updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

Hasha Ninkii Baadi-goobayey, markuu heleyna Boqonaha jarey!

                                                                           By: Abdi Geireh.

Ka dib markii ay Maandeeq raad gadantey ee la marin habaabiyey baadi goob waqti dheer qaatey, tacab iyo daal badan ka dib soo guryo hoyatey, iyadoo daratootey, diif iyo daranyo badani ka muuqato, dubka iyo diirku isku dhagey oo u baahan xanaano iyo dhaqaaleyn gaar ah. Inkastoo, bogaadin iyo qalbi furan lagu soo dhaweeyey, misana dareen bey qabtaa ah in maamuustii iyo milgahey mudneyd saluugsan tahey.

        Waxey ku soo guryo hoyatey dhul xaalufey oo qaniin, dulin iyo dugaag badan farsama alla iyo nasiib bay ku bad-baadey. Waxey soo xerogashey iyadoo u baahan xanaaneyn iyo dhaqaaleyn si ay uga soo doogsato daranyada ku raagtey ee koorkeeda iyo nafteedaba ka muuqata.

         Maandeeq waxey xeradii sannadaha badan ka hor la weydaariyey ayey ku soo guryo hoyatey iyada oo waab u deyrneyn, gaawe u culeyn, ceela u qodneyn. Horaa loo yidhi;”CANDHO QEYDHEEN INTAAD GASHATAAD KA MAASHAA.” Markaa, waxey aheyd  in xanaano, dhaqaaleyn gaar ah iyo daryeel loo lahaado si dheef iyo manaafacaad ina wada gaadha u yeelato.

       Talo qarran oo loo dhan yahey ka dib waxa la go’aansadey in Maandeeq loo yagleel dagal dugsoon, loo asteeyo istiraatijiyad cilmiyeysan, hanaan maamul casri ah iyo xeer--nidaamiye lagu dhaqo oo inoo horseeda guri barwaaqo iyo hoy raaxo oo lagu nagaado ku gaadhno.

     Ummadda S/land iyada oo ogsoon in aaney fududeyn in aqoonsi caalami ah u hesho gooni isu-taageeda; waxa si buuxda la isugu raacey in loo babac dhigo dhibta iyo carqaladaha ina horyaala. Waxa la isla garatey in indhaha iyo quluubta caalamka kasbano oo an buuxino shuruudaha ay tixgaliyaan ee dawlad madax banaan leedahey.

In gabasho la’aan qaadno talaaba kasta oo aan adduunka  garowsho uga heli karo, si aan u gaadhno himilada shacabka S/land ee dawlad madax banaan oo caalamku aqoonsan yahey. Waxan ku gaadhi karaa oo kaliya haddii an xoog, xeelad iyo fasamo an leenahey isugu geyno xaqiijinta arrimaha ay ugu mudan yihiin kuwan:

1. Sugidda Ammaanka iyo Nabadda dacalada dalka guud ahaan dalka.

2. Dib u heshiisiinta iyo walaaleynta dhammaan beelaha, dalka iyo dantuba ka dhaxeyso ee tashwiishku kala galey.

3. Hirgalinta maamul dawlad loo dhan yahey, awood qeybsi dhab ah oo ku dhisan caddaalad, Goleyaasha qaran iyo dhammaanba laamaha kale ee maamulka dawlada.

4. Abuurida  dhismaha heyad Garsoor iyo cadaald madax banaan.

 5. Gaadhsiinta iyo ku fidinta maamulka degmo kasta oo S/land ah.

6. Ilaalinta/Dhawrista xuquuqda qofka, xoriyadda hadalka iyo saxaafad madax banaan.

7. Hirgalinta maamul wanaaga, cidhibtirka musuq-maasuqa,Eexda iyo ku takrifalka hantida ummadda.

8. Hirgalinta iyo ku dhaqanka dimuqraadiyad dhab ah.

9. Ixtiraamida iyo ku dhaqanka Diinta, Dastuurka iyo shuruucda dalka  ee aan hu heshiiney iyo kuwa caalamiga ahba.

10. U sinaanta beelaha iyo gobolada ee kheyraadka dalka iyo mashaariicda hor u marineed intaba; si aan uga hortagno cabashooyinka  imaan kara ee lga yaabo in himiladeena dhaawacdo.

             Maamuladdii hore, inkastoo dhaliilo iyo qabyo farabadan jirtey, misana waxey mudan yihiin in loo qiro waqtiyada adag ee ay kala soo dabaasheen qaranka curdinka. waayo, waxey suurtagaliyeen in geedkii ay abuurkiisa ciidda ku rideen, maantana ah geed qaan gaadha, jirid xoogan, xidid adag oo u diyaarsan in u midho dhalo, ayaa gacanta lagaga ridey dawladda maanta.

           Xilwareejintii, waxa loogu wada ducee kulmiye iyo hogaamiyihiisa oo lagu tuhunsanaa, hogaamiye waayo-aragnimo dheer iyo waliba in uu lexejeclo gaar u leeyahey dhaqaaleynta/hanaqaadaka Maandeeq iyo geedkey daaqi laheydba. Waxa looga fadhiyey in uu ka sii qaado halkay taagneyd oo ka midha dhaliyo geedi-socodka inala fogaadey inta ka dhiman ama ku dhaweyn doono.

     Waxa Kulmiye, gacanta lagaga ridey dad gacmaha is heysta, geedkii la soo abuurey oo midho dhal ah iyo Maandeeq soo doogsatey oo dhogor goysay oo sidkeedii go’ey in mar labaadkii curato.

          Dawladii Kulmiye,iska daa in ay xaqiijiso himiladii ummadda ama ku dhaweyso e; Halkii ay joogtey bey hoos uga dhacdey.!

  ** Geedkii midha dhalka ahaa, ubaxii magoolkii HANFI kulul  baa leefey, jiriddii xoogganeyd,Xar baa galey oo dhimashuu qarka u saran yahey. **Maandeeq, wey dhicisey tamar dari ka soo gaadhey dhaqaaleyn la’aan iyo daryeel xumo darted.

  ** Geedi socodkii, meel adag baa loo leexiyey, rajaha himiladii S/land  jar dheerbey ka lulataa sida looga soo qabtaana adag , haddaan si dhakhso ah gurmad loogu galin!

   ** Qodobadii tilmaanaa ee subraaka iyo saheyda u ahaa geedi-socdkeena, gabi ahaan la iska laabey. Balanku wuxu ahaa, ilaa la xaqiijiyo himilad iyo hiigsiga ummadda in aan daneysi iyo dharag la quudareyn; Kulmiye wuxu doortey hunguri taasi oo lid ku ah rabitaanka

** Habkii qorsheysnaa iyo hanaankii dawladnimo waxa lagu badelay hab

“NGO” (URUR aan DAWLI aheyn) oo ah in hanta lagu urursado oo an himiladii dadka dhaawac mooyee waxtari karin. Waxan ka maqalaa Wasiirada tunka waaweyn ee macdanta, Duulista iyo hawada oo leh shirkad heblaayo ama dawladaas ayaan heshiis la soo saxeexney ah macdan baadhis,Batrool sahamin, Airport balaadhin lacago farabadan oo afka laga sheego balse hab dawli ah marin, Baarlamaanka lama hor keeno, Xisaabiyaha qaranka, Hanti-dhhawraha qaranka iyo Bangiga midna raadkeeda ma arko, dahab-shiil iyo gacmahooda ku dambeysaa! Miyaaney NGO kooxi ku daneysato isugu soo ururin.

 NGO-ga waxa lagu darey Mr. Biixi oo loo igmadey soo raadinta shirkado laga iibiyo Dekada Berbera,Halkii laga filayey in uu ictiraaf noo raadiyo. Dekada ma waxa loo baayacayaa in Ictiraaf ku badelano? .Ilama aha, waxeyse qayb ka tahey Nidaamka “ NGO”-ga, ama hab inaga qarsoonaa oo ka mid ahaa go’aanadii  Garadag ee dalka lagu maamulo! Qofba sidey ula ekaato.

     ** Qodobadii jid-marka u asteyney xaqiijinta qaranimo buuxda, markii dhinac la isaga laabey; Miyaa Adduunyadii dharaar cad dhabarka ina tustey oo markii ugu horeysey Taariikhda shaki ka galo nabad gelyada dalka oo ayna dadkooga uga digin joogista iyo u safrida s/land.

  ** Ictiraaf raadintii, waxay ku soo ururtey shirarka lala galo Somaliya oo aan iska wada ogsoonahey biyo dhigooda iyo waxa laga gaadhi karo.

  ** “ Habkii Dawlanimo ee Qorsheysnaa een ugu Codeyney; Habkan lagu Badeley, waan yaabanee! Ma Qorshayaashii  Shirkii Gar-adag  oo Hoos loo Dhigaayaa!  

     ** Waxaas oo  hagar daamo ah iyagoo reer kulmiye geystey, ayaa kuye  muddo korodhsi bilaa doorasho ah loo soo Kuudad xun yaheyI.

        Hadal Haama Buuxsho e waxan ku soo koobey; “ Waan yaabanee, Idinkuna ma ila yaaban tihiin!”. Haddaad, yaabantiin Yaasiinka….Yaasiinka. Ciil kama korto  iga dheh.

               Wa bilaahi Tawfiiq.                    

                        Abdi Geireh.      

                   This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

                        

Tagged under Somaliland
 
 

 

Google+