updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

labada Wasiir ee iska Casiley Xukumadda siilaanyo oo Si weyn looga soo dhaweeyey gobolada Galbeedka Awdal .by M.Dhiirane

Isku shandhayntii dhawaan Madaxwyne Siilanyo  ku Sameeyey ayaa waxay noqotay mid saamayn badan ku yeelatay dhamaan dareenka dadka ku nool gobolada galbeed ee Somaliland .Inkastoo  isku shandhaytani waxa jawaab aanay  ka bixin tabashooyinki is biirsaday ee gobolada galbeedku xukumadda u gudbiyeen lana filayey in xataa ay wax uun ka qabandoonaan hadana taasi ma dhicin ,waxana ay arintaasi noqotay wax quus laga qaday oo hadda wixii ka dambeeya aan waxba laga sugayn ku saabsan tabashooyinkii saamiga  ee xukumadda  siilanyo loo gudbiyey bilo ka hor.

Waxa haddaba isku shaandhayntani ay keentay in laba wasiir oo ka tirsana xukumadda Siilanyo si lama filaan ah ay isku casilaan iyagoo eedaymo dhowr ahna usoo jeeiyey xukumadda Siilaanyo ee ay ka tirsanayaan. Labada Wasiir ee is casiley si weyn ayaa dibad iyo gudaba looga hadlayey gobolada Galbeedka iyo guud ahaanba S-land .Gobolada Galbeedka labada Wasiir ee is casilay waxay ku lahaayeen Saameyn weyn noloshooda dadka ku nool gobolada galbeedka ee Awdal haday tahay  dhinaca Amniga,,dhaqaalaha ,horumarinta ,cashuuraha, shaqaalaha iyo adeega dekadaha Saylac iyo lughaya tasoo ay dhib weyn ka gaysteen .Runtii inkastoo ay iyagu masuuliyada iyo dhibtaa ay lahyeen fulinteeda hadana waxa aan shaki ku jirin inay xukumaddda Siyaasadeeda ay fulinayeen oo xukumadda  ogolayd dhibta ay ka gaysteen gobolada Galbeedka.
Haddaba  suaashu waxay tahay  dhibtii ay ku hayeen labadan wasiir  gobolada Galbeedka miyey joogsan doontaa,,mise labada wasiir ee iyaga bedela ayuun baa hawshii iyo dhibti iyo dhagartii  halki ka sii wadi doona.
 
Bal an labadan Wasiir eegno mid waliba dhibta iyo dhagarta uu u gaystay bulshada Reer Awdal oo runtii aad usaamaysay noloshooda dhinac walba.
 
1- Wasiir Samaale.
 waxa uu aha wasiirkii Maaliyadda ee xukumadda Siilanyo dhowr sano ,,waxa lagu tilmaama Wasiirkii ugu musuqmaasuqa badnaa ee abid soo mara wasaradda maaliyadda uguna qabyaalad iyo eexaysi badnaa intii u wasaaradaas uu joogay .hadaan soo qaadano gobolada Awdal ee galbeedka waxa uu dhamaanba ka titiray wasaaradda maaliyadda shaqaalihii  iyo madaxdii ka soo jeeday gobolada galbeedka .Waxana gobolka Awdal uu keenay dhamaan shaqaalo ka soo jeeda beeshiisa oo ku naas nuujiyo  cashuurta laga qaado gobolada galbeedka Dila ilaa loyacaddo .Waxa uu dhamaanba xayiray adeegii labada dakadood ee Saylac iyo Lughaya isagoo saaray cashuur 4 jibaar ah wax kastoo oo lagala soo dagayo dekadaahas.Taasina waxa ay keentay in adeegii dekadahaasi xidhmaan .intaa ka dib waxa uu bilaabay inuu wasiir Samaale dekadaha Saylac iyo Lughaya uu ganacsato ay shirkad yihiin oo reerkiisa ah  kala soo degaan  Sigaar ,Shidaal iyo badeecado kale oo dadkii degaankaa uu udiiday.Waxa kale oo wasiir Samaale xaduuda laycaddo ka fuliyey Cashuur dadka madaxooda laga qaado oo dhan $30 calaa madax dadka dan yarta ee nolol maalmeedkooda Jabouti utaga uguna soo noqda maalin walba  .Cashuurta waxa kaliya bixin jiray xukumadihii hore   dadka safarka ee wata Passport ee ka gudbiya xaduuda . Waxa kale oo uu Samaale dhigay Askarta cashuuraha Bariga  (Turubotaariyo) Stop ka kasta inta u dhaxaysa Borama ilaa Layacaddo si loogu baadho gadiidka iyo dadka saran ,halkii xukumadihii hore ay Askarta turobataryadu  ay joogi jiren kaliya 3da kastam ee layacado ,Saylac iyo Borama.Askartaasi dhamaantood iyo shaqaalaha cashuuraha ee gobolada Awdal intuba waa beesha Samaale .Samaale waxa uu Qoray wasaradda maaliyadda  intii uu joogay shaqaale ka badan 750 oo ah kaliya Reerkiisa tasoo ka badan 3 jibaar shaqaalihii wasaaradda maaliyadda ay u qoreen wasiiradii isaga ka horeeyey ila iyo xukumaddii Rayaale.Waxa gobolka Awdal oo kaliya uu ka sameeyey millions lacag oo jeebkiisa ku dhacay ,,wana ta keentay inuu inuu u ololeeyo kursiga Siilaanyo ku fadhiyo oo todobaad walba lacag xad dhaaf ugu qaybiyo huteelada Hargaysa iyo party.
Qoraalkii  madax dhaqameedka gobolada Galbeedka Awdal u gudbiyeen madaxweyne Siilanyo ee lo yaqaanay The Gadabursi Document ayaa si cad loogu sheegay qaabka  CADDALAD DARADA AH  ee kula macaamilo Wasiir Samaale gobolada Galbeedka Awdal .
 
 
2-Abiib timacad.
Waxa uu isna ahaa wasiirkii Warshadaha ee xukumadda Siilaanyo iska casilay ka dib Samaale ,,waxa uu sheegay inay is casilaadiisu xiriir la leedahay tii Wasiir Samaale oo uu tageero badan u hayo Samaale .Waxay u muuqdaan niman isku ajandhe ahaa oo aan kala hadhi Karin .Waxa uu Abiib timacad ku tilmaamay xukumadda Siilaanyo mid dabakhiintu ku badatay oo talo mideysan  an lahayn oo Upside down ah oo aan lala shaqayn karayn .
Abiib Timacad waxa u samaale kaga duwan waxa uu Wasiir ka soo noqday ugu yaran saddexdii xukumadood ee Somaliland iskaga dambeeyey Cigaal ,Rayaale iyo Siilanyo .Waxa caado u ahayd in xukumad welba marka wakhtigeedu sii dhamaanayo uu is casilo ama laga eryo ka dibna uu xukumadda soo socota la jaan qaado si uu Wasiir uga helo ,hase yeshee farsamada  uu marayo in xukumadda kale uu wasiir ka noqdo ayaa noqotay mid uu caan ku noqday  ,tasoo ah inu adeegsado inu colaad ka huriyo degaanka uu ka soo jeedo ee tolkii  iyo jarkooda  sida  demada Gabiley iyo Dila.
Sida la sheegay xukumadii Cigaal  marki uu ka  qaaday wasiirnimadii ayaa waxa u ku hanjabay Abiib timacad  inuu colaad ka hurindoono Ceel berdaale iyo Caadda si xukumadda Cigaal ugu fashilanto dhinaca amniga oo colaad sokeeye looga abuuro galbeedka ee Awdal.Madaxweyne Cigaal oo ahaa  ruugcadda siyasadeed ma dhayalsan  hanjabadda laga soo sheegay abiib Timacad ,,waxana uu ka qaaday abiib timacad  talabo adag oo u colaad kaga badbaadiyey xukumadisi.Waxa abiib timacad udiray ciidanka amaanka waxana la kala dooransiiyey inuu dalka ka baxo si deg deg ah  iyo inuu Xabsi galo.waxa uu Abiib timacad doortay inu dalka ka baxo ,,waxana uu u dhoofay dalka ingiriiska oo uu ku maqnaa ilaa intii cigaal dalka xukumayey .Waxa uu soo noqday markii Rayaale dalka qabsaday ,,waxana uu noqday wasiir muddo ilaa 6 sano ah .sanadadii ugu dambeeyey ee xukumadii Rayale  ayaa uu is casilay sida imika ee xukumadda Siilaanyo.Waxana  uu markiiba abaabulay sidii caadada u ahayd colaad sokeeye oo ka huriyey degaanka Gabiley iyo Dila isagoo buurta galiyey jabhad ay hormood ka haayeen Isaga Abiib iyo  ina Raage.Ina Rayaale ma garan tabtii Cigaal ee wuu iska daawaday ,,ka dibna waxabu helay tageeradii mucaaridka xisbigii Kulmiye oo ina Rayaale la tartamayey iyo xubno ka mid ah xukumadii oo ka mid yahay  taliyihii hore ee  ciidanka ee la eryey ka dib dilkii Sameel oo lagu tuhmay isaga  oo hoos u taageeri jiray jabhadda buurta gashay ee Abiib timacad .Waxay taasi keentay dagal sokeeye oo dadka degaankas   ka dhex dhaca  iyagoo muddo 20 sano nabad ku caano malay  ,,taasoo socday 2008 ilaa 2010 oo dad badani ku dhinteen oo kasoo jeeda degaanka Dila ,Baki iyo Gabiley.  Ugu dambayntiina waxa abiib iyo jabhadiisii ay abaabuleyn dilki foosha xuma ee lagu qalay kalabaydh  4tii Marxuum ee Samaroon 7-11-2009.
Mashruucii Abiib Timacad wuu fulay Ina Rayaale iyo xukumadiisii way dhacday 2010 ,waxana taladii la waregay xisbigii Kulmiye iyo madaxweyne Siilaanyo ,,Abiib Timacad waxa uu ka qayb qaatay xukumadii Kulmiye oo waxa uu noqday la taliyaha madaxweynaha Siilanyo ,,laakiin arintas kuma qancin oo waxa uu filayey Wasiir muhiim ah.ka dib si iskugu muujiyo xukumadda Siilanyo wasiirna u helo waxa uu abaabulay dilki Sameel Dec 2011 e lagu dilay 3da nin ee is dhalay ee ka soo jeeday degmada Dila iyo Baki.Inkastoo abiib iyo inan kisaba loo xidhay dilki Sameel ,,hadana markii lasoo daayey waxa uu Abiib timacad abaal gud uga helay xukumadda Siilaanyo wasiirkii uu intaba ku taamayey ee buurta u galay ee uu dagaal sokeeye uu huriyey ,,,Afarta Marxuum ee Samaroon ugu qalay Gabiley.
Abiib timcad Wasiirnimadii uu intaas oo dhib ah iyo dhagar ah u maray ayuu dhuhur  cad iska casilay dhawaan  sidii wakhtigii xukumadii  Rayaale ay dhacaysay .
Haddaba waxay tahay Suaashu  Abiib Timacad maxaa u qorshaysan,, dabcan waa uun inu huriyo  colaad Sokeeye oo tolkii Gabiley iyo degmada Dila iyo baki dhex dhigo   si wasiir u ga helo xukumdaa soo socota  uga helo.
 
Suaasha kale waxa weeye  maxa Xukumadda Kulmiye iyo madaxweyne Siilanyo  uga qorshaysan Mashruuca Abiib Timacad ee colaadda Wasiir doonka ....waa uun laba mid inay kula dhaqanto .
Qaabkii Madaxweyne Cigaal oo ah Xarig ama mustaafuris ama
Qaabkii Madaxweyne Rayaale oo ah Jabhadayn iyo buurta
 
 
Mohamed dhiirane

 
 

 

Google+