updated 1:42 PM MDT, May 28, 2017

Dad cuna Hilbaha dadka Dhintay

 

Caweyska Washington waxaan ku soo qaadanaa qodobo aad u xiiso badan oo ay ka helaan dhageystayasha VOA-da.

Asha Ibrahim | Washington, DC. Sabti, 09 April 2011
Wadaag

67-jir, Hal Guri Ku Wada Qabba 39-Xaas, Caruurtiisa Iyo Waxay Sii Dhaleena Ka Kooban Yihiin 181-qof




Barnaamijka arrimaha xiisaha leh ee daafaha dunidda waxaynu qormadeena
maanta ku soo qaadan doona nin dhawr iyo sodon xaas ku wada qaba goob kaliya
iyo qaabka qoysaskiisu u nool yihiin. Ziona Shana waa nin u dhashay dalka
Hindiya waxaanu sida warbaahinta lagu baahiyay uu qabaa isla markaana dhisme
qudha ay ku wada nool yihiin 39-Xaas, caruurtoodi iyo caruurtii ay sii
dhaleen. Waxaanu isku tilmaamaa inuu yahay Abaaha iyo masuulka Qoyska ugu
balaadhan dalka Hindiya.



Ziona  Shana tiradda Xaasaskiisa ayaa dhan 39-Haween ah, waxa kale oo la
nool 14-Dumar ah oo inamadiisu qabaan, halka caruurta uu isagu dhalay
tiradoodu dhan tahay 94-qof iyo 33-Caruur ah oo uu awoow u yahay, waxaanay
isugeyn tiradda guud ee Qoyskiisu dhan tahay 181-qof. Dhamaan xaasaskiisa,

 

Caruurta uu dhalay, dumarka u dhaxay iyo caruurta ay sii dhaleen ayaa ku
wada nool dhisme afar dabaq ah oo ka kooban boqol Makhsin, (Qol), kaas oo
aanu ku filnayn inuu qof walba helo makhsin u gaar ah, hasa yeeshee waxa
jira ku dhawaad todobaataneeye ka mid ah qoyskaas oo ku nool saqafka sare
iyo barandayaasha dhismahaas.



Qoyskan ayaa meel qudha loogu wada kariyaa cuntadda, waxaana qof kasta oo
madbakhooda booqdaa u malaynayaa inuu ku dhex sugan yahay madbakhyada
Hudheeladda ugu waaweyn ee Dunidda, sidoo kale waxa kaa yaabinaysa qiyaasta
raashinka reerkaasi karsado sadexda wakhti ee maalintii oo marka suuqa laga
soo iibinayo loogu soo adeego gaadhi afar tan miisaankiisu yahay.



Dhinaca kale haweenka u dhaxay odaygan ayaa hormo, hormo ugu kaayaysta
raashin karinta iyo hawsha guriga. Qiyaasta raashinka qoyskani isticmaalo
hadii aan wax yar ka soo qaadano wakhtiga qadada waxaa loo kariyaa 30-xabbo
oo digaag ah, laba jawaan iyo rufuc Bariis ah, 66 kg oo Baradhe iyo khudaar
isugu jira. Cunto karinta iyo shaqadda kale ee guriga ayay haweenka
qoyskaasi u kaayaystaan, todobaad kasta cunto karinta 10-Haween ah waxay ku
qoran yihiin Karinta Qureeca, 10-Xaas ayaa iyaguna qaabilsan Qadada halka
cashaddana toban xaas oo kale hawsheeda Karin iyo qaybinba qabtaan, halka
sagaalka kale ee soo hadhaa mar kasta qaabilsan yihiin kormeerka iyo isku
dubar ridka sida adeega, ka soo gaadhsiinta wixii dhinma iyo ilaalinta
raashinka loo dhigo qofkii habsaama, soo tolista dharka iyo wixii guud ahaan
qoyskaasi uga baahan yahay suuqyada.



Ninkan ayaa sheegay in sanad qudha uu wada guursaday toban xaas, waxaanu aad
u danaynayaa inuu halkaa ka sii wado guurka, hasa yeeshee waxa haysata
xaalad dhaqaale yaraan ah, mana muuqato marka loo eego xiligan culayska
saaran inuu qaar kale ku sii kordhiyo.



Haddaba akhriste marka aad maqasho sheekadan oo kale waxa maskaxdaada ku soo
dhacaya maxaa ku kalifay, muxuu ka shaqeeyaa, sidee ay u dhici kartaa in
haween intaas leeg lagu wada qabo goob kaliya? Miyaanay isku Hinaasayn
(Masayrayn)? Ziona Shana wuxuu madax u yahay Koox Diimeed ku abtirsada
Diinta Kiristaanka oo degaankaas ka jira, kuwaas oo rumaysan in guur badani
waajib ku yahay Raga, duniddana ay qabsan doonaan marka Masiix Soo dego,
waxa kale oo dadka aaminsan dariiqadani ku dhaqmaan wada noolaansho haweenka
iyo caruurtooda in hal goob lagula wada noolaado. Koox diimeedkan waxa
sameeyay Baadari Hindi ah oo lagu magacaabi jiray June Jun kaas oo ka
goostay Mad-habta Kaatoliga sanadkii 1942-kii, waxa dadka rumaysan ay u
xalaalaynaysaa guurka badan, waxaana qof kasta oo ka tirsani bixinayaa lacag
loogu deeqo sanduuq laga caawiyo qofkii guursanaya dalka Hindiya ilaa
400-qoys ayaa la rumaysan yahay inay rumaysan yihiin dariiqo diimeedaas.



By: Faysal Maxamed Xasan

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 

 

Dillapress.com

 
 

 

Google+