updated 3:46 PM MDT, Apr 26, 2017
A+ A A-

Baarlamaanka Somalia oo bilaabay ka doodista Hindise sharciyeedka sameynta guddiga Xuduudaha

  • Published in Wararka



Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay ka doodista  Hindiso Sharciyeedka sameynta guddiga  Xuduudaha iyo Federaalaka kaddib kulan ay ku yeesheen xaruunta golaha shacabka

Ajandaha fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa ku koobnaa Warbixinta Guddiga ee Hindise Sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo goobjoogna uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.


Xoghayaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo Xildhibaannada Baarlamaanka ka hor akhriyey warbixinta Guddiga ayaa sheegay in warbixintan ay ku timid kulamo dhowr ah iyo la tashiyo ay soo sameeyeen guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka.

Kadib Warbixinta Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga waxey Xildhibaannada Baarlamaanku gudagaleen ka doodista iyo talo ku biirinta warbixinta Guddiga waxaase dooda iyo talooyinka Xildhibaannada ay ku qotontay in dhaqan gelinta sharcigan ay u baahantahay wax ka bedel lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobbada Dastuurka KMG-ka ah ee dalka u degsan oo uu ka hor imaan karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii fadhiga maanta ka hadlay ayaa ku booriyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee soo jeediyey wax ka bedelka qodobbada qaarkood iney talo soo jeedintooda qoraal kusoo gudbiyaan ugu dambeyn ilaa maalinta khamiista ah si wax ka bedelida waqti loogu eego loo helo, sidoo kalena waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka sharaxay Ajandayaasha Fadhiga Baarlamaanka ee berito oo uu ugu horeeyo ka doodida xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka oo dhowaan Baarlamaanka loo qeybiyey.

Intii uu socday Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo ahaa Kalfadhiga Afaraad, kulankiisa 37aad waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka loo qeybiyey warbixin la xiriirtay sida ay aheyd shaqada Golaha Shacabka bishii aynu kasoo gudubnay ee May, waxaa warbixinta ku xusneyd in Baarlamaanku ay bishaasi  yeesheen Laba iyo Toban kulan waxaana wadarta saacadaha kulammadaasi ay shaqeeyeen Xildhibaannadu ay noqotay 19:25 (Sagaal iyo Toban Saacadood, Shan iyo Labaatan Daqiiqo) .-Radio Muqdisho

Tagged under Somalia

Dhacdooyinka

  • 1
  • 2
  • 3
Prev Next
 
 

 

Google+