updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

War-degdega-Madaxweynaha Somaliland oo laba Wasiir xilkii ka qaaday.

  • Published in Wararka

HARGAYSA,(dillapress.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed M.Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ay qaranka ay u hayeen ka xayuubiyay laba wasiir, isla markaana waxa uu ku badalay laba wasiir oo kale, sidaasi waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku sexeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyaddu.War-saxaafadeedkaasi oo uu nuqul kamid ahi nasoo gaadhay ayaa u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan hoos ku dhigan:-






JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email:
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.,This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.,(E-m: private) This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Date: 15/01/2011
War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga Qaaday laba Wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay laba Wasiir oo Cusub, Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir ee Wasaaradaha ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub.

Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday


1.In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka


Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2.In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.

3.In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.

4.In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.

Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo hayeen waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla markaana Faray in ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.

1. Wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan

2. Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta
Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed






ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+