updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

LABO DABRAN IYO LABO DARBAN by Suxufi Abroone



Baki Tawn-Awdalstate.com-Bulsho waxa ay Hormartaa marka ay ku Sifoowdo Dareen Wadaninimo iyo Lexejeclo ay Kaqabto Wadankeeda kaas oo Keenaya in ay Marnaba Bulshadaasi u Ogalaan Wadanka ama Deegaanka ay ku Nooshahay Hagardaama, Dibindaabyo iyo wax kasta oo Dhib ku keeni kara Aayaha Bulshada.

Bulsho kasta oo Horumar Lagu Tilmaamaa Astaantan ayay Weheshataa Laakiin Marka uu Dhinto Dareenka Wadanimadu Qafkasta oo Bulshada ka mid ihi waxa uu isku Dayaa in Dantiisa Gaadhka ah ka Hormariyo Danta guud ee ka Dhaxaysa Bulshada Deegaankaa ku wada Dhaqan, Taasina waxaa ay Horseedaa Burbur, Halaag iyo kala jab aan loo Xalhelin, Dadka Caynkaa ah waxa Tusaale Wacan u ah Shaqsiyaadka Tirada Yar Ee u Adeega Maamulka W/Galbeed Sheegtana Inay Matalayaan Ummada Ku Dhaqan Awdal State'  Taas oo uu ka Dhintay Dareenkiii Wadanimo, Hamigoodana  uu Noqday Qawlasato, Danaystayaal, iyo Dhuuniqaatayaal ku fikira kaliya sida ay Jeebkooda u Buuxsan lahaayeen, Waxay Noqdeen sidii Gofanaha Xoolaha Dhiiga ka Jaqa ilaa Inta uu ka Dhacayo Neefka:
 
 
Fashilka & Asbaabtiisa- Iyo Sifaha Kuwa Ina Hortaagan 20 Sano-
 
Ilaahay Kor Ahaaye Wuxuu Nolashan Ka Dhigay Mid u Yaalo Loolan iyo Siraacaad u Badan Foof Kaga Imanayo Meelo Kala Duwan' Si Toosna u Saamaynayo Himilooyinka & Mashaariicda uu ku Taamayo Ruux Waliba oo Ku Nool Dunidan Guudkeeda,
Hadaba Waxaa Jira Dad Badan oo Himiladdooda u Mara Inay ku Xaqiijiyaan Si Jamaaci ah ( Wadajir & Iskaashi ) Fakradahaasi Ha Ahaato Kuwa Dacwiya oo Ku Wajahan Bulshada Ama Kuwa Qayri ah Sida Ururrada Samafalka iwm. Kolkaa Waxaa Marag Madoonta ah In Dadkaasi ay Soo Wajahaan Arrimo Badan oo Sababa Inay ku Fashilaan Muraadkoodii & Inay Gaadhaan Himilooyinkooda Wacan.
 
''Gobonimo Waxaan Haybinaaba Waala Soo Helaye Ha'yeeshee Sidii Loo Hantaa Hadal Ka Joogaa''
 
Markaad u Fiirsato Hawlgaladii Dumay Ama Taariihkda Ku Yeeshay Baalasha Madow Waxaad Arkaysaa Inay Isku Dhaw-Dhaw'yihiin Arrimihii  Aasaaska u Noqday In Lagu Daro Diiwaanka Qaa'imiinta iyo Kuwa Ku Fashilmay Wixii ay Ummada u Igmatay' Taa Micnaheedu Ma'ahan In Guul-Daradu Tahay Miino ( Khaldaa Ma Saxo ) oo Hadii aad Mar Fashilanto Dib Inaadan Wax u Sixi Karin Balse In Badan Waxaa uu Ku Dhaxalsiiyaa Khibrad & Waayo Aragnimo Kuugu Xambaadha Inaad Markale Hesho Halkay Sartu ka Qudhunsantahay' Cagtana Aad Lahesho Toobiyaha iyo Tubta Toosan,
 
Aqristow Waxaan Qoraalkeena Maant uga Danleenahay Bal Inaanu Wax Ka Iftiimino Asbaabaha Keena Inay Fashilmaan Hawlgaladda Ha Ahaadaan Kuwa Samafal, Siyaasadeed, Dhaqan iyo Dhaqaale, Hormuud iyo Wacyigalinta Bulshada oo Lagu Baraarujiyo Danahooda, Hadaba Magac-uyaaladda  Fashilka Waxaanu Ka Tilmaami Karaynaa Kuwaani Soo Socda-
 

1. Aqoon Daro: Aqoontu waa Furaha guusha, waana ta keenta in la soo hooyo Guulo waaweyn oo lagu naalaado. Waa geedka ay Ummaduhu Beertaan si Midhihiisa waligood u goostaan, Hadba heerka aqooneed ee Ummadi leedahay waxa uu ka Turjumayaa hadba Sida uu Mustaqbalkeedu u Eekaan Doono. Hadaba hadaan La Yeelan Aqoontii loo Baahnaa ee Lagu Hogaamin lahaa Maamul ama Hay,ada waxaa Hubaala inuu soo Degdegayo Fashil & Burbur Baaxad leh oo aan la hor Istaagi karin.

Hadaba si fashil looga baadbaado waa in kor loo qaado Heerka Aqooneed ee ay leeyihiin Hawl Wadayaasha Ummada:

 
2. Khibrad Daro: khibradu Qiimo aad u weyn bay ku Fadhidaa marka laga Hadlayo in Isbadel la Sameeyo ama in Qof Shaqo loo Diro, Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu xusho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale. Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa aanay lahayn wax Khibrada waxaa Hubaala in Dhibta ay keenayaan ka badanayso Dheeftoodo. Sidaa daraadeed waa in qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahay qofka hawsha loo Dirayaa:
 

3. Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu Hogaanka u Qabto Qofkii aan Munaasibka ahayn ama aan ku Haboonayn taasi oo keenta Guuldarooyin waaweyn. Waxaad suuraysataa qof aan Lahayn Hiirad ( Himilo ) Karti oyo Xigmad Hogaamineed Ruuxaasoo ku Nool Hafadhyo iyo Bahdilaad Kaga Timaada Mushtamaca uu La'noolyahay Sidaa daraadeed waa in Hawshaa loo Diraa qofka ku Haboon ee la Filayo inuu Horumar Gaadhsiin karo:

 
4. Danaystayaal: Waxaa jira Dad Badan oo iyagu Dhex Muquura Hawsha la Wado, Meeshana u jooga sidii ay u Fushan lahaayeen Dano Iyaga u Gaara, Danna aan ka lahayn in Hawshu Guulaysto iyo inay Dunto Toona.Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food saara Mu'asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo.Si kuwaa looga baadbaado waa in Daacadnimada  qiimo weyn la siiyaa Laguna Qiimeeyo qofka hadba inta Daacadnimadiisu le'eg Tahay oo aan lagu Kadsoomin Or-oradka iyo Xiiqsanaanta badan ee ka Muuqata Danaystaha. Ilaah baa Og qofka Mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo daahira Dadka Daacada ah:

Intaa Ka Gadaal Aqristow Waxaanu Hoosta Ku Soo Bandhigaynaa 2 Dabran & 2 Darban

1 Labada Darban Waxay Kala Yihiin Odayaasha iyo Siyaasiyiinta.

A. Odayaasha: Xaqiiqda Dhabta ah ee Ka Jirta Deegaanadda Reer Awdal State Ayaa Waxay Tahay Inay Jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo Ay Wadda Galeen Odayaasha Deegaanka iyo Maamulka Beesha Dhexe Ku Waasi oo  Aad Siweyn uga Dheehan Karayso Habdhaqanka Odayadda La'shaqaysta Maamulka Cunsuriga ah ee Ka Jira Hargaysa iyo Nawaaxigeeda, Sida ay Ku Soo Waramayaan Ilo Wareedyo Looqaateen ah ayaa Badi Odayadda Koofiyad Baclayaasha ay Ku Mushaar Qaataan Cabudhinta Shacabka Reer Awdal State iyo Sidii Loo Marin Habaabin Lahaa Ujeedada Dhabta ah ee Ka Taagan Dhulweynaha Awdal State Waxaana Dhawaan La'soo Bandhigi Doonaa Magacdda Odayadaasi oo Saddexan iyo Halka Ay Ku Sugan Yihiin iyo Xilalka ay Ku Magacaaban Yihiin Iinsha Allaah:

B.Siyaasiyiinta: Awr-kiraalayaasha Ku Shaqaysta Magaca Siyaasiyiinta Awdal State Ayaa Iyaguna Ah Kuwa Siwayn Uga Qaybqaata Qorshayaasha Ku Wajahan Dilalka Muwaadiniinta, Barakicinta Aan Dhamaadka Lahayn, iyo Uquus Goynta Dhalinta iyo Haweenka Qoomiyadda Gadabuursi' Waana Awaamiir Ku Qotonta Dhagar iyo Boholo Loo Maleegayo Ummadeena Baraarugsan, Docda Kale Mashruucyadaan ayaa ah Kuwa Goor Waliba iyo Maamul Waliba oo Yimaado Dib u Habayn iyo Cusboonaysiin Ku Sameeyo Hawlgaladda Lagu Fulinayo Ummada Reer Awdal State, Sidoo Kale Dhawaan Ayaanu Soo Bandhigi Doonaa Magacda Siyaasiyiinta Heshiisyadaan Wax Ka Saxiixay Iinsha Allaah:

2: Labada Dabran Waa Dhalinyaradda iyo Haweenka Reer Awdal State.

Faahfaahin Dheeri ah Uma Baahna Hadimooyinka iyo Jalaafooyinka Taariikheed ee Loo Maleegay Haweenka iyo Dhalinyaradda Awdal State Balse Howraarta Maanta Ayaa Waxaa Astaan u ah in Dhalinta iyo Haweenka Reer Awdal State ay Buddhig u Yihiin Aasaaska iyo Jiritaanka Maamulka Xalaasha ah ee Awdal State of Somalia. Waxaan Qormadeena Ku Soo Afmeeraynaa Shirkii Maalmo Ka Hor Lagu Soo Gaba Gabeeyay Magaalada Borama Tawn ee Lagu Sheegay Inay Isugu Yimaadeen Aqoonyahanka, Culimadda iyo Siyaasiyiinta Kasoo Wada Jeeda Deegaanada Awdal State Kaasoo Aanu Wada Ognahay Inay Fikradiisa iyo Dhaqaalihii Ku Baxayba ay Maamulka Hargaysa Bixisay Waxaana Uga Ma'suul Ahaa Mr Cukuse, Ujeeddada Ugu Weyna Waa Sidii Loo Marin Habaabin Lahaa Dhibaatooyinka Lagu Hayo Shacabka Reer Awdal State, Sidaan Horay U soo Sheegnayna Waxaa Heshiisyadaan Kuwada Jira Odayada, Siyaasiyiinta Goboladda Awdal State iyo Maamulka Hargaysa-Hadaba Waakan Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Lagu Shirqoolayay Shacabkeena:
 

Shirweynihii Todobaaadkii hore ay isugu yimaaddeen Aqoonyahanada, Waxgaradka iyo Culimada Diinta ee G/Awdal/Selel & Gabilay,Ayaa Maanta loo Ballansanaa in lasoo saaro go’aamadii kama dambaysta ah ee lagusoo gunaanadayey Boorama.

Shiweynahan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanada wax ka dhiga jaamacadda Cammuud ,Ayna kasoo Qaybgaleen Qaybaha kala Duwan ee Dadweynaha laguna soo Xulay Aqoontooda Diinta ,Dhaqanka, Cilmiga iyo Waayo Aragnimada Dhinaca Horumarinta ayaa Maanta ku Dhawaaqay Go’aanadii Shirweynahaasi.

 

Kulankan Maanta Lagusoo Gunaanadayey Shirweynahaasi Hore Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Awdal iyo kuwa Maamulka Hargaysa oo ay ka kala Socdeen Maayorka Magaalada iyo Afhayeenka Madaxtooyada M-Hargaysa Maxamed Daahir Cakuse oo Aan Hore Loosii Sheegin Imaatinkiisa Boorama? 'Weedhan Dambe Waa Mid Xaqiiqda Ka Fog Waayo Waxaa Shirkaan Maal Galiyay Maamulka Ku Bahoobay Xumaha iyo Xiqdiga Shacabka Reer Awdal State ( Somali-land ) Waxaana Daliil u Ah Afartan Qodob ee Hoose' Taasoo Buddhig u ah Muhiimadda  Lagu Kala Qaybinayo Ummada Awdal State Wuxuu Yidhi Damane Sidan-

 

Xaalada aan Ku  Jirno (Current Situation)


1. Waa in La Xoojiyo  Midnimada Somaliland,
2. Waa in La Sii Xoojiyo Lana Kobciyo Nabada,
3. In la kobciyo Dareenka Dawladnimo iyo ka qayb-galka Dawladnimada Somaliland heer walba,

4. In la adkeeyo dhanna looga soo wada jeesto jiritaanka, midnimada iyo qaranimada Somaliland,

 

Hadaba Maxay u Taagan Yihiin Micnaha Afartan Qodob Guraatoow Waa Sidan-

 

1. Waa In Loo Nacamleeyaa Maamulka Dooxatadda ee Mr Siiraanyo & Xertiisa,

2. Waa In La'sii Gumaadaa Lana Bara Kiciyaa Shacabka Reer Awdal State,

3. In La'kobciyo Dareenka Doqonimo iyo u Shaqaynta Maamulka Beesha Dhexe,

4. In Loo Sadbursiiyo Lana Adkeeyo Midnimadda Maamulka Beesha Snm,

 

 

W: Qoray Suxufi Abroone

Afhayeenka Awdal State

United Kingdom

 

Qoraal u diyaarinta idaacaddaha. (writing for radios)

 Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Hordhac Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Waxaad dagaal kula jirtaa sidii aad u khasban lahyd dareenkaooda, taasina maaha wax sahlan, hadaad khasban weydo, way kaa jeesan karaan. Khasab maaha inay ku dhegaystaan. Qormadan waxaynu u qaybin doonaa shan qaybood: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) 3) hordhacyada ( cues) 4) codeynta barmaamijyada ( voicing) 5) habeynta xidhmooyinka ( package) BAL aan qodob kasta sharaxno: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) marka aad tahay suxufi ka hawgala idaacad waxaad marka hore fahantaa inaad dadweynaha aad la hadlaysaa ay yihiin dhegaystayaal, balse aanay ahayn dad ku arkaya. Waxaad l maacaamilaysaa waa dhego bili?aadama. (Listener?s ear). Hadaba waxaad u baahan tahay inaad isticmaalsho erayo dheguhu fahmaan, oo aan laga xiiso go?yn. Dhegaystuhu wuxu fursad u haystaa in hal mar ku maqlo, waayo wixii dhaafay dib uma soo ceshan karo. (Cannot repeat) Dhegtu maxay u baahan tahay? (Needs) = hadal macaan oo la fahmo = erayo gaa-gaaban = hadal aan deg deg loo odhan = erayada dadka caadiga ahi isticmaalo = hadal ujeedo iyo ka-jeedo leh = hadal khaladka raaligalin ka bixiya = hadal-yaqaanimo dadka wax ka dhaadhiciya = hadallo madadaalo iyo murti leh = hadallo lagu raaxaysto maqalkooda. 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) si aad u soo jiidato dhegaystayaasha . raac qodobadan: a) isticmaal erayo gaa-gaaban oo fudud ( simple words) b) isticmaal erayo micnahoodu cad yahay ( clear words) c) fududee tirooyinka. Sida ?199 ?waxa ka fiican ku dhawaad 2 boqol. ( simplify figures) d) iska jir erayada la soo gaabiyo. Sida, UN, EU, AU, I.A.E.A. isticmaal qaramada midoobay, midowga yurub iwm. ( aviod abbreviations) e) khalad haduu kaa dhaco raaligalin ka bixi. ( quick apologize) f) hadalka ha dedejin, si hufan oo laguu fahmo u hadal. Kala saar hadalkaaga. (Clear talk). g) Erayo qalaad marna ha isticmaalin, waayo dadku kulamo fahmayo. ( frogien words) h) Dhiiragali dadka, una sheeg inay wixii tal, tusaale iyo toosin ahba kuu soo diraan, hadday hayaan. ( support your listeners) i) Sheeg meelo ay kaala soo xidhiidhaan. (Contact area). Sida, tilifoon, ciwaan internet iwm. 3) hordhacyada ( cues) hordhacu waa halka ugu mihiimsan, ee lagu soo jiidan karo, dhegaystayaasha. Haddii hordhu xumaado ama noqdo mid aan soo jiidan dhegaystayaasha waa wax aan dhacayn inuu dhegaysto barmaamijkaaga. (First chance) waxa la raacayaa qodobadan: 1) warbixina loo samaynayo hordhac codeysan, waxay u baahan tahay: (a) halku-dhiga sheekada. (b) magac weriyaha iyo halkuu joogo. © cida kala qayb qaadatay. 2) hordhacyada loo samaynayo warysiga wuxuu u baahan yahay: ( a) in dhegaystayaasha la baro cida la warysanayo. Sida, magaciisa oo seddexan, derejadiis, xilka uu hayo. Iwm ( b) goorta uu bixi doona ama hawadagalin doona. 3) hordhacyada sheekooyinka dheer, wuxuu u baahan: (a) taariikhada sheekada oo kooban. ( b) imisa weji ayey leedahay, oo kooban. ( c) imisa weriye ayaa isku-dubariday. Hordhacyada qaabkan u soo bandhig. ( a) dooro erayo xiiso leh, oo dhegaystaha kuu soo joojiya. ( b) noqo qof firfircoon, oo nooleeya hordhacyada, ka ilaali caajiska. (Active way) ( c) adeegso erayo macaan, oo dhegaystayaasha soo jiita. (More intersting) ( d) hordhacyadu sheekadu oo dhan ma sheegaan, balse waxay iftiiminyaan waxa soo socda. Iska jir inaad sheekadii oo dhan wada sheegtid, tani waa khalad weyn, oo laga galay sheekadii. Cida hadhow ku dhegaysanaysaa ma jirto ileyn waadigan wada sheegay wixii oo dhan. (Don?t give the whole story) ( e) iska jir hordhacyada aan ku haboonayn warbixinta, haddii kale dhegaystayaasha, way ku adkaanaysaa inay fahmaan waxa soo socda. (It must match the report) ( f) haddii hordhacyada lagu bilaabo dhawaq, waa in la sheego wuxu yahay dhawaqaasi, si dadku kuula jaan-qaado oo aan loo jaha-wareerin. (Don?t confuse the listener). 4) codeynta barnaamijyada ( voicing) BAL qodobadan eeg: a) warbixinta dheer: waa in ay ka qaybgalaan dhawr weriye oo ay codeeyaan. b) Codka keliya: haddii warbixinta lagu maqlo cod keliya oo hal suxufi akhriyo waa lagu caajisaa ( single voice) c) Codeynta: waa in lagu daro, taariikhda dhacdada, xigasho, lafagurid, sharaxaad iyo qurxin. ( more details) d) Iska jir inaad ku darto ra?yigaaga. Waayo taasi waxa loo dhaafayaa faallada dambe. ( aviod your opinion) e) Cod la fahmi karo: marna yaan la ogolaan in la duubo cod aan la fahmi karin. Sida, cod xabeeb leh, cod go?goya, cod tashuush ku furan yahay iyo cod buuq leh. Iwm (unclear voice). 5) habeynta xidhmooyinka ( package) habeynta xidhmooyinka waa shayga ugu mihiimsan ee looga baahan yahay cida gacanta ku haysaa xidhmooyinka. Waa in laga helo, qoraalka weriyahay, codad, muusiga, warysiyo gaa-gaaban. Iwm. Qodobada la raacayo: a) ururso dhammaan, wixii aad u baahnayd. Sida dadka ka qaybgalaya, qaab dhismeeka, codadkii loo baahnaa. Iwm. ( collect all needs) b) dooro mowduuc: sii baadh, inta weji ee uu leeyahay. Waa omii ahaado mid xiiso badan, oo dadka soo jiita. ( right topic) c) waa iuu ahaado mid isu dheelitiran: soo bandhig fikridaha macqullk ah, oo dhan ee arrinta la xidhiidha. Iska jir inaad adigu u hadashid dhinaca kale, iyagu ha ka hadlaan.( balanced package). d) Qaab xiiso leh: adigoo adeegsanaya codod, muusig, warysiyo gaa-gaaban iyo xigashooyin xiiso leh. Laakiin sheeg waxa cad oo aan jaha-wareerin dhegaystaha. (interesting and relevant) e) Xaga hore: waxa lagu bilaabayaa muusiga astaan u ah barmaaujka. Waxa kale oo lagu bilaabi karaa codka weriyaha, si loo muujiyo masuuliyada weriyaha. (To create good atomsphere ). f) Dadka aad warysiga aad ka qaaday u sheeg in lagu darayo barnmaauj, lagana dhigayo qaar gaa-gaaban oo la jar-jarayo. Haddii aad u sheegi weydo, waxa dhaci karta inuu la-warystuhu ka xanaaqo markuu maqlo warysigiisii oo la jar-jaray. g) Waxyaabo badan ha duubin: iska jir inaad waxyaabo tiro badan aad duubato, waxay noqonaysaa wax lagu caajiso. Mihiimadu farabadnaan maaha, laakiin waa hadba qaabka loo dhigo iyo isku-dubaridid. (The best way).

 

Dillapress.com

DHALINYAROY MA' TASHANAA MISE WAANU TAAHNAA ABID Q-3

Qodobka 3aad

Tirada Xubnaha iyo
Doorashada Golaha Guurtida



Golaha Guurtida JSL wuxuu
ka kooban yahay 82 (sideetan
iyo laba) xubnood.
Kuwaas oo lagu soo dooranayo doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah
oo xor ah, sida uu qeexay qodobka 40aad ee Dastuurku.



Qodobka
6aad

Xuquuqda
Cod-bixivaha



Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha
xeerku tilrnaarnay wuxuu xaq u leeyahay:-

1.       Inuu codkiisa ka dhiibto  goobta
uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto.

2.      Marka JSL hesho aqoonsi caalami ah,
lana diiwaangeliyo muwaadiniinta, cod-bixiyaha ku sugan dal shisheeye xilliga
doorashada la qabanayo, wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa xafiisyada
diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dalalka shisheeye ee ugu dhow.

3.      Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si
siman loo tixgeliyo. (   Taasi miyay dhacday mise waxay ahayd
afgobaadsi )

4.      Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.                                     Taasina waa halka ay sartu ka qudhuntay )




Qodobka 11aad

Habka
Qaybinta Kuraasida



1. Iyadoo
mudnaanta kowaad la siinayo danta qaranka ugu jirta taabba-gelinta doorashada
awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan Golaha Guurtida
,    Waxa doorashadan oo keliya loo
qaybiyey sidan ( Odayadii Soryadaa Quudheed Inoo Qaaday Waxaanu Leenahay Doonimayno Dollar Qaate ) 



1)                              Gobolka  Hargeysa
…………….             20
Kursi          (   Cadaalada
ka Baxsan )           


2)                              Gobolka  Tog-dheer
……………            15
Kursi         
(   
Cadaalad Daro           
)             

3)                              Gobolka Awdal ………………….             14
Kursi           (   Waa
Xaaran Cad         
)           

4)                              Gobolka Sanaag ………………..              12
Kursi           (   Cadaalad
Daro             
)             

5)                              Gobolka Sool ……………………               11
Kursi           (   Cadaalada
Ka Fog         
)           

6)                              Gobolka Saaxil ………………….              10
Kursi           (   Waa Sadbursi                 
)     



2.           Gobol walba hal kursi ayuu u reebayaa
dadka laga tirade badan yahay iyo haweenka:



3. Marka
doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobol
kasta waxa la oo qaybinayaa tirada kuraastaa gobolkaas loo cayimay, markaa waxa
la ogaanayaa qadderka codadka hal kursi lagu heli karo. Intaa dabadeed, waxa la
isu qaybinayaa tirada codadka xisbi kastaa ka helay gobolka iyo qaddarka
codadka hal kursi lagu heli karo, halkaasna waxa ka soo baxaya tirada kuraasida
kuraasida gobolka ee xisbi kastaa ku guulaystay:



4. Marka
tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu
qaybiyo, haddii ay jiraan tirooyin codad jajab ah oo xisbi kastaa marka loo
eego ka yar qaddarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga
ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada
codadka jajabka ah:



5. Marka la fuliyo hawlgalka ku tilmaaman faqradaha
2aad & 3aad ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi kastaa marka gaarkiisa
loo eego ka helo kuraasida gobolka u xaddidan waxa musharixiinta xisbi kastaa
gudihiisa u kala qaadanayaa sida ay u kala cod badan yihiin iyagoo ku kala
helya aqlabiyad fudud ( simple majority)



6. Haddii
deegaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo  culus
ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimaynaya
go’aanna ka gaadhaya xaaladahaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, markay
sidaas isla gartaan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka:



7. Goobaha
codbixninta ee doorashadu ka qabsoomi weydo, tirada kuraasida loo qoondeeyey
goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala
helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolkaas:



8. Haddii
se ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi weydo tirada kuraasida loo qoondeeyey
goobahaas waxa xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala
heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee dalka. Waxana loo raacayaa sida
magacyadoodu liiska ugu kala horreeyaan:



Marxuum Cigaal waxa uu Halkii ka sii Ambaqaaday Diyaarintii
iyo Dhammaystirkii Dastuurka Goboladda oo Cod Aqlabiyad ah uu ku ansixiyey
Shacbiweynaha Reer Waqooyi -Halkaana Waxa Loogu Gudbay Buuxinta Saamiga Beelaha
ee Golayaasha Dastuuriga, Gaar ahaan sharci Dajinta ( Guurtida iyo Wakiillada )
oo Tirooyinkooda Dastuurku Xaddiday Hase Yeeshee aanay ku Qeexnayn sida Beeluhu u
kala Helayaan. ( Su'aalbaa Halkaa Ka Banaan Hurdaayoow )



Qodobbada 40 iyo 60aad ee Dastuurku Waxa ay Tilmaamayaan Tirada Labada
Gole ay kala Noqonayaan oo Min 82 Xubnood ah; Sidaa awgeed, Hadaba Sida illaa
maanta loo kala Leeyahay Saami Ahaan Waxay Tahay Sidan Hoose:






Magaca Ardaayada


Golaha Guurtida


Golaha Wakiilada


Isugeyn


Nisbad %     




I S A A Q


45


56


101


62%         





H A R T I


18


12


30


18%




GADABUURSI


10


13


23


14%




C I I S E


4


1


5


3%




K A L E(Others)


5


0


5


3%




82 82 164:


Hanaanka Cadaaladda ee Xukuumadda Hargaysa

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Gadhsoorka Somaliland Prof.Ismaaciil
Muumin Aare  ayaa sheegay in markii uu la wareegay Wasaaradaasi aanay
joogin shaqaale ku filan,uguna yimi saddex qof shaqaale ah,kuwaasoo aqoontoodu
aad u fiicnayd, balse aan kafayn karin hawlaha Wasaaraddu bulshada u hayso
,waxaanu xusay in uu shaqaale Cusub Wasaaradda ka hawl geliyey,kuwaasoo sida uu
sheegay tiradoodu dhantahay 10 oo laga soo xulay lixda Gobol ee Somaliland:



Waxaanu intaasi ku daray wasiirku in shaqaalahan uu wasaaradda u
qoray  aanu u qaadan qaabka ay dawladu u qaadato  shaqaalaha ay
qoranayso,balse uu ku qaatay Nidaam beeleed oo waafaqsan Gobolada dalka,kaasoo
uu sheegay in uu kaga soo bilaabay Gobolada Bari ilaa  Awdal,isla markaana
beel walba laba qof laga qoray,isaga oo xusay in talaabadaasi ay isla ogyihiin
Madaxweynaha Somaliland,waxanu yidhi  “Wasaarada markaan imi waxa shaqaale
ah may joogin waxaan ugu imi 3 qof oo kaliya oo mutacaliniim ah,waxaanan isku
dayey sidii aan wasaarada u dhisi lahaa ee shaqaale ugu samayn lahaa,kolkaa
hada waxaan qaadanay 10 qof oo kale,kuwaasoo aanu ka soo xulanay lixda Gobolba:



Waliba waxaan idiin sheegayaa, Anigu shaqaalaha uma qaadanayo sida
Xukuumada ee waxaan u qaadanayaa qaab Beeleed,waxaanan ka soo bilaabayaa bari
ilaa Boorama Madaxweynahana waanu isla garanay,markaa  laba qof waxaanu ka
qaadanay Habar Jeco, laba Habar Yoonis ah, laba Habar Awal, laba Samaroon iyo
cidii kale ee la joogta Gobolka Awdal. afarna wali waynoo hadhsanyihiin oo
maanu qaadan wali”



Gabogabodii- Waxaan Ku Soo Gunaannaddayaa  Gabaygii Laba Dhuux,,,



* Aduunyada dhib baa joogtaa iyo dhiilo iyo ciile.

* Dhawrtay isku laayaan tolkay, dhiigna
loo qubaye.

* Waxa dhagarta loo galay, anaan dhiilka lay shubine.

* Gobanimadii loo dhaxee, runtii gaalka laga dhoofshay.

* Haweenkiiba kama dhaashadaan, dhiilahaan lulaye.

* Dhul aan kuugu faaniyo malihi dhoobo iyo ciide.

* Dhagax buu Ilaahay ka dhigay, ani dhankaygiiye.

* Dhawrkii bilood buu habeen dhibic ku tiixaaye.

* Dhuuni baan ka raadcaynayaa qooddi dhabarkiiye.

* Awr baaban baan weli dhaansadaa, dhererka jiilaale.

* Dhalaankii haraad bay dhinteen dhabarka saarraaye.

* Ceelkii dhicirta waynaa baryahan looma dhaadhicine.

* Dadkaygii dhamaayoo ma hadhin ruux aad dhugataaye.

* Iska daa qabiil nin u dhintuu loogay dhirifkiiye.

* Dhilmaayaaba weli laysa iyo dhaxanta dayreede.

* Waad I dhalasho dhaantaa adigu dhoolka manta ahe.

* Dhiniicii ay hooyadaa ka timid dayaxa loo dhoofye.

* Dhoontaaba waad dagi adaa sheegtay laba dhuuxe.

* Dhaqan waxay noqoni mooye, dhib kale waad ka dheertahay.

* Hooyadaaba dhalaankeede waa dheeman iyo luule.

* Ilbaxnimada dhoorkay ka timid asalnimaw dheere.

* Adigana dhigaasaa Ilaah kaaga dhuub xidhaye.

* Dhankayga ninkii ka dhursugaa dhaaxa wuu dagiye.

* Dhacdin baa isguud daadsanoo dhaqan hooraa yaalle.

* Hadaad dhawrto dhuux iyo macaan waad u dhaadhiciye.

* Ha iloobin dhalankaagu waa labada dhooboode

Laba Dhuux ( Abwaan Bashiir Goth )



Tixraac:  Golaha Wakiilada Somaliland

W ;   D ; Suxufi Abroone :Adal Gost Group-Ururka Ruuxaanta Adal

faisal a abroone <This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.>

 

MAXAAD KA OG'TAHAY TAARIIKHDA QOOMIYADA DIR Q-2

Qoomiyada Caws-Lafil ( Dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;

Google+