updated 1:21 PM MDT, Jul 21, 2017

Golaha wasiirada Somalia oo maanta ansixiyay sharciga xakameynta hubka

  • Published in Wararka

 

Shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed, todobaadkan waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha Ammaanka, iyadoo golaha wasiiradu ay meel mariyeen Sharciga xakameyntna Hubka sharci  darrada ah, iyadoo si weyn loogu bogaadiyey  laamaha amniga oo in ka badan 10 horjooge oo Al-Shabaab ka tirsan gacanta ku dhigay

Shirka Golaha wasiirada, ayaa soo gabagaboobay kaddib warbaahinta waxaa la hadlay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna  sheegay in golaha wasiiradu ay soo dhoweeyeen howlgal ay wasaaradda Amniga Qaranku uga hortagtay Miinooyin la doonayey in lagu waxyeeleeyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in howlgal ay ciidamada Amniga sameeyeen lagu soo qabtay 11- Horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayuu sidoo kale afhayeenku  tilmaamay inay gacanta ku dhigeen, iyagoo kaashanaya ciidamada Kenya Xasan Xanafi oo loo heysto dilka suxufiyiin badan oo Soomaali ah.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey dood Sharciga Xakameynta Hubka, iyadoo doodaasi kaddib goluhu ay ansixiyeen Shacigaasiga oo noqon doono mid looga hortago Hubka wax dila, islamarkaana ay wasaaradda Amniga qaadi doonto Talaabooyin lagu dhaqangelinayo sharcigaasi, sida Afhayeenka Xukuumaddu tilmaamay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dadaallada amniga Qaranka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ee Al-Shabaab, waxaana guulo waaweyn ay ciidammada Qaranku  ka soo hoyeen, howlgallo Xasilinta amniga ah iyo kuwa lagu bartilmaameedsanayey Baro ay nabad diidku ku dhuumaaleysanayeen, taas oo ay u riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed.

Radio Muqdisho

Tagged under Somalia

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+