updated 3:46 PM MDT, Apr 26, 2017
A+ A A-

Raiisal/wasaaraha Somalia.oo ka qeyb galay Daahfurka Mashruuca yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka

  • Published in Wararka



Muqdisho, Augsut, 19 ,2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daahfurayey ololaha dardargalinta yareynta halista dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed xiliga umusha, waxaana iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka cusub ee Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Safiiro, sarakiil ka socotay hay’adaha caafimaadka, khubaro dhanka caafimaadka ah,  qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo iyo marti sharaf


Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib sheegay in Wasaaradiisu ay ahmiyad gaar ah siin doonto dadka Soomaaliyeed sidii ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Safiiro iyo diblomaasiyiin ka hadlayay goobta waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in la dhameystiro adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahanyihiin, si loo yareeyo haweenka umul raacaya.

Sidoo kale mas’uuliyiintii kala duwaa ee goobta hadalka ka jeediyay ayaa si isku mid ah u sharaxay baahida deg deg ah loo qabo in hooyada Soomaaliyeed ay hesho gar gaar caafimaad oo dhameystiran.

Ra’iisu Wasaare Cabdiwali Sh Axmed ayaa sheegay in nidaamka caafimaadka dalku uu yahay mid aad u liita ayna xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

“Aad ayaan uga xanuunsanayaa in Hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku guda jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan, waa in aan aad uga fakernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad xumada haysata Hooyooyinka iyo Caruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummad aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican” ayuu yiri Ra’iisu Wasaare Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka dadaalka ay ugu jirto dadka Soomaaliyeed sidii ay ku heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii danbe ee maanta u ambabaxay dalka Ethiopia halkaas oo maalinta bari ah uu ka dhici doono shir Caalami ah oo kasoo qeyb galayaan Wadamada Marti galiya Qaxootiga Soomaaliyeed.

Tagged under Somalia

Dhacdooyinka

  • 1
  • 2
  • 3
Prev Next
 
 

 

Google+