updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Barnaamij furfuraaya masalooyinka adag ee xisaabta oo la soo saaray

Masalooyinka xisaabeed ee hadda u baahan in la xafido qaacidooyinka adag ee loo raaco, ay dhowaan noqdaan wax qof kastaa furfuri karo isaga oo aan fikir iyo waqti ku lumen?! Ma laga yaabaa in dhowaan arday kastaa uu noqdo horyaalka xisaabta oo aan dhibcaha looga baahan yahay waxba ka dhimin? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badanba waxaa soo kiciyey soo bixitaanka barnaamij cusub oo lagu magacaabo Photo Math.

Waa maxay calaamadaha ugu waaweyn Ragu ku jeclaadaan Dumarka ?

Sida caadiga ah dadku waa ay ku kala duwan yihiin dabeecadaha iyo hab-dhaqanka, sidoo kale waxa aanay iskaga mid noqon karin dookha iyo arrimo badan oo nolosha ka mid ah sida ay u qiimaynayaan, si kastaba ha ahaato ee waxaa jira tilmaamo iyo dabeecado guud oo la isku waafaqsan yahay xumaantooda ama wanaaggooda, sidoo kale waxaa jira dabeecado aynu ruuxa ku jeclaanno ama sabab u noqda in aynu ka fogaanno.

Xeel dheerayaal ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa baadhitaanno ay ku sameeyeen dabeecadaha dumarka ee raggu xiiseeyaan waxa ay ku ogaadeen in ay jiraan dabeecado iyo tilmaamo guud ee raggu ay ka siman yihiin ama u badan yihiin in ay gabadha ku jeclaadaan, dabeecadahaas kuwooda ugu muhiimsan oo aynu qormadeennan ku soo qaadanaynana waxaa ka mid ah:

1. Quruxda: In kasta oo aanay quruxdu ahayn shay inta badan la isku waafaqi karo, isla markaana ay dad badani aaminsan yihiin in aanay lagama maarmaan u ahayn nolosha iyo xidhiidhka lammaanaha, haddana xaqiiqada sahamin ay khubaradani sameeyeen ku ogaadeen ayaa ah in quruxdu ay ka mid tahay sababaha ragga ku soo jiida ama dareenkooda ku soo jeediya gabadha.

2. Dhiirranaanta: Samahinta ay xeel-dheerayaashani sameeyeen ayaa daahfurtay in raggu ay jecel yihiin gabadha dhiirran ee taqaanna, awooddana u leh difaaca xaqeeda. Khubaradu waxa ay sheegeen in dhiirranaantu ay ninka tusto in gabadhaasi ay tahay gabadh karti leh.

3. Dabeecadda deggen: Inta badan ragga waa ay ku adag tahay in ay la macaamilan ama is fahmaan gabadha kulul ee cadhadeedu dhaqsaha tahay, gabadha aan awoodin in ay ka aamusto khaladka. Ninku waxa uu jecel yahay in uu weheshado gabadha deggen ee hubsiimada badan, oo uu aaminsan yahay in la xidhiidhkeeda iyo is-fahamkeedu ka sahlan yahay dumarka kale, iyo in xaaladaha xun aanay sii buun buunin ee ay hubsanayso.

4. Gabadhnimada: Waxaa lagama maarmaan ah in ninku uu gabadha ka dareemo qaddar gabadhnimo ah iyo kala duwanaanshiyo u dhexeeya oo muujinaya in ay gabadh tahay dhinaca dabeecadda, hadalka, hab-dhaqanka iwm.

5. Qancidda: Ninku waxa uu jecel yahay guurka gabadha uu ka dareemo in ay si sahlan ugu qanci karto wixii hadba ay helaan, gabadha aan isku dayin in ay iskeed u socoto iyada oo aan isaga talo gelin, gabadha ku qanacda hadba wixii dhaqaale uu u helo ee aan siyaado ka doonin.

6. Naxariis iyo dabacsanaan: Ma jiro nin jecel in xaaskiisu ay noqoto gabadh qallafsan oo aanu la hadalkeeda iska ilaalin isaga oo ka baqo qaba in buuq iyo muran ay bilowdo. Ninku waxa uu jecel yahay gabadha dabacsan ee naxariista badan oo uu aaminsan yahay in ay u fiican tahay ubadkeeda mustaqbalka iyo barbaarintooda.

7. Kalgacalka badan: Waxa ay raggu caan ku yihiin in ay raadiyaan gabadha kalgacalka badan, ee mar kasta u muujisa soo dhoweynta iyo daryeelka, gabadha uu ka dareemo in ay si gaar ah u xannaanayso ugana war hayso, gabadha uu aamino in ay muhiimad weyn siinayso xidhiidhkooda iyo xiiso gelinta jacaylkooda.

 

Baro la soco buuga saxaafada Shaqada weriyaha (duty of journalist)

Sida aan hore usoo sheegnay wariyuhu waxa uu qabanayaa sadex arimood

·        in uu dadka wax baro

·        in uu dadka maaweeliyo

·        in uu dadka wargaliyo

Qodobkan labaad ee ah in dadka la maaweeliyo waa mid waayahan danbe aad u sii kordhaya waxa aad arkaysaa telefiishanno kawarramaya maaweelo kaliya,waxa ay ku badanyihiin yurub iyo maraykanka
Waxyaabaha caamka ah ee weriyaha laga rabo

·        Tegidda meeshii war ka jiro ama lagula balamay.

·        Baadhista wararka iyo ra’yiga kala duwan.

·         kala saarista wixii sugan iyo xanta suuqa laysla dhexmarayo.

·         waxa ay balansadaan  dadka ay wararka ka helayaan ee ay xidhiidhka la leeyihiin.

·         in  wararka




iyo sheekooyin ku salaysan xaqiiqda loo dhigo si loo fahmikaro. wixii mugdi ku jirana laga saaro.

·        waa in lakala ilaaliyaa war bixinaha  aad soo heshay iyo waxaa aad aaminsantahay. ka madaxbannee fikirkaaga, waxa aad meesha  u joogtaa in aad tabisid waxaad aragtay ama maqashay.
Wararka iyo qaybihiisa ( news and its parts).
Hordhac.

Waa maxay war?  What is news?

War waa wax cusub isbedel leh oo la danayn karo. Waa inuu yeesho ahmiyad iyo soo jiidasho, xiiso gaar ahi ku ladhan yahay (more interested).

Waxaynu u qaybin doonaa kuwan soo socda:

1)   qaybaha wararka ( news parts)

a)    War xambaarsan dhiilo culus ( hard news)

b)    War aan xambaarsanayn dhiilo culus (soft news).

2)   Shuruudaha warka laga rabo( conditions). Oo kala ah:

a)    raad-reeb( impact)

b)    muhiimada( significance)

c)    dhawaansho( proximity)

d)    dhakhso( immediacy)

e)    la yaab-lama filaan(surprise)

f)       isbedel (change).

3)   Kala horaysiinta warka( first to first).

Bal aan sharax guud ka bixino mid kasta:

1) Qaybaha wararka (news parts).
a) war xambaarsan dhiilo cuslus ( hard news).

Waxay noqon karaan qaar imika dhacaya ama qaar hore u dhacay oo wax ka soo cusboonaaday. Aynu soo qaadano qaar ka mid ah:

=shilalka, masiibooyinka (disasters). Sida, dhulgariir, duufaan, dab meel ka kacay, doorashooyinka, shirweyne caalami ah, ama mid gobol ah, dagaal weyn, ama dagaal kooban. Iwm.
b) war aan xambaarsanayn dhiilo culus ( soft news).

Waa war ku saabsan arrimo aan culus weyn lahayn, waxay noqon karaan qaar dadka ka qosliya, iyo qaar dadka murugo geliya.

Tusaale ahaan. Madadaalo, maaweelo iyo kaftan oo xiiso iyo majaajilo ku ladhan tahay. Iwm.

Waxa kale oo ka mid ah: waxyaabaha mucjisada ah. Sida, nin masas badan ku dhex jira, oo aanay cunayn. Qof jidhkiisa ay ka dul buuxdo shinni aan cunayn.iwm.
2) shuruudaha warka laga rabo ( conditions).
a) Raad-reeb ama saamayn (impact).

Warba warkuu ka weyn yahay ayuu dhegaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaasha raad ku reeba. Wuuna ka saamayn weyn yahay. (More impact).

Waxayna la iman karaan inay saameeyaan isbedel nolosha ah amma duruufaha dadweynaha. Dadweynuhu wuxu aad u xiisaynayaa saamaynta uu ku yeelan karo deegaankooda ama dalkooda. (Regional impact).

Reed-reebku wuxuu noqon karaa mid samo iyo xumaanba leh. Dadku waxay jecel yihiin inay ogaadaan waxyaabaha khuseeya noloshooda.
b)muhiimada ( significance)

kolba warka loogu horaysiinayaa ama ahmiyada la siinayaa, waxay ku xidhan tahay inta u miisaankiisu yahay.

Tusaale ahaan. 10,000 oo qof oo ku dhintay dhulgariir. Waxa uu ka muhiimsan yahay 10,000 oo qof oo khatar ugu jira dhulgariir, ka dib markii dhulku sameeyay dhaqdhaqaaq aan xoog badnayn (less impact).

Markaa waxaad muhiimada siisaa hadba inta culaysku yahay.

 
c)  dhawaansho ( proximity).

Dadku badankoodu waxay jecel yihiin inay ogaadaan ama war ka helaan waxyaabaha ka dhacay deriskooda. Ka dib waxay ka fikiraan waxyaabaha ka soo gaadhaya ee noloshooda khuseeya. (Close to home).

Dhawaanshuhu wuxu noqon karaa mid ku dhisan juquraafi  ama mid bulsho, kuna xidhan taariikh, dhaqan iyo diin.

Tusaale ahaan. Haddii aad joogto dalka jabuuti waxa kula jaar ah, Ethiopia, Somaliland iyo Eritrea. markaa wixii ka dhaca dalalka deriska aad tihiin wuxuu kugu yeelan karaa saamayn, waayo way kuu dhaw yihiin.

Laakiin waxa ka dhacaya dalka shiinaha waxa kaaga xidhani wuu yar yahay, waayo wuu kaa fog yahay. (Far-off country).

Mar kasta waxa loo eegaya, intee ayuu u jiraa dhageystayaasha, akhristayaash iyo daawadayaasha, degaan ahaan iyo ab ahaan ama xidhiidh ahaanba?. (Relevant to their social life). Waxa kale oo mihiim ah, in dadku maqlaan dad ay isku hayb yihiin oo dal kale wax ku qabsadeen.

Soomaaliddu waxay xiisaynayaan haddii ay maqlaan dad soomaali ah oo ay dhacdo ku qabsatay dal shisheeye.
d) dhakhso ( immediacy).

Warka waxa kale oo lagama maarmaan ah inu yahay wax imika dhacay, oo aan hore loo maqlin (new events), waa tii hore loo yidhi” war la qabaa xiiso ma leh”.

Dadku waxay aad u xiiseeyaan warka imika dhacay. Waayo haddii aanay sheekadu cusbayn war ma aha. Warku waxa weeye wax aanay dadku hore u ogayn.
e)  la-yaab ( surprise).

Waxyaabaha warka xiisaha u yeela waxa ka mid ah inu mararka qaarkood noqdo la yaab. Tusaale : tifaftire wargeys maraykan ah. Oo la yidhaa John B. Bogart ayaa waxa uu yidhi” marka ey uu qof qaniino oo uu eygu wax qaniino war ma aha, laakiin marka uu qofku eyga qaniino, waa war”. Warkaasi wuxu noqon karaa mid  xiiso sare leh. Waayo waa shay cusub oo aan hore loo arag qof ey qaniinay.

La soco.... Qaybaha kale sabtida iyo salaasad. Waa Barnaamij taxane ah.
DillaPress

Gabadhuhu waxay Jecelyahiin haasaawaha ninka ay hagi karaan, Laakiin Guurka waxa ay door diddaa ninka Garaadkiisu wado

 Cilmi baadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in dumarku marka ay guur noqoto ay jecel yihiin ragga maskaxda badan, ee lagu tilmaamo fariidka, laakiin haddana sheeko iyo saaxiibtinimo iyo haasaawaha gaabsiga ah ay la door bidaan doqonka ama ninka ay Soomaalidu shaneeyaha u taqaanno. Khubaro ku xeel-dheer cilmiga bulshada oo baadhitaan dheer ku sameeyey dookha dumarka ee dhinaca ragga iyo tilmaamaha ay gabadhu la jeceshahay ninka ay guurkiisa door biddo ayaa ay ku ogaadeen in dumarku ay jecel yihiin guursiga ragga la hiigsado, (Loogu hal-qabsado) xirfadahooda, kartidooda iyo guulaha ay had iyo goor ka gaadhaan nolosha, laakiin haddana ay aad uga dheeraadaan ama ay jecel yihiin inay ka dheeraadaan ragga jecel maamulista iyo in talada iyo awoodda ay iyagu keli ku ahaadaan.

 
 

 

Google+