updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Baaq ay soo saartay Xuquuqda Aaadanahu :Soomaaliya: Jooji Dembiyada Dagaal ee ka socda Muqdisho

  • Published in Wararka
Qaramada Midoobey Waa inay Abuurtaa Guddi Caalami ah oo Wax soo baara
February 14, 2011

Dunidu muddo dheer ayey iska dhego-tireysey qasaaraha aan la qaadi karin ee degaalka Muqdishu uu u geysanayo dadka rayidka ah. Guddi baaritaan oo caalami ah ayaa si deg-deg ah loogu baahan yahay si ay u soo baaraan dembiyo degaal oo dhinacyada oo dhami ay ka gaysteen Soomaaliyeed.

Rona Peligal, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch
(New York) - Baaxadda uu lahaa iyo xumaanta dembiyadii dhacay intii ay socdeen dagaalladii cuslaa ee Soomaaliya ka dhcay bilihii dhowaa waxay muujinayaan baahida loo qabo guddi heer caalami ah oo wax soo baara, waxa sidaa maantey sheegtey Hay'adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch. Baaritaan ay dhowaan samaysey Hay'adda Human Rights Watch ayaa lagu ogaadey in dhammaan dhinacyada kujira dagaalka hubaysan ay mas'uul ka ahaayeen weerarro aan loo meel dayin oo tan iyo bishii May 2010-ka loo gaystey rayidka. Weerarradaas qaarkood waxay noqon karaan dembiyo dagaal.

Dagaalka qaraar ee caasimadda Muqdisho, kudhexmarayey Kooxda Islaamiyiinta hubeysan ee al-Shabaab iyo Dawladda Federaalka kmg ah (TFG) iyo nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika sideedii bilood ee ina dhaafey waxaa ku dhintey kuna dhaawacmay kumannaan dad rayid ah waxaana uu ku qasbey dhammaan dadkii deganaa inay ka cararaan caasimadda marka laga reebo intii ugu saboolsanayd.

"Dunidu muddo dheer ayey iska dhego-tireysey qasaaraha aan la qaadi karin ee degaalka Muqdishu uu u geysanayo dadka rayidka ah," ayey tiri Rona Peligal, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch. "Guddi baaritaan oo caalami ah ayaa si deg-deg ah loogu baahan yahay si ay u soo baaraan dembiyo degaal oo dhinacyada oo dhami ay ka gaysteen Soomaaliyeed."

Xoogagga al-Shabaab waxay sidoo kale ay mas'uul ka ahaayeen dilal qorsheysan ee dad lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin dawladda KMG ah, carruurta oo si qasab ah askar ahaan loo qorto iyo xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah ee ay xukumaan.

Muqdisho waxaa cardaadiqaha ka dhigey dagaallo socdey tan iyo dabayaaqadii 2006-da, markii faragelin milateri ay Itoobiya xukunka kaga tuurtey isbahaysi ka koobnaa Maxkamado Islaami ah. Inkastoo ciidamadii Itoobiya ay magaalada ka baxeen bishii Jannaayo 2009-kaa haddana mucaaradku waa ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan dawladda kmg ah iyo taageerayasheeda.

Bishii May 2010-ka mucaaaradka hubaysan - oo ay ku jiraan al-Shabaab iyo kooxda Xisbul Islaam - waxay billaabeen duullaamo cusub oo ay ku ridayaan dawladda TFG-da ee caalamku aqoonsan yahay. Xukuumada KMG ah waxa ay maamushaa oo kaliya dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho. Waxaa taageera in ka badan 8,000 oo ah ciidammo nabad-ilaaliyaal ka socda Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo maliishiyaadka Ahlu Sunna Wal Jameeca, oo ah koox Islaamiyiin qunyar-socod ah oo Isbahaysi aan cagabadnayn la leh dawladda KMG ah. Heighten.

Duullaamadaasi waxay sii lixaadsadeen bishii Ramadaa oo ku aadanayd bilaha Ogoosto iyo Sebteembar markaasoo ay al-Shabaab ku baaqdey "weerar kama dambeys ah" oo ay kaga taqaluseyso dawladda KMG ah, xilligaas oo ahayd muddo yar kadib markii al-Shabaab ay sheegatey mas'uuliyadda qaraxyadii 11-kii July ka dhacay Kampala ee dalka Yugandha. Al-Shabaab ayaa ku dooddey in qaraxyadaas, oo ay ku dhinteen 76 qof 70 kalena ay ku dhaawacmeen, ay jawaab u ahaayeen kaalinta hoggaamineed ee Yugaandha siyaasad ahaan iyo milateri ee xoogga nabad ilaalineed ee Soomaaliya.

Tobannaan kun oo rayid ah ayaa ka cararey magaalada intii u dhaxeysey May iyo Novembar taasoo ay ugu wacnayd weerarro gantaallo iyo hoobiyayaal si aan kala sooc lahayn ay u tuurayeen dhinacyada dagaalka oo dhan iyo xadgudubyo kale.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay 27-kii Jannaayo 2011, ku warrantey in sanadkii 2010-ka labada Isbitaal ee Muqdisho oo ay caawiso la geeyey tiradii ugu badnayd ee bukaan ah, oo ay ku jireen 2,300 oo dumar iyo carruur ah oo qabay dhaawacyo dagaal.

Bishii November, Human Rights Watch waxay wareysatey 82 qaxooti Muqdisho ka yimid ah oo kasoo cararey dagaallada socdey illaa iyo May oo magangalyo weydiistey xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Waqooyiga Kenya. Baaritaaanka HRW ayaa muujinaya in al-Shabaab iyo nabad ilaaliyaasha ay labaduba kordhiyeen weerarradoodii dabayaaqadii 2010-ka, waxayna iyagoo istcmaalaya si aan aan kala sooc lahayn madaafiicda culus, hoobiyaasha iyo gantaallo dileen isla markaana dhaawaceen boqollaal dad rayid ah oo deggan goobaha dadku ku badan yahay.

"Dagaalka Muqdisho tiro aad u badan oo dad ah ayuu ku xambaarey inay ka qaxaan magaalada bilihii ina dhaafey," ayey tiri Peligal. "Laakiin dadka taagta daran kuwa ugu sii liita magaalada ayey ku hareen, malahan meel ay aadaan, ma helaan adeegyada aasaasiga ah, waxyeello joogto ah ayuuna ku hayaa dagaalka socda."

Weerarro aan kala sooc lahayn oo dhinacyada oo dhami gaysanayaan
Labada dhinacba duqeymo aan kala sooc lahayn oo goobaha dadku ku badan yahay ah ayey fuliyeen laga billaabo May illaa November waxaana ka dhashey qasaaare tiro dad rayid ah. Goobjoogayaal ayaa Human Rights Watch u sheegey in dadka rayidka ah ee Muqdisho ay dhexeeyaan khidadaha ‘ku dhufo oo ka dhaqaaq' ee dagaalyahaniinta al-Shabaab, oo iyagu sida qaalibka ah inta hoobiyaasha fariisimada dawladda kmg ah iyo nabad ilaaliyaasha kaga soo tuuraan goobaha dadku ku badan yahay hadana ka carara, iyo ciidamada nabad ilaaliyaasha iyo kuwa dawladda oo si aan kala sooc lahayn ugu jawaaba.

Xeerarka dagaalku waxay reebayaan weeraarrada aan kala sooca lahayn, ee lagu qaado bartilmaameedyada milateri iyo rayidkaba iyadoon wax lagu kala soocayaa aysan jirin. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah weerarrada aan loola jeedin bartilmaameed khaas ah oo milateri, isticmaalka hubka aan lagu bartilmaameedsan karin bartilmaameed khaas ah oo milateri. Ciidanku sidoo kale sharciga ayuu jebinayaa marka ay tagaan meelaha dadku ku badan yahay ayna weerarrro ka fuliyaan iyagoon qaadaynin taxadar kasta ee macquul ah si loo xaqiijiyo in bartilmaameedku yahay milateri ee uusan ahayn rayid.

Dad badan oo ay wareysatey HRW ayaa siyaalo isku mid ah u sharxey: Al-Shabaab hal ama laba gantaal ama hoobiye ayey ku soo ridaan fariisimada ciidamada dawlada iyo nabad ilaaliyaasha iyagoo joogaa meelaha dadku ku badan yahay ama meelo u dhow oo ah deegaannada ay maamulaan. Waxaana isla markiiba ka dhasha duqeymo xiriir ah oo hoobiyaal iyo gantaallo ah oo ay ridayaan nabad-ilaaliyasha iyo ciidanka dawladda. Duqeymahaas culus ee deegaannada rayidka waxay keenaan barakaca joogtada noqdey ee dadka deegaanka.

Goobjoogayaashu waxay sheegeen in marka ay al-Shabaab weerarradooda fuliyaan ay isla markiiba meesha gaadiid kaga baxsadaan ama ay rayidka ku dhexdhuuntaan. Dadku waxay sharxeen in hawlgallada caynkan oo kale ah ay ka dhacaan Hodan, Hawlwadaag, Wardhigley, al-Ashabya, K13, Bar Ubax iyo Suuqa Bakaaraha.

Yuusuf oo ah 42 jir reer Kismaayo ah oo Muqdisho tegey bishii Ramadaan, ayaa u sheegey Human Rights Watch: "Al-Shabaab waxay weerarrada ka soo qaadaan meelaha uu rayidku joogo. Waxay yimaadaan xaafadda, waxay rakibtaan hoobiyaha, way ridaan, kadibna wey tagaan. [qaar] wey cararaan qaar kalena dadka ayey ku-dhex-dhuuntaan. Marka jawaabta AMISOM ay timaaddo ma jirto cid al-Shabaab ah oo halkaas joogta.

Dadka deegaanku waxay HRW u sheegeen in nabad ilaaliyaasha sida lagu yaqaan ay weerarrada uga jawaabaan madaafiic culus oo is daba jog ah si aan kala sooc lahayna loo isticmaalo. Mukhtaar Barre Aadan oo ah 43 jir deggan Huruwaa ahna darawal bas ayaa yiri: "Labada dhinacba waxay weeraraan rayidka... Laakiin dhibaatada ugu weyni waa AMISOM. Duqeyn badan ayey gaystaan; Saldhigyadoda ayey kasoo duqeeyaan. Maxay tahay istiraatijayadaas?"

Goobjoogayaal kale ayaa sheegey in nabad ilaaliyaashu ku jawaabaan gantaallo iyo hoobiyayaal oo ay xitaa u ridaan dhinaca deegaannada dadku ku badan yahay halkaasoo aysan jirin bartilmaameed milateri oo muuqda. Goobaha ku yaal gudaha suuqa Bakaaraha ee si ku cel-celis ah loo duqeeyey waxaa ka mid ah suuqa qudaaarta, xarunta basaska laga raaco, xarunta basaska laga raaco, suuqa dahabka, dharka iyo sarrifka lacagaha - oo dhammaantood ah meelo socodka dadku aad ugu badan yahay. Xeerarka dagaalku wey mamnuucayaan weerarrada sida ula-kaca ah loola beegsado rayidka iyo hantida rayidku leeyahay, iyo sidoo kale weerarrada qasaaraha nafeed ee rayidka ee ka dhalan kara uusan u dhigmin faa'iidada milateri ee laga filayo.

Haweeney 30 jir ah oo degan Suuqa Bakaaraha ayaa tiri: "Intii lagu jirey bisha Ramadaan maalmihii ugu darnaa waxay ahaayeen 21-kii, 27-kii iyo 29-kii, [oo ku beegnaa 31-ka Ogosto, 6-da iyo 8-da September]. Waxaa jiray duqeymo aad u badan oo loo gaystey Bakaaro. Al-Shabaab bartilmaamdka ayey si toos ah u garaacaan, laakiin AMISOM waxay duqeysaa goobaha dadweynaha gaar ahaan basaska iyo busteejooyinka ku yaal suuqa. Waxaan deganaa bartamaha suuqa. Halkaas ayaana ahayd meesha ugu daran. Meesha gaadiidka la dhigto ee suuqa, xarunta basaska iyo halka dahabka lagu iibiyo dhammaantoodb si xun ayaa loo duqeeyey."

Human Rights Watch waxay sidoo kale heshey warbixino in nabad ilaaliyaashu ay duqeyn aad u xun oon kala sooc lahayn u geysteen deeggaannada al-Shabaab maamulaan kadib markii ay dhaceen weerarradii 11-kii July ka dhacay Kampala. Ganacsade 37 jir ah oo ku gancasada Bakaaraha deganna Baar Ubax ayaa HRW u sheegey: "Maalintii ka dambeysey [Kampala] waxaty duqeeyeen [AMISOM] Suuqa Bakaaraha iyo Baar Ubax. Waxay ahayd duqeyn aan marna joogsan 24 saacadood. Laga billaabo maalintaas, [AMISOM] waxay billaabeen inay beegsadaan rayidka marba marka ka dambaysa."

"Al-Shabaab iyo nabad ilaaliyaasha waxay labaduba fulinayaan weerarro iyagoo tixgelin yar siinaya badbaadinta dadka rayidka ah," ayey tiri Peligal. "Kuwa mas'uulka ka ah duqeymaha aan kala sooca lahayn waa in lagu maxkamadeeyaa dembiyo dagaal."

In loo digi waayo Rayidka
Shuruucda dagaalku waxay farayaan dhinacyada diriraya inay si joogto u qaadaan taxadar lagu badbaadinayo rayidka, ayna waqti hore uga sii digaan weerarrada saamayn kara rayidka, haddii aysan duruuftu saamixi weyn. Labad dhinac ee Muqdisho midkoodna ma siin digniin ku filan rayidka ku nool deegaannada ay saameeyeen weerarrada la qorsheeyey, ayey sheegtey, Human Rights Watch.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dawladdu maamusho ayaa sheegey inaysan dawladda ama nabad-ilaaliyaasha aysan marna gaarsiin rayidka war ku saabsan dagaal dhici raba iyo in loo baahan yahay inay ka baxaan.

Human Rights Watch waxay heshey warar is-burinaya oo ku saabsan hab-dhaqanka al-Shabaab. Mararka qaar, dadku waxay u sheegeen HRW in al-Shabaab ay qaybiyeen warqado ayna sameeyeen wargelin dadweyne oo xadidan iyagoo isticmaalaya codbaahiyayaal waaweyn rayidkana u sheegaya inay ka baxaan goobo cayiman. Laakiin marar kale, dadka deegaanku waxay sheegeen in dagaalyahaniinta al-Shabaab ay ka joojiyeen inay ka baxaan meelaha uu dagaalka culusi ka socdo.

Dilal qorsheysan oo ka Dhaca deegaannada hoos yimada al-Shabaab
Goobjoogayaal iyo ehellada dad dhibanayaal ah ayaa ka warramey dilal qorsheysan oo dad lagu tuhmayo al-Shabaab ay ka gaysteen deegannada dawlada iyagoo beegsanaya dadka dawladda u shaqeeya iyo ehelladooda, amaba dad looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin dawladda.

Hooyo laba carruur ah leh oo 25-jir ah deganna Huriwaa ayaa Human Rights Watch u sheegtey in aabaheed iyo laba walaalaheed ahba ay dileen al-Shabaab.

Cid kasta oo xiriir la leh dawlada TFG-da, xitaa si aan toos ahayn, waa bartilmaameed isaga iyo dhammaan qoyskiisaba. Aabahay waxa uu ahaa sarkaal boliis ah, markii ay la wareegeen [al-Shabaab] deegaanka, waxay weydiinayeen dadka xaafada yaa ka tirsanaa dawladda. Deriska ayaana na basaasey. Waxay yimaadeen iyagoo wejigu daboolan yahay; oo aadan xataa garanayn cidda wax tooganayasa. Aabahay guriga ayuu qado ugu soo laabtay; xabadka ayey ka toogteen. Dharkiisii boliiska ayuu xirnaa. Walaalahay midkood ayaa xagiisa ku ordey isagiina wey dileen. Mid kale doo walaalkey ah ayaa isna la diley, laba bil kadib. Madaxa ayeyna ka gooyeen. Dilkiisa kadib kulligeen waan cararney.
Sida uu qabo sharciyada dagaalka, boliisku waxa uu caadiyan la mid yahay rayidka. Hase ahaatee, cutubyada boliiska ah ee ka qaybgala hawlgallada mlateri waxaa loo beegsan karaa inay dagaalka ku jiraan oo kale. Shaqsiyaadka boliiska ah waxa kaliya oo la bartilmaameedsan karaa markii ay dagaallada si toos ah uga qaybgalaan. Qof kasta oo la soo qabto waa in loola dhaqmo si bani'aadannimo ah.

Haweeney kale ayaa sheegtey in qoyskeeda la bartilmaameedsadey intii ay socdeen weerarradii bisha Ramadaan sababtoo ah iyada iyo ninkeedaba dawlada ayey u shaqeyn jireen:

Gabadhayda, ninkayga iyo hooyadey dhammaantoodba waxaa diley al-Shabaab. Waxay tani dhacdey markey la wareegeen xaafadeenna. Qoyskeenna oo dhan waa la diley anigana waa la i dhaawacay, waana cararey. Wey ka soo horjeedaan dhammaan dadka TFG-da la shaqeeya. Al-Shabaab waxay yiraahdaan dadka daawladda la shaqeynaya oo dhan waa Kirishtaan; Waxay naga soo wacaan telefoonno aan lagaranayn weyna noo hanjabaan. Dilalkaas kadib markasta waa la I raadsanayey; Gurigeyga ayey iman kireen iyagoon hubaysneyn gurigeenna waa la burburiyey, waxaana is arkey anigoo keligey dhex jooga guri burbursan. Hadda xitaa waxaan ku noolahayn baqdin.
Al-Shabaab oo Dhalinyarada Wiilasha ah iyo Carruurta si Qasab ah u Qoranaya
Ragga da'yarta ah iyo wiilasha ku nool deeggaannada al-Shabaab ee Muqdisho waxay halis isi-soo taraysa ugu jiraan in si qasab ah ay u qortaan kooxaha dagaalamay, tobonnaan dad ah ayaa sidaa HRW u sheegey. Dadka ay wareysatey Human Rights Watch intooda badani waa ay ogyihiin inay khatar ugu jiraan in qasab maliishiya looga dhigo, qoysaska ay wiilal u joogaan ayaa tilmaamey in khatartaasi tahay mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee looga cararo Muqdisho.

Xubno katirsan qoysas ay wareysteen xog-baarayaal ka socdey Human Rights Watch ayaa si isku mid ah u sheegey in al-Shabaab ay carruur ka afduubteen Dugsi Quraanka, garoomada ciyaarta, iyo guryahaba, iyagoo ku qasbaya carruurta inay ku soo biiraan una sheegaya in la siinayo lacag, telefoon, ama cunto. Dabadeedna waxa carruurta sida la sheegey loo tababarey inay ka dagaalamaan furinta dagaalka sida inay is-qarxiyaan. Waxaa sidoo kale jiray warar lagu kalsoonaan karo oo in dawladda kmg ah iyo maliishiyaadka isbahaysiga la ah ay isticmaalaan carruurta, laakiin Human Rights Watch ma xaqiijin karto arintan. Heshiis caalami ah oo ay Soomaaliya wax ka saxiixdey ayaa mamnuucaya in qof da'diisu ka yar tahay 18-jir loo qoro inuu ku biro kooxaha hubaysan een dawliga ahayn.

"Isticmaalida carruurta askar ahaan ee sii badanaysa waa xaalad cusub oo dagaalka Soomaaliya uu meel hoose gaarey" ayey tiri Peligal. "Taliye kasta ee qorta carrruura ama ku qasba inay ka qayb galaan dagaalka waxa uu gelayaa dembi dagaal"

 

 

 


Waa baaq ay soo saartay qaramada modoobay isga oo ay ku qortay Luuqada soomaaliga, englisha ka akhri dillapress.com

 

HRW.org

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+