updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Gabadha La Dhalatay Xaaska Tony Blair Ee Muslintay Oo La Waydiiyay In Walaasheed Iyo Dumaashigeed Muslimayaan

  • Published in Wararka

Gabadha La Dhalatay Xaaska Tony Blair Ee Muslintay Oo La Waydiiyay In
Walaasheed Iyo Dumaashigeed Muslimayaan
Laurent Both oo ah Gabadh Suxufiyad caan ah oo la dhalatay xaaska raysal
wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair  ayaa ka warantay is badal
balaadhan oo nolosheeda ku dhacay intii ay muslimtay iyo sida ay u aragto in
Dumaashigeed iyo walaasheed Muslimaan.

Laurent Both oo ugu horayn ka waramaysa is badalka balaadhan eek u dhacay
nafteeda iyo caruurteeda intii ay muslimtay waxay sheegtay inay si wayn u
degtay aqoonteedi iyo deganaanta nafteeduna aad u kordheen, waxay xustay in
labadeeda caruurta ah ee ay dhashay ay doonayso inay noqdaan dad muslim ah
oo si wayn ugu adag uguna dhaqma diinta Islaamka, sidoo kale mar ay ka
hadlaysay dhinaca nolosheeda, dhaqaalaheeda iyo nafteedaba ayay sheegtay in
wax wayni iska badalay oo ay noqontay qof qaneecad leh oo wixii soo gala ku
kalsoon kuna iimaan qabto, oo ay ka ba’day cabsidii iyo daba warwarkii
nololeed ee ay ku noolayd, dhinaca ciyaalka ayay sheegtay inay edebtooda iyo
koriinkooda u soo jeesatay oo ay noqotay hooyo dhab ah, sidoo kale waxay
qirtay in nolosheedu dayac iyo anaani ku jirtay oo ay waxaas imika ka
baxday.

Mar ay Laurent Both ka hadlaysay in dumaashigeed Tony Blair laga yaabo inuu
muslimo iyo in kale waxay tidhi, “Diinta Islaamka dadka soo galayaa way sii
badanayaan marka la eego dalkan Ingiriiska, Laakiin Tony Blair, waa Tony
Blair uun oo waxba iska badali maayaan.” Hadalkan ayaa loo qaatay inay ka
qanacday in dumaashigeed muslimo, sidoo kale Laurent Both waxay ka hadashay
walaasheed oo ah xaaska raysal wasaarihii hore ee ingiriiska waxaanay
sheegtay in walaasheed aad u jeceshahay Diinta Islaamka aadna ay ugu rejo
wayn tahay in deg deg wax isaga badali doonaan oo laga yaabo in Alle (SW) ku
hanuuniyo diintiisa.

Laurent Both oo 43-jir ah waa suxufiyad ka shaqaysa telefishanka Press Tv,
waxaanay muslimtay sanadkii hore, hasa yeeshee waxay ahayd qof sanadihii u
danbeeyay aad u daraasaysa diinta Islaamka isla markaana ka shaqaysa sidii
qadiyada dadka Reer Falastiin dunidda loogu bandhigi lahaa si ay xoriyad uga
helaan taliska Yuhuuda ah ee sida arxan daradda ah ula dhaqma gumaadka aan
kala soco lahayna dadkooda ku haya. Sanadkii 2008-dii waxay u safartay
degaanka Qaza halkaas oo ay ka soo diyaarisay barnaamij si wayn u soo
bandhigay dhibaatada dadka reer Falastiin ay Yuhuudu ku hayso, waxaanay
lacagtii ka soo gashay barnaamijkaa ugu deeqday ururka taakulaynta reer
Falastiin, sida la sheegay mudo dheer oo ay ku sugnayd dhulka reer Falastiin
ayaa sabab u ahaa in is badal ku dhaco nolosheeda wax badana ay ka fahanto
diinta Islaamka.

Waxa Turjumay: Faysal Maxamed Xassan
email. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+