updated 1:21 PM MDT, Jul 21, 2017

Dulmiga ka jira bilaawgiiba dowlad goboleedka koonfur galbeer soomaaliya

3da Gobol ee Bay ,Bakool iyo  Shabeelaha hoose waxaa deggan qabiil kastoo Soomaaliyeed waxaase si gaar ah uga soo jeeda qabaa’ilada kala ah Mirifle ,Digil, Biimaal, Ajuuraan,  12Koofi,Carab Soomaali, Hintire, Owr male,Sheeqaal Aw xasan, Jaziira, Gendershe, Wacdaan,Wadalaan,Jejeele iwm.


Haddaba waxaa shakkiga ka baxay iney ku heshiiyeen sedaxda Qolo oo kala ah Mirifle Biimaal iyo Digil in qolo kasta sideey rabto loo yeelo oo haddana dadkeey dhacdo ama Dulmiso oo ah Dadka la deggan in aan lagu qabsan Dulmigaas taasina waxaa daliil u ah sida loogu badiyey seddaxdaasi qolo Ergooyinka shirka , haddii kale ay shirka 3da Gobol ka baxayaan ha burburee koley iyaga qolo kasta Isbaarooyin baa u yaal, oo waxayba hal hees ka dhigteen 3da Gobol waxaa dega Digil ,Mirifle & Biimaal in kastoo mararka qaar ay iska difaacdo gadaalmarinta magaceeda Biimaalka.
Waxaa nasiib daro ah in Dowladeenna Dhexe ee Federaalka Soomaaliyeed ay Dulmigaasi ugu hiilisey ka dib markii Wasiiradii iyo Guddigii Farsamo ay u magacaawdey aysan Caddaalad ku dhisneyn,haddana ay raali uguahaayeen wax kastoo ay sameeyaan seddaxdaasi Qowmiyadood.
Haddana waxaan weli ka baqoonaa dhinaca awood qeybsiga Maamul Goboleedka KGS sida: Madaxweyne ku xigeenada,Gudoomiyayaasha Baarlamaanka,Wasiirada iyo Xildhibaanada iwm. In kastoo Madaxweynayaasha Qaranka Iyo kan Maamulkaba ay marar badan ku celceliyeen Caddaalad in wax loo qeybin doono.
Waxaa kaloo in si weyn loo xuso mudan Isla weynida iyo is garab riixa ka dhex jira Odeyaasha dhaqanka 3da Gobol oo qaarkood isku koobay 41 Xubnood keliya oo isku magacaabeen Saxiixayaasha iyadoo la wada og yahay Odayaashaasi intooda badan sida fool xumada asalkoodaba lagu soo xulay.
Waa la yaab see la yeelayaa Odeyaasha Qabaa’ilada Rasmiga ah ee 3da Gobol ka jira ee la wada yaqaano haddana aan ku jirin Saxiixayaasha ama 135ta farta ku taagan badankooda.
Maamul barkeysan haddii la rabo Caddaaladda yaan laga tegin Ummadda 3da Goboleey.

WABILLAAHI TOWFIIQ

 

FIIRO GAAR AH

Waxaa qoraalkan qortey Muwaadinad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda 3da Gobol Koonfurgalbeed Soomaaliya oo magaceeda yahay Anhaar oo wax badan og sheegtana qaar ka mid ah markey xanaaqdo oo keliya.

Email:   This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Tagged under Somalia
 
 

 

Google+