updated 6:23 PM MDT, Mar 28, 2017
A+ A A-

Heeso dhagaysi ah








DAAWO Hayadda ASARDA oo laami isku xiraysa Borama Lawyacado dhisaysa

BORAMA - Hayadda wadooyinka ee ASARDA oo dhisaysa jidka isku xiri doona Djibouti iyo Borama,

  • Written by Contributor
  • Category: Wararka
  • Hits: 27

Sayniska oo Markii u horeysay qiray in geerida nolol ka dambeyso


TORONTO (Dillapress.com) Saynisyahano iyo dhakhaatiir reer kanada  ah ayaa ay u suurto gashay in ay soo helaan Maragii saynis ahaan ugu horeeyay ee si lataaban karo  ugu markhaati kacaya inay jirto nolol labaad oo geerida ka dib uu qofka Aadaamaha ahi galayo.
Iyada oo la ogyahay in taas ay hore Quraanka Kariimka ahi cadeeyay in geerida Aadamaha ee adduunka dushiisu  aanay ahayn dhamaadka  qofka, balse ay jirto  nolol labaad oo aakhiro ah. Natiijada ay xeeldheerayaashani  heleenna waxa ay  noqonaysaa  tii ugu horreysay taariikhda Sayniska.

Dhakhaatiirtu waxa  ay ku guulaysteen  in ay u fiirsi gaar ah iyo dhugasho ku sameeyeen maskadaxda ruux geeriyooday, kadib markii uu  gabi ahaanba  wadnuhu shaqada joojiyay, ee si rasmi ah dhimashadiisa  loo xaqiijiyay. Waxaa aanay sheegeen in hirarkan lagu arkay maskaxdu ay aad ugu eeg yahiin hirarka maskaxda qofku ay soo saarto xilliga uu hurdo.
Taasi taaas oo ay kala soo baxeen faham ah in qofku marka uu geeriyoodo uu waayey ama dhintay xidhiidhkii u la'lahaa dadka ku xeeran, laakiin uu galay nonol cusub oo gebi ahaanba  ka duwan tiisii hore ee adduunka.
Warbixin uu qoray Joornaalka Dailay mail ee ka soo baxa dalka Ingriiska  ayaa lagu sheegay in cisbitaallada Kanada ay u suurto gashay in ay dhugtaan isla markaana kombiyuutarka ku diwaan geliyaan dhaqdhaqaaq iyo wax u eeg in ay shaqo ka jirto maskaxda gudaheeda.Dhakhaatiirtu xaaladdan ay arkeen waxa ay ku tilmaameen mid aan dabiici ahayn, in la sharraxo cilmi ahaanna adagtahay,taasi oo muujinaysa in aanay si cad oo dhamaystiran u fahmin waxa ay tahay shaqada ay maskaxdu qabanaysay geerida ka dib. balse waxa ay qirsan yahiin ay arrintani marag cad ay u tahay nolol jirta geerida ka dib.
Sida uu warramay wargaysa Dailymail, cilmibaadhayaasha Kanada u dhashay markii ay arrintan arkeen waxa ay baadhis tan lamida ku sameeyeen afarxaaladood oo  kale, seddex kamid ahna waxa ay ku arkeen  in maskaxda maydku ay dhimashada ka dib sii wadayso shaqadii oo dabcan ka duwan tii lagu yaqaanay,balse haddana shaqo inay jirto muujinaysa,xaalada soo hadhayna muddo toban daqiiqo ah ayaa ay maskaxda maydku si buuxda oo cad usii shaqaynaysay.

Waxaa la og yahay in Islaamka iyo dhamaan diimaha samaawiga ahi ay caddaynayaan in ay jirto nolol labaad oo dadku qelayo geerida kadib, laakiin waxaa arrintan weligeedba diiddanaa kooxaha diin laawayaasha ah, kuwa aaminsan sayniska iyo in wax kasta oo jira ay tahay in la taaban karo ama la arki akro

  • Written by Contributor
  • Category: Wararka
  • Hits: 30

DAAWO halkay ku dambeeyeen wadahadaladii maamuladda Somaliland iyo khaatumo

 

DJIBOUTI -(dillapress.com) halkan ka daawo warbixin ka hadleysa halka ay ku dambeeyeen

  • Written by Contributor
  • Category: Wararka
  • Hits: 26

Shirkii IGAD ee looga hadlaayay qaxootiga Soomaalida oo la soo gabagabeeyay


NAIROBI-(Dillapress.com) Shirbalaaran oo ay iskugu yimaadeen madaxda  wadanada Geek ayaa waxa ay isla garteen dhowr qodon oo ku saabsan xaqootiga Soomaalida iyo waliba amaanka Soomaaliya. Shirkan oo ka qabsoomay magaaladda Nairobi ayaa waxaa shir gudoominaayay raiisul wasaaraha Ethiopia,waxaaa lagaga hadley waxka qabashada qaxootiga Soomaalida ee ku sugan wamada geeska Afrika, taasi oo lagaga hadley sidii loogu fududayn lahaa dadka raba inay ku laabtaan Soomaaliya, Raiisul wasaaraha Etoobiya ayaa waxa uu sheegay in hadii la rabo in qaxootiga dib loogu celiyo Soomaaliya in marka hore amaanka la sugo oo aan lagu qasbin din u celinta.

Madaxda geeska africa ayaa waxa ay soo dhaweeyeen madaxweynaha dawlada Federalka Soomaaliya Mudane Farmaajo oo ay ahayd markii ugu horaysay ee uu shirka ka qayb galo madaxweyne ahaan.sidoo kale waxa ay u hambaleeyeen Danjiraha cusub ee Hayadda qaramada midoobay ee qxootiyadda  u qaabilsan qaxootiga Soomaaliya Muddane Maxamad Cabdi Afey.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna ka hadley shirka ayaa waxa uu mahad celiyay madaxda IGAD sida ay uga qayb qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya. Waxa uu sida oo kale uga hadley si qoto dheer abaaraha Soomaaliya ka jira iyo sidii looga caawinlahaa.

waxaana la soo gaba gabeeyay shir goboleed kii iga uga furnaa ayaamahan

  • Written by Contributor
  • Category: Wararka
  • Hits: 12

Qarax ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Muqdisho

MUQDISHO - (Dillapress.com) qarax baabuur ayaa lala beegsaday meel u dhow madaxtooyada Muqdisho .qaraxan ayaa inta ilaa hada la ogyajay waxaa ku dhintay 4 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmay. Qaraxan ayaa waxa lala beeg saday albaab ka hore ee maqaaxida banadooda oo ah meel dad badani. Fadhiistaan kuna taal meel u dhow taalada xaawo taako.warka la soco wixii soo kordha
  • Written by Contributor
  • Category: Wararka
  • Hits: 35

Subcategories

 
 

 

Google+