updated 6:23 PM MDT, Mar 28, 2017
A+ A A-

Soomaali nimadaa Asalka eh ee haku dheelin

Soomaali Soomaali ka fiican ma jirto kan haddiis inta ku fiican yahay kan kalena meel kalaas ku fiican yahay , Qolo qolo kale  ka maarantana waa la waayi siiba Soomaalida dhexdeeda.

Wixii ku dheeleysid lee ku dheel madaxii adooga wixii ka weyn ha ku dheelin , Qof kasta wixiis yahay waa la yaqaanaa Asalkiisa, Deegaankiisa , Lahjadiisa ( Afka Soomaalida u dhexeyo ka sokoow) ma la isku dhuuman karo waxa lee lagu kala dheereeyaa Alla ka Cabsiga oo keliya.

Waxyaabaha la isugu faano Soomaalida dhexdeeda Qollo aan qabin ma jirto halkooba Allah ka dhigee, Waxyaabaha la isku caayana iska dhaafbo kaas meel fayoow majito, ustur yaa rabbi.


Beryahan waxayba bilaabeen Soomaalida ( Siiba kuwooda Dhaadhaanka eh qaar ka mid ah) iney isku caayaan Aaladaha adduunka ugu afka dheer sida internet-ka kkkkk wallaahi Afka Soomaaligaan la fahmoonin maahinee Gaal & Muslimba waa la idinku qosli lahaa waa la kala saftibo fannaaniin & Funnuuniin….Minaa la dhergo waa la dhuqyaamaa dhuustana waa lagu dheelaa aa hore loo yiri, weli Bataroolna ma noo bixin yaa Garoortii Gaalada lee lagu nool yahay ku lahaa, warkaan waraan ka sugaa wadiikha yeeraayo……

Dhinnacyada Fisqiga & Fasaxaadkana Yurub & America aa la nooga keeni…..Xeebta Liido fiirao celcelis waaye iyo Hotelada waaweyn ee Xamar laga dhisey qaarkooda wax qarsanba ma aha waa lagu faanooyaa xataa internetkaa la saar saaraa fuxshiga qaar , Haddiiba jirto hawshaan Xukuumadda Soomaaliya iyo Dadweynaha Soomaaliyeedeey u taalaa haddeyba aysan raali ka eheen…….Welina xataa nabadgelyo aad u fiican ma haysano yaa…….Hadda lee bilaaw eh.

Is kuukuustaa iyo is kaakaaydaabo Soomaalida meel kastoo ay jooganba kor iyo hoosey isku yaqaanaan , wax qarisna maba naqaan badankeenna haddaan Soomaali nahay  wax noo qarsoonna maba jirto,Qof kastana Siyaasi buu is moodaa yaab!!!!.  Xaqa sheeg qaraarba ha ahaadee.

WABILLAAHI TOWFIIQ

 

MAQAALKAN WAXAA QOREY

Ex. Xildh. Garweyne kuulow Aweys

Email.  This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Tagged under Somalia
 
 

 

Google+