka uu dagaalku u socdo iyo natiijada dambe. (Last stage impact).

b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflict).

Inta aanad tegin goobta dagaalka ee aad ka soo waramaysid, waa inaad sii samaysaa baadhitaan qoto dheer oo ku saabsan taariikhda khilaafka, is weydii su’aalahan. Sidu khilaafku ku yimid?, halka uu ka bilaabmay?, sababta keentay?, inta heer ee uu soo maray?, shakhsiyaadka ku luglaha?, inta xal ee la isku dayay in lagu xaliyo?, baaxada uu leeyahay?.iwm. (Background information).

Markaad jawaab u heshid dhammaan su’aalaha, waxaad u gudbi kartaa inaad u xamaan urursato goobta aad tegaysid. Waxa intaasi ku soo raaca inaad haysato qalabkii aad la tegaysid meesha sid, rikoodh, cajalad(personal tool), si aad ugu warysato haddii aad fursad u heshid.

Ma wadataa magacyada hogaamiyeyaasha iyo afhayeenada kooxaha. (Names and titles).

c) ka wartebinta dagaalka ( Reporting the war).

Waxa la yidhi “ khasaaraha ugu weyn ee dagaalku waa runta”. (First casualty of war is the truth).

Marka laga wartebinayo goob dagaal waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran:

1) marka war laga dirayo meel dagaal ama cadaawadi taal, waxa warka laga dhigayaa wuxu weriyuhu arkay ama maqlay.( sees and hears). Laguma darayo faaqidaad iyo faallooyin, iyo wax aan la hubin. Falanqaynta waxa loo dhiganayaa marxalada dambe. (Later stage).

2) arrimaha la isku khilaafsan yahay waa in si taxadir badan la isugu dheelitiro, iyadoo hadal kasat la sheegayo cidii tidhi ee loo cuskanayo. (Original sources).

3) xaaladaha aad khatarta u ahi, waxay muujiyaan war xiiso badan, markaad warkaasi sheegayso waa inaad sheegto halkaad warkan ka soo xigtay. (Accurate sources).

4) haddii aad joogto meel xabada habawga ahi ka soo gaadhayso, waa inaad doonataa meel gabood ah si aanay kuugu dhicin xabadu. (Under cover area).

5) waligaa toos ha u dhexgalin laba kooxood oo dagaalamaya, waxa dhici karta inay kugu dhacdo xabada ay is dhaafsanayaan labada dhinac.( never place yourself in danger).

6) marna waa inaanad u muuqn in aad qayb ka tahay dagaalka, oo aad wax kaga jirto. Hana u eekaan kooxaha dagaalka ku wada jira, sida adigoo xidha dhar tuute ah. (Way of dressing).

7) waa inaad ka bixi karto meelaha khatarta badani ka jirto, haddii meeli kaa soo xidhanto waa inaad haysataa meel kale oo aad ka baxdo kana ammaan badan.( escape area).

8) ha iska fadhiyin khatar badan, adigoo doonaya inaad qaado sawir fiican ama cod duubaya. ka fikir ammaankaaga. (Get out of danger).

9) marka goob-dagaal la joogo runt waa shayga loogu neceb yahay. Suxufiyiinta la laayo waxa loo dilaa laba sababood: (a) suxufi loo dilo dhexdhexaad maaha oo dhinac kale ayuu la saftay. (Unprofessional journalist). (b) suxufi loo dilo muxuu runta u sheegayaa oo ciidankayaga laga adkaaday aynu sheegayaa. (Professsional journalist). Markaa ha ka shakiyin waxa laguu dili runta, laakiin naftu waxay leedahay wakhti ilaahay ugu talogalay inay dhimato. Runta ku dhimo.

10) mar kasta maanka ku hay ammaankaaga. Nafta qofka oo la gooyaa waa dambi weyn xaga ilaahay. (Your own safety).

d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters).

Marka ay dhacaan masiibooyinku dadka badankiisu way ka mashquulaan xaga maskaxda. (Confusion).

Inta badan waxa dhaca jahawareer iyo is dhexyaac, xitaa goob joogayaasha ayaa mashquul noqda, oo waxay ku siin karaan warar is khilaafsan, ( conflicting versions). Marka laga eego dhinaca xaqiiqada. Markaa waxa loo baahan yahay taxadir badan.

Marka laga wartebinayo masiibooyinka waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran:

1) waa in weriyaha loo dirayo inu ka soo waramo masiibooyinku uu ahaado mid calool adag oo marku arko dad fara badan oo dhintay aanu khalkhalin. (Easy shock). Yaan warbixintaada laga dareemin cabsi iyo argagax.

2. suxufiyiinta ka waramaya masiibooyinka waa inay warka toos u helaan.( getting the facts straight). Haddii ay soo xigtaan war waa in la hubiyaa markast. In goobta la tago ayaa ugu fiican haddii la heli karo.

3) wajiga hore ee war ka dirida masiibooyinka waxa si gaar ah muhiimad u leh ilaha warka. (First stage). Qiyaasaha ugu horeeya ee khasaaraha waxa ugu badan war aan sugnayn oo la qiyaaso. Haddii aad heshay dhawr war oo kala duwan, waxaad dooran kartaa midka xambaarsan masuuliyada ugu weyn.

Tusaale ahaan. Waxaad soo qaadanaysaa warka uu sheegay qof madax ahi. (Greatest authority).

4) haddii warkaaga laga shakiyo, waa inaad markasta sheegto halkaad dhab ahaantii ka soo xigtay.( specific attention).

5) haddii aad war ka raadinayso dad dhibaato gaadhay, waa inaanad ku kadeedin inay warysi bixiyaan.

Dadka xaaladoodu xun tahay dhib kale looma geysanayo. (Worsening the condition)

6) haddii aad tagto meel ay masiibo ka dhacay, oo aad ka soo waramaysid , waxaad mar kasta la socotaa saadaalaha soo socda ee laga yaabo inay dhacaan. Tusaale ahaan. Waxaad joogtaa goob uu ku dhuftay dhul-gariir, ka dib laanta qaabilsan saadaasha ayaa sheegtay in shanta saacadood ee soo socda uu dhici doono dhul-gariir baaxad weyni, markaa waa inaad ka warhayso taasi, si aanay kuu galaafan dhibtaasi. (Open your eyes).

e) soo bandhigida warka labadiisa dhinaca ( balancing the news).

Sidaynu hore ugu soo sheegnay casharadii dhexdhexaadnimada, waa in wax kasta oo aad sheegayso dhexdhexaad ka ahaato waa shaqooyinka ugu mihiimsan ee saxaafaddu ku taagan tahay.

Bal aan qaar ka xusno:

1) warka waxaad u soo bandhigaysaa qaab u cuntama labada kooxood ee cadaawadu ka dhexayso.( neutral way).

2) erayada iyo luuqada aad isticmaalaysaa waa in aanay dhaawcayn labada kooxood. (Keep your words).

3) hubi hadalada, magacyada , xilalka, darajooyinka ay leeyihiin dadka aad soo xignaysaa. ( check the titles).

4) hadalka asalka ah soo xigo oo dadka maqashii. (Original sources). Waayo dadweynuhu waxay xiisaynayaa hadalada dadka is haya.

5) marna ha soo bandhigin huuhaada ama xanta suuqa la isla dhexmarayo. (Rumors news). Wax kasta ku salee runta.

6) ma la hubaa inay hadalkan yidhaaheen?, Goorma?, halkay ka sheegeen?, maxaad u cuskanaysaa?, cadayn ma u haysaa?, bal na maqashii ama na daawadsii hadalkoodii?, ( basic question). Jawaabaha su’aalahan waa inaad haysaa marka hore.

7) koox kasta ugu yeedh magacooda , marna ha isticmaalin erayada ay ku soo halqabsadaan kooxaha is hayaa. Sida, koox argagixiso ah, kooxo canaasiir ah, kooxo xagjir ah.iwm. (Call their names).

Dillapress.com

 

Casharadii Saxaafadda:- Dhexdhexaadnimada (impartiality).

Hordhac Waxayaabaha laguugu soo joogsanayo, waa adigoo noqda dhexdhexaad. Haddii aad ku sifawdo, isku dheelitir iyo cadaaladd, waxaad sumcad iyo magac ka helaysaa bulsha weynta. Wax kasta oo dhaca waa inaad meel dhexe ka istaagto. Haddii aad ku dhexmilanto afkaaraha dadka is haya, waxaad ka mid noqonaysaa dhinacyada is haysta. Guud ahaan dhexdhexaadnimada waxa loo qaybiyaa ilaa todoba qaybood, oo kala ah: a) dhexdhexaadnimada suxufiga ( don’t be sided). b) isticmaalka luuqada iyo erayada ( language and its words). c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment). d) xaqa diidmada ( rights to reject). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). f) isu dheelitir ( balance). g) caddaalad ( justice). Bal aynu mid, mid u sharaxno: a) dhexdhexaadnimada suxufiga (don’t sided) suxufigu waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof u dhexeeya, arrimaha dhacaya. Dadku way kuu siman yihiin. Maaha inaad dadka qaarna soo dhawayso, qaarna aad fogayso. Maaha kaalinta weriyuhu inuu kala xukumo sax iyo khaladka, runta iyo beenta wixii la kala sheegto, ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inuu waan waan ka dhexdhaliyo dhincayada is haya. Waxa kaliya eed meesha u joogtaa inaad sheegto aragtida labada dhinac, iyo wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. (present conditions). Si weyn isaga hubi waxaad tabinaysid, inay yihiin fikradda labada dhinac. Taasina waa tiirarka waaweyn ee saxaafadda iyo suxufiga. (major role). b) isticmaalka luuqada iyo erayada

( language and its words). Luuqada aynu doonayno inaan ku hadalo, waa hadba tuu dadka lala hadlayaa yaqaan, ha noqoto mid shisheeye ama afka soomaaliga. ( local or international). Weriye kasta waxa khasab ku ah inuu yaqaan, dadka uu wax u sheegayo. ( know your audience). Intaasi ka dib wuxu ka fikiri karaa inuu kula hadlo luuqada ay fahmi karaan iyo isticmaalka erayada ku jira. Iska dhawr erayada laba micnood leh ama wax ka badan. ( different meaning words). Waxa kale oo aad maanka ku haysaa kuwa si kala duwan looga yaqaan deegaanada kala duwan. Markaad diyaarinaysid warbixin ka hadlaysa xaalad meel ka jirta, waa inaad isticmaashaa luuqada dadka caadiga ahi ku hadlaan, markay sheekaysanayaa. (traditional language) ama sidii adigoo saaxiibkaa la sheekaysanaya oo kale. Haddii aad isticmaasho luuqada ama erayada ay adeegsadaan suugaanyahannadu cida ku fahmaysaa waa dadka suugaanta ku dhexjira oo kaliya. ( only special people). Kaliga ha aaminin in waxaad sheegayso la wada fahmayo. Laakiin u kuurgal oo la sheekayso dadka bal inay wax dhaliil ah kuu sheegaan, si aad u saxdo. = af-guri ( local words). Af-guri waa erayada laga isticmaalo kolba deegaanka aad joogto. Oo aanay kula fahmayn deegaanada kale. Iska hubi in daka oo dhami kula fahmayo erayada af-guriga ah. Tuaale ahaan, erayga beedka reer Somaliland waxay u yaqaan beed, koonfurta somaliya waa ukun, reer jabuuti waa naalo. Markaa eraygaa isticmaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay kolba meesha aad joogto ee dadkaasi kula fahmayaan. “ af-gurigu ma xuma haddii dadka deegaankaasi kula fahmayo” = erayada suuqdiga ah ( slange). Bal ka waran erayadan, haddii aad ku darted warbixin. Wuu u khuuriyay, horuu u soo fadhiyaa, waan soo kala toosay, wuu u jaakidhay. Iwm. Dhammaan erayadaasi waa qaar u gaar ah dhalinyarada. Way adag tahay inay fahmaan dadka waaweyni. Markaa waa arrin aad banaanayn in la adeegsado, maadaamo aanay bulshadi wada fahmayn. = erayada dhinaca siyaasadda. (Political words). Erayadan soo socdaa waxay noqon karaan aflagaado ama ammaan. Dadka qaarkii way ku farxi, qaarna way ka cadhoon. Argagixiso, xagjir, kooxaha mayalka adag, takfiir, kooxo canaasiir ah, ciidanka alle, khawaarij, xukumadda ridada, cadowga ilaahay, mujaahid, murtad, nabad diid, kooxaha falaagada ah, maleeshiyo iyo deblay iwm. Isticmaalka erayadaasi waa laga taxadirayaa. Waayo haddii aad qaar isticmaasho ogow inaad ka baxday dhexdhexaadnimadii. Waa erayo adduunka lagu kala aragti duwan yahay (different ideology). Tusaale ahaan marykanku alqaaciida wuxu u yaqaan argagixiso, ruushkuna jeejinaya wuxu u yaqaan argagixiso, filipiin abu-siyaaf waxay u taqaan argagixiso, hindiya kaashiir waxay u taqaan argagixiso iwm. Laakiin alqaaciida ma ogola in loogu yeedho argagixiso, jeejniyana ma ogola kuwa kalena waa sidaasi oo kale. Alqaaciida waxay isu yaqaanaan inay yihiin mujaahidiin xaq ah, markaa haddii aad alqaaciida ugu yeedhid argagixiso dee dhexdhexaad ma tihid oo marykankii yaad la safatay. Waxa dhexdhexaad noqon kara inaad ugu yeedhid magacooda. Mudane weriye ama tifaftire waa inaad fiiro gaar ah siiso isticmaalka erayo kooxo gaar ah hal qabsi u ah. FIIRO GAAR AH: warbaahinta reer galbeedka maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ahi. Arrin kasta waxay ka horaysiiyaan danta qarankooda. (National interest) ama amniga dalkooda. (National security). Waayo wax kasta oo dalkooda wax yeelaya waxay ugu yeedhaan “ argagixiso”. Markaa waxay la safteen dawladoodi, wax dhexdhexaad ahna may muujin. Erayada kala ah: kooxo canaasiir ah, kooxo flaago ah, deblay waxaad ku bedeli kartaa kooxaha mucaaradka ah. Tusaale ahaan waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah, halkii aad ka odhan lahayd, waxaad ka tidhaa” waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Haddii ay magac leeyihiin ugu yeedh magacooda. c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment) marka qof ama hayad wax lagu eedeeyo, waxay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan wixii lagu eedeeyay. Dhinac a wakhtiga haddii aynu eegno, waxa la isku dheelitirayaa labada dhinac wakhtiga la siinayo. ( time balance). Tusaale ahaan haddii uu afhayeenka dawladu soo saaro hadal qoraal ah, oo uu mucaaradku ku timaamayo dambiilayaal qaranka meel kaga dhacay, oo hadalkiisu socdo ilaa soddon daqiiqo. Waa in dhinaca mucaaradkana la siiyo jawaabta ay arrintan kaga hadli lahaayeen intii in leeg. ( the same time). Haddii laakiin wakhtiga loo kala badiyo, waxa halkaasi ka muuqanaysa in aan dhexdhexaad laga ahayn arrintaasi. d) xaqa diidmada ( rights to reject). Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu wax diido waxna aqbalo. Maaha shay lala yaabo, marku qof diido inuu warysi ama war bixiyo. (personal rights). Laakiin haddii qofku diido in la waraysto, hasa yeeshe ay tahay in loo baahan, waxaad ku dartaa warbixinta in aad la xidhiidhay qofkaasi, balse uu diiday inu bixiyo wax waraysi ah. Arrintani waxay dhegaystayaasha, daawadayaasha iyo akhristayaasha tusaysaa inaad isku dayday in warka labadiisii dhinac aad raadisay, laakiin qofkaasi ku diiday. Waxay qayb ka qaadanaysaa inaad sheekada dhexdhexad ka tahay. ( neutral journalist). Dhinaca barnaamujyadda dooddaha ah: Tusaale ahaa waxaad qabanaysaa doodd ka dhacaysa tarunta T.V ga aad ka shaqayso waxaad ku casuuntay afar qof inay doodda ka qayb galaan dhammaantoodna way aqbaleen inay ka soo qaybgalaan. Balse saacadihii ugu dambeeyey ee ay dooddu bilaabmaysay ayuu mid ka mid ah ka qaybgalayaashu is bedeley oo qaadacay ka qaybgalka doodda. Markay halkaa marayso, waa in dadka loo sheego qofka jaray balantii, isla markaana kursigii uu ka maqnaa la tusaa dadka. (Mention the position). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). Suxufiyiintu waa inay hawshooda u gutaan si daacadnimo ku jirto. Warka oo sidiisa loo soo bandhigo, waxa lagu heli karaa sumac iyo looga-qaateenimo. Xitaa haddii uu ka horimanayo danaheena gaar ahaneed. ( be objective). Mid ka mid waxyaabaha ku salaysan xaqiiqadu waa sifooyinka la siinayo, kooxaha iska soo horjeeda.iyo waxa lagu hadlayo oo la ilaaliyo. (Pay attention what you say). Tusaale ahaan. Goob dagaal ka socdo ayaad ka soo werinaysaa waxaanad tidhi” ciidamada dawlada ayaa cagta mariyay kooxo argagixiso ah, oo ku dhuumanayay bariga magaalada.” Hadalkani maaha hadal weriye . waa hadalka afhayeenka dawlada. Suxufigu hadalkan ma isticmaali karo ilaa uu ka jawaabo su’aalahan. Waayo ma adiga ayaa ka dhigay argagixiso? Raali ma ka yihiin in loogu yeedho? Miyaanay magac lahayn? Maxaad ugu bixisay? Iska jir inaad hadalka iska tidhaa. U fiirso waxa afkaaga ka soo baxayo. ( your own words). Hadalka weriyuhu waa kan” ciidamada dawlada ayaa dagaal kula jira kooxo ka soo horjeeda, walina dagaalku wuu socdaa”. Haddii ay dawladu meel qabsatay oo warkaasi cad yahay waa inaad sheegto. Laakiin ha horboodin warka. Haddii aanad xaqiiqo ku salayn warkaaga, waxa dhici karta in dadku kaa aamin baxo, oo meel kasta lagaaga soo horjeesto, oo weriyahaagana lagu dilo meel kasta. Ileyn adigaa halkaa isdhigaye. ( don’t bias). Wararka aad soo hesho ha marinhabaabin, waayo dadka aad wax u sheegaysaa way fahmayaan marinhabaabinta aad samaysay. f) isudheeltir ( balance). Isudheelitirka wuxu si weyn ugu xidhan cadaaladanimada, waxaanu nuxurku yahay inaad labada dhinacba fursad u siiso inay doodaan. Waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, dooddaha, faallooyinka iyo fikradaha kala duwan waa inay loo soo bandhigo qaab sugan oo isudheelitiran. ( fairness). Si loo ilaaliyo isudheelitirka, waa in qodobadan isha lagu hayo. (few tips). 1) si ku haboon ayaa lo soo bandhiyaa iyadoo lagu xisaabtamayo wakhtiga iyo meesha bannaan ee la siinayo.( time and position). 2) sheekada iyo qaybaheeda waxa loo soo bandhigaa si madax banaan oo dhinac kasta laga eego. (independent of both sides). 3) meesha ku haboon, iyo cidii xaq u leh jawaab inay ka bixiso waa in la siiyo. ( chance to make comment). 4) waa in aan warka la khafiifin oo la macno dilin ama wax yar laga soo qaadin macnaha guud iyo nuxurkiisa. ( tast of the sentences). 5) waa in aanay isku dhexyaacin warka iyo xayaysiisku, oo la kala ilaaliyaa. 6) waraka la xidhiidha faallooyinka, looma qorayo qaab colaadda sii xumaynaysa oo uga sii darta cadaawadda ka dhexaysa bulshooyinka ay arrintu khusayso.( worsening the condition). g) cadaaladda ( justice). In suxufigu uu xaqiiqada wax ku saleeyo wuxu micnaheedu yahay in cadaaladd iyo daacdnimo wax loo sheego. Iyadoo la eegayo qiimaha iyo saxnimada. ( in value and size). Mana aha inay iska dhega tiraan araa’da kuwa ay iyagu neceb yihiin. Waa inay dadku kuu sinaadaan, maaha inay dadku kuu kal qaybsan yihiin. Waa in qaarna laga yeelin danahooda gaarka ah, qaarna loo fulin. Suxufigu waa in aanu qaadan wax laaluusha ah, waayo waxaad ka tegaysaa dhexdhexaadnimadii iyo cadaaladii. Sowtii hore loo yidhi” af wax cunnay xishoo”. Haddii aad laaluush qaadatid waad habranaysaa oo hawshadii uma gudan kartid sidii loogu talgaly.dadwaynaha sida dhabta ah u qiimeeya saxaafaddu way fahmayaan inaad laaluush qaadatay, waayo waxa warkaaga ka muuqnaysa buubuunin iyo ka bad-badin. Ogow dadweynuhu khaladka way xusuustaan muddo dheer. Haddii uu khaladkaagu isku xigxigo ( repeat mistake), waa lagaa shakiyayaa. Waxana calaamad su’aal la saarayaa cadaaladdnimadaada. Aakhirkana warkaaga waxa lagu suntayaa been cad. Waxana dhici karta in laguu bixiyo beenaale aan la aamini Karin. (Fiction maker).

 

Dillapress.com Editors

 
 

Maxaad ka ogtahay xiligii ay bilaabmeen Heesaha Soomaaliga cida bilowday iyo meesha ay ka bilaab meen,

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba inta fanka jecel iyo inta aan jeclaynba

Intaasi hadaan kaga gudbo salaanta waxaa jeclaystay in aan xoogaa wax ka iftiimiyo taariikhda Fanka Soomaalida.