updated 1:21 PM MDT, Jul 21, 2017

Gobol goosashada adduunyada ka dhacaysaa qarnigan 21 saamayn intee le,eg ayay ku yeelan kartaa gobolada galbeedka S/land ?Waa Qalinkii: Mohamed Mahamoud Shirdon (M.M.Shirdon

    Marka hore waxa Mahad leh Allah (SWT), Marka xigta waxa Mahad leh Dhamaan Saxaafada Madaxa Banaan ee sida Saxda ah  Umada Luqada Af-Somaliga ku hadasha Ugu Adeegta, Warka kiisa Saxana si Wacan oo Hufnaani ku jirto ugu soo Gudbisa, kiisa aan Dhagaha iyo Indhaha Dadka, u fiicnayna sida Xilkasnimo ku jirto u Maareeya iyo Dhamaan Qawmiyada ku Hadasha, Af-Somaliga Dhamaantoodna waxan ku wada Salaamaya salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI TACAALAA WA BARAKAATU.
 

 
                                       ***** Intaa Haddii aan kaga Gudbo Guud mar Salaaneed iyo Mahad naq is Huwan inta aan u Gundo Dagin Gundhiga Qoraalkeenan uu Daaranyahay waxoogaa aan ka yara Horumariyo in yar oo hor Dhaca u ah Qoraalkenan . Sida Caadada ah  Dhul Qaadashada ama Dhul Goosadku Mar walba waxa uu ku Tacaluqaa, Dano Nooca ay Doonaanba ha Ahaadaane, ama ha ahaadaan Dano Qabiil ama Qaran , Dano Sokeeye iyo Dano Shisheeye Labadaba Dabcan Damacaas, ama Doonistaas inta Badan waxa ay ku Tacaluqdaa in ay ku Salaysnaato, Awood Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Milatari intaba Marar badana waxa iska Dhacda in ay Diin ku Salaysnaato, iyo Mararka Qaar oo ay ku Tacaluqdo Qar iska Tuur iyo ka Fiirsasho la,aan. Walaw ay Saxsanayd, Hadana wakhtigeeda Darteed oo aan Munaasib ahayn sidii Somaliya ku Dhacday 1977kii oo Markii Danbe Dadka Badidiisu u Arkeen, in lagu Dagdagay Noqotayna Halkii Somaliya ka Bilaabmay Burburkeedii .
 
 
                                           ***** Hadaba haddii aan u Gundo Dago Gundhiga Garawshiyahayga aan Maanta Qalinka iyo Warqada isku Dul saaray,  Sida aad Ciwaankaba ku Arkayseen waxa uu ku Tacaluqaa ama uu ku Abtirsanayaa Maanta oo ay tahay Qarnigii 21 Bilawgiisii iyo Gobol Goosadka ka Dhacaya, Gayigan aan ku Uumanahay Saamayn Intee le,eg ayuu ku Yeelan karaa  Gobolada Galbeedka S/land?
 
   
                                             ***** Inaga oo isku Dayayna inaan ka Jawaabno Su,aashan waxan u kala Qaadaynaa laba Qaybood oo kala ah .
 
(A).Ethiopia ,Lughaya iyo Saylac .
 
(B).D.Jabouti, Lughaya iyo Saylac.
 
 
                                             *****Hadaba haddii aan ku Horayno.
 (A) Ethiopia,Lughaya iyo Saylac.
 
Marka hore waxan Eegaynaa oo aan is yara Dul taagaynaa Gobolkii u Danbeeyay ee Adduunkan  Dal intuu ka Goostay Dal kale ku Biiray sida  ay in Badan oo Adduunka korkiisa ku Sugani Ogtahay waxa weeyi Gobolka Cremia ee ku yaala Bariga Ukrain Gobolkaasi  16/03/14 waxa uu ka mid ahaa Dalka Ukrain Dabadeed markii Golaha Deegaanka ee Gobolkaasi Cod u qaadeen inuu ka mid noqdo Dalwaynaha Russia waxa Dhacday 17/03/14 inuu ka mid noqdo Dal waynaha Russia Dabcan waad  Dareemi kartiin inta Dareenka fayaw leh Qoraalkani waxa uu Daaranyahay waa labo Cisho oo isku Xigta waxa ay Gobol uu Masayrkisa kaga Toshaday si Dagdagana uu  uga mid noqday Dal kale waxa  Macquula ama uu ina farayaa Caqliga Saliimka, ahi Inaan wax ka Ogaano Waamaxay Dadka Reer Cremia intii Garashadayda  ah inkasta oo aan Qirayo inay Jiraan Dad iiga Cilmi iyo Aqoon Badan Madashaa hadana intii Awoodayda ah aan wax yar oo aan Badnayn ka Iftiimiyo .
 
 
                                             ***** Dadka Reer  Cremia waxan u kala Saaraynaa labo Qaybood oo kala ah .
 
(B) .Cremia Hada haddii aan isla Qaybtan ku Horumarno Dadka Hadda Halkaa ku Nooli waxa weeyi 55% waa Dad ku hadla Luqada Russianka   waana Dad Asal ahaan u Dhashay ama kasoo Jeeda Dal waynaha Russia  25% waa Dad u Dhashay Ukrain Dhalada ah  15% waxa weeyi Tataarkii Muslimiintii Turkiga ahaa halka ay 5% soo hadhay ka yihiin Polandies iyo Germany isugu jiraan .
 
(T) .Cremia dii hore waxay ahayd  Cremia yadii hore waxay Ahaayeen 50% Tataar 20% ay ka ahaayeen Dad Russia u Dhashay 25% ahaayeen Ukrain Dhalada 5% ay ahaayeen Dad isugu jira Poland iyo Germany  waxa haddii aanan Qaldanayn Dadkan Tataarka ah Madaxwaynihii Russia ayaa markii Taariikhdu ahayd Qarnigii 17 Badhtankiisii ka  xaaqay kana xaaqay Gobolkan hadda ay ku Noqdeen Dadka laga tirada Badanyahay .
           
                                             ***** Marka aan usoo noqono Qodobadeenii hore ee soo qaadano Qodob
 ( A ). Ethiopia ,Lughaya iyo Saylac : Bal horta aan eegno Russia iyo Ethiopia maxay Wadaagaan waxay Wadaagan ugu Horayn waa Dad Uu ka Dhexeeyo Xidhiidh soo jireena kaasoo aad ka wada war qabtaan Dagaalkii ay Somaliya iyo Ethiopia wada Galeen 1977 marka Dib loo Milicsado Russia waxay ahayd Dawladihii aadka u Taageerayay Xukuumadii markaa Adisababa ka Dhisnayd Malahayga, waxan filayaa Cuba, ayaa ta koowaad ahayd Russia ta Labaad halka ay Yemen ka ahayd ta Sadexaad Libiyana ta Afraad markaa Xidhiidh ka Dhexeeya waa ku sidaa u qoto Dheer waxa intaa Dheer iyaga oo ah Dad Christian ah  ayaa Hadana waa iksu sii mad-hab oo waxa ay wada Aaminsayihiin Mad-habka Orthodox ka halkaa waxan ka Garan karnaa sida ay iskugu  Dhawyihiin markaa waxa iska Macquula marka aan Eegno Maanta sida ay tahay Xaalka Guud ahaan Somaliya gaar ahaana S/land in Lughaya iyo Saylac ay  Ethiopia is tusto oo ay u Aragto mid ay Danaheeda Badeed, ama Dekadeed ka Fushan karto waayo Ethiopia maanta Dadka ku nooli waxay kor u Dhaafeen 85 Millions  markaa waa iska macquul wayna Dhici kartaa waliba Siyaasada Africa, meesha lagu  Falaqeeya Lagagana Hadlaa mar walba Mustaqbalka Africa waa,  Caasimada Ethiopia markaa haddii ay Ethiopia  ku fakirto anigu waxan Qabaa Awood ma jirto Difaaci karta oo ka difaacan kartaa Dhulkeda markaa waxan lehay Siyaasiyiinta Gobolada kasoo Jeeda dib ha loo eego oo Dhug ha loo yeesho waxyaalaha Gobolada ka Dhacaya haddii kale Xaalku waxa uu noqon karaa SAMAROON=TATAAR.
 
(B). D.Jabouti, Lughaya iyo Saylac: haddii aan Qodobkan ka hadalno waxan Filayaa isaga Saamayntisu masii Buurro wax in Badan laga War wari karana ilama aha Aniga Aragtidayda Laakiin iyada oo ay sidaa tahay Hadana si ayaa  wax loo wadaa oo waxa la Maaganyahay waxa weeyi in Marka hore Meesha Dad lagu Beero taasina way Dhici kartaa waxayna waliba ku Dhici kartaa si Fudud haddii la waayo Rag Damiir leh Magacay Doonaanba ha Huwanaadaane oo ka Gilgisha waxa Caqliga Saliimka ahi awna, Aqbali karin waxa lala Dagaalamayaa, ma aha, hadda Dadka Degan madashaa Lughaya iyo Saylac waxa weeyi 2200-2250 yaa Codka ugu Badan kusoo bixi Doona weeyi waxa la Rabaa markaa waxan Idinkula talin lahaa Dadkaygoow inaan Dadka ka Aragti Fogaano oo sida la inoogu Fikirayo aan u Fikirno Inaguna, taa ayaan Dadkan aan ku Dhax noolnahay wax kula Qaybsan karnaa Meeshan Saylac waxa Deganaan jiray Dad Yemen u Dhashay Qarniyadii sii Horaysay waxa Macquula inaguna inaan la mid noqono Dadkaa oo lagu Sheekayso Bari ayay Dagi jireen Samaroon Dad  la Yidhaahdo oo uu Xaalku noqdo SAMAROON=YEMENIYIIN.
 
 
                                                       
                                               Guntii &Gabagabadii.
 
 
                                                       ***** Waxan  kusoo Gunaanadayaa Qoraalkenan Dadka nin walba Meesha uu ku Abuuray Allah (SWT) Isaga ayaa u xora waxan idin leehay Dadka Gobolada Galbeedka Dega meesha aad Degantihiin idinka ayaa u Xor ah wax walbana oo Dadnimadiina Dhaawac u keenahaya ama Hantidiina Dhaawac u Keenaya ha Qaadanina Aduunyadana wax la isku Ogolyahay ma jirto intiina Warbaahinta la Socota inaad Maqasheen ayaan Filayaa Maalin maalmaha ka mid ah Sheekhyada Hargaysa mid ka mid ah oo la yidhaahdo Sheekh Aadan Siiro ayaa Khudbad Jimce ahayd waxa uu ka yidhi Isaaq iyo Ciise uunbaa Lughaya ku kala noqdee Qolyaha Samaroon Buuraha masoo Dhaafaan waad Dareemi kartiin Xaalada noocaas ah in Sheekh iyo Shariif  wax la idiin Ogolyahay ayna Jirin markaa waxan idin leehay isku Toshada Talo waa tii  Illaahaye hana la isku Duubnaado Qurbo joog iyo Qolqol joogba .
 
                                           
                                      *Ballanteenu Waa Horumar &Hammi Fog.
 
                                      *Ballanteenu Waa Hiigsi Dheer & Himilo Wacan.
                          
                                      *Ballanteenu Waa Hurdo Yari & Halgan Dheer.
 
                                                           Guul & Gobanimo.
 
                                    Mohamed Mahamoud Shirdon.
                                 
                                    Email Adress:This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it..
 
 
                                                             Switzerland.
                                    
                                                           Nooli-Kulantee.
 
                                                           Wabillaahi-Tawfiiq.

Tagged under Somalia
 
 

 

Google+