updated 2:38 PM MDT, May 27, 2017

YAA LUXUDKA DHIGAY QARANIMADII SOOMAALIYEED Q: 3-AAD-A

 

FURSADDII DOWLADA ETHIOPIA

Hadaba si Tan loo fuliyo Beesha caalamka waxey
Istustay in Soomaliya Xalkeeda lagu wareejiyo Midowga Africa (OAU),Gaadh’ahaan IGAD, Gaadh’ahaan Wadamada
dariskeena Kenya iyo Ethiopia, Ugu Dambayn Ethiopia nafteeda. Hadaba dowlada Ethiopia
Bartamahii sanadka 1996 waxey fursad qaali ah u heshay inay qaabeyso
Mustaqbalka ku Haboon ummadda Soomaliyeed iyadoon kala Tashan ummadda
somaliyeed, Gaadh’ahaan waxgaradkeeda fahansan Hilinka Toosan ee Nolosha.
Hadaba si ay udhamestirto  Qorshihii
qabyada ahaa ay Uga tageen Bah'wadaagteeda, kuna dhisnaa inay sii kala qeybiso
ummadda Soomaliyeed, dabadeedna ay iyadu Gumeysato. Si Arinkan ay u Jideyso
waxey si Ba’an u sii kala qeybisay kooxihii siyaaadeed ee wadanka ka jiray, mid
walibana waxey siisay Hub iyo lacag iyo Balanqaad Siyaasadeed oo ay ku
aqoonsaneyso, Si Danaheeda siyaasadeed ee Markaa kala Gudboon soomaliya aysan
usoo faragalin kooxahaas. Waxey Gooni u Eryatay Uraradii Islaamka ee ka Dhisnaa
Xuduud Beenaadka wadanka waxeyna u adeegsatay inay ku Garaacdo Dayaarado iyo
Dabaabado iyadoo waliba ugu soo Gashay xuduuda  wadankooda kuna laysay Culuma’udiin iyo Maato aanan waxba
Galabsan:



Dawlada Ethiopia markii ay u cadaatay inay
Gacanta ku heyso Hogaamiyayasha Somaliland iyo Puntland iyo Dagaal Oogayasha koonfurta oo dhamaantood  habeen iyo maalinba u Taagan dowlada Ethiopia inay u fuliyaan
Danaha kala Gudboon Soomaliya iyo ulajeedoyinkeeda ku saleysan Gumeysiga
Qaawan, Gacanna ay ku laayneyso  ururada
Islaamka waxey u soo Jeesatay inay qaabeyso qaabka guud ay fakaraan shacabka
Soomaliyeed si ay u dhaxasho cabirkooda maskaxeed oo ay ku jideynayso
Gumeysigeeda Guracan, Si Hawshan ay u Tiigsato Dawlada Xabashida waxey Ula
Muuqatay inay marka hore ay  Gabagabeyso
ururada Islaamka oo ay u arkeysay inay yihiin Caqabada ugu weyn ee Hortagan
Gumeysigeeda Mutaxan. Si tan ay ugu Hesho Ruqsad ( license to
kill ) waxey Qorshaheeda ay usoo Bandhigtay Dareen'wadagteeda, waxeyna
soo Hordhigtay Daraasad Cilmiyeed ay ku daristay ururadaas Islaamka doorkii iyo
waxqabadkii ay ka dheelen ummadda Soomaliyeed, mudadii uu wadanka burbursanaa.
Dawlada xabashuda bahwadagteda waxey u sheegtay markii ay burburtay dowladii
soomaliyeed inay heshay xornimo buuxda ay ku seexato, waxaayse shaaca ka qaaday
inay ka hurdi wayday ururada Islaamka oo u istaagay inay Dabaqabtaan ummadda
Soomaliyeed una soo Ceshaan Adeegyada Bulshada Gaadh’ahaan Dhinacyada
Waxbarasha Caruurta, Caafimaadka, Ganacsiga, Xawalaadaha loogu kala adeegayo
Dalka gudahiisa iyo Dabadiisaba, Garsoorka Bulshada, Hubkadhigista Dhalinyarada
Jahwareersan, Taa kuleynta Agoonta iyo Maatada Tabaleysan, Sugidda Nabadgalyada
iyo Dhamaan soo Celinta Anshaxa Guud ee Qaranka Soomaaliyeed:



Dawlada xabashida oo ka xun waxqabadka
ururradaan, waxey Beesha caalabka ay u soo Bandhigtay warbixintii ay ka
Diyaarisay Somaliya Mudadii ay ka gogol laabteen  US/UN kadib.
Warbixintaas waxey ku saleysay in Dowlad La’aanta Soomaliya ka jirtay ay
Abuurtay in kooxaha Asalraaca iyagoo adeegsanaya lacag Farabadan inay la
wareegen Adeegyadii Bulshada Gaadh’ahan Dhinacyada Waxbarasha si ay u Abuuraan
Jiil Ummaddeed oo Aminsan Mabda’ooda kuna Hawlgaliyaan Qorshahooda Dahsoon.
Waxey kaloo dowlada Ethiopia Dareen'wadagteeda ay u sheegtay Nidaaam l’aanta,
Shoqo la’aanta iyo Gaajada faraha badan ee ka jirta Soomaliya  inay
sababtay in Dhalinyaro Badan ay ku Biiran Xeryaha Asalraaca, Dugsiyada laga
Barto Culuunta Islaamka oo Dhamaantooda ka Furan, Muqdisho, Boosaso, Hargeysa,
iyo Kismayo. Waxey kaloo sheegen in Hantida iyo Dhaqaala Wadanka inay Gacanta
ku Hayaan Ururda Aslraaca, una isticmaalan Dhaqaalahas inay ku Maalgaliyaan
Dugsiyada ( School ) iyo Xeryo lagu Tababaro Dhalinyardas, Laguna Qaso Maskaxdooda,
Loogana Dhaadhiciyo Baadilka iyo Xaqdarada uu ku Shaqeeyo Nidaamka Secular-ka iyo
Dhaqamada Guud ee Galbeedka. Ulajeedaddooduna ay Tahay inay ka Horkeenan
wadanka Maamulkiisa ee ku Dhisan Yahay Hanaanka Demoqradiya.
Waxey kaloo Dowlada Ethiopia ay ka Dhawaajisay in Somaliya ay ka jiraan Shan
ilaa Lix Urur oo Islaam  Dhamaanna
Waxey Sheegtay inay ka Dhaxeeyan Xiriir Dhaqaale iyo Wada shaqeyn. Waxeyna
Xukuumadda  Ethiopia Marlabaad Bah'wadaagteeda ay ka codsatay in Arintaan
Xal Deg deg ah loo helo inta aysn  Ururradan
Asalraaca ah waxqabadkooda aysan ku kasban  jiil
ummaddeed oo farabadan oo aaminsan fikirkooda, Mustaqbilkana Cagsi ku Noqda
Wada Noolashaha iyo Waxwada qeybsiga Labada Wadan iyo Qoomiyadaha ku dhaqan
geeska africa:

Lasoco Qaybaha Xiga ,,,,,,,,,



Xigasho; Mr Abdirasaq Hiirad

Waxaa Iskudubariday Suxufi AbrooneAdal Ghost Group-Ururka Ruuxaanta AdalUnited Kingdom
 

faisal a abroone <This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.>

 
 

 

Google+