updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Sigadow Ilmada Yaxaaska Jooji (Colaadadda Ceelberdale way qaboobaysaa) .

Sigadow, Ilmada, Yaxaaska, Jooji, (Colaadadda, Ceelberdale, way, qaboobaysaa) Ka dib Hadalkii  Adkaa ee odayasha Reer Nour ee ku saabsana Dilkii ugu dambeeyey ee wiilka dhalinyarada ah.Waxa bilabmay dhaqdhqaaq la doonayo in wax lagaga  qabto colaadda degaankaas ka taagan oo marwalba ay ku dhintan dad aan wax ba galabsan.Coladaas oo aan dadka reer miyiga aanay soo abaabulin  ee marwalba ah mid siyaasadaysan oo Hargaysa ay ka soo abaabulaan dad leh dano gaar ah oo siyasadeed.Haddaba intii dhaqdhaqaas coladda lagu xalinyaa bilaabmay iyo dilkii ugu dambeeyey ee inanka waxba kama  aad soo qorin Sigadow gaar ahan shabakadaada Qulujeed.Shirkii odayasha Reer Nour ee ka dambeyey oo shabakadaha oo dhan lagu soo qoray inad soo qorto iska dhafe waad ka been sheegatay xataa siday u hadleen.intii ka dambaysayna waxad mashquul ku ahayd shirka qulujeed oo shabakadaada buux dhaafiyey.



Colaadda Ceel berdaale way Qaboobaysaa dab lagu shidana  uma baahna.


Colaadda  ceel berdaale  waxa la kala saxeexday  heshiis Xabad joojin imika si loo joojiyo dhiig dambe oo daata.
Xabad joojinta marka lagu guulaystana wax la geli  dona wadahadal lagu xalinayo colaadda.
Wadahdalka Waxa gun dhig u ah xalkooda laba arimood oo kala ah DHIIG IYO DHUL.
Arinta DHIIGU  waxa ay khusaysa dabcan dadkii lagu la dilay iyagoon waxba  gaysan oo ay ku jiraan Afarti Marxuum ee kala baydh lagu dilay 7/11/2009.Marka taas xalkeeda la dhameeyo ayaa ka dibna lo gudbi wixii  DHUL ah ee muran ka taaganyahay  oo kal ah Ceelberdaale iyo Banka Wajaale labadaba.
Sigadow arintaa waxa faraha ku haya Rag wax garad ah oo aqoon iyo waayo aragnimo midna aanay udhinayn oo ay ka mid ahayeen ragii qabtay shirkii  Boorama oo ku jira guddiga xalinta colaadaas.Dadka ka soo jeeda  degankaas kalsooni buuxda ayey ku qabaan Ragaas odayashooda ah tageero buuxdana way siyeen oo ah DIBAD IYO GUDABAHA labadaba waana laga dhursugayaa waxana loogu  ducaynayaa in ilahay ku caawiyo in coladaasi ay soo afjaraan.
Sidaa awgeed Sigadow  waxan ku odhan lahaa hadii uu jiro dhib siyaasadaysan oo idin dhex taala idinka iyo Biixi sidiisa Toos U WEERAR  Lakiin waxba ha ku soo xoqan Ceelberdaale waayo dadka degaankasi way ka daaleen in dhigooda loo daadiyo dano siyasadeed oo ka dhexeeya shakhsiyaad MANSAB DOON  ah oo Hargaysa iyo Borama labadaba jooga.Dadka noocaas ah ama ha noqdo mid xukumadan ku jira oo xil haya  ama ha noqdo mid ku jiray Xukumadii Rayaale ,ama ha noqdo mid wax qora oo la adeegsado ama ha noqdo mid Buurta Gala oo la Adeegsado oo xabadda bilaabe eh dhaman ISHAN KU HAYNAAYE LA SOCDA.

Mohamed Dhiirane

 

 
 

 

Google+