updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Bayaan: Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanadda Iyo Wax-garadka Beelaha Bariga Iyo Koonfurta Hargaysa Ka Soo Saareen Colaadda Ceelbardaale

  • Published in Wararka



HARGAYSA,(Dillapress.com ) 26 Dec.10–Xubno tiro badan oo isugu jira Madax-dhaqameedo, Aqoon-yahano, Ganacsato dhalinyaro iyo wax garad kala duwan oo ka tirsan beelaha bariga iyo koonfurta Hargeysa, ayaa bayaan ay xalay nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyeen wargeyska Hargeysa Star si kulul ugu canbaareeyay, waxay ugu yeedheen dillalka ka baxsan dhaqanka beelaha somaliland ee ka socda deegaanka Ceel-bardaale, kaas oo xubnahan kala duwani ku sheegeen mid xukuumadu ka gaabisay inay wax ka qabato.

Waxa kale oo dadkaasi ay eheladii dadkoodu ku geeriyoodeen dillalkaas u direen tacsi, iyag a oo waxgaradka iyo xukuumada somaliland-na ugu baaqay in si deg deg wax looga qabto arintaas,  oo laga eego hadii ay sii socoto arintaasi cawaaqibka ka dhalan kara mustaqbalka,  Halka ay ugu danbayntii ku baaqeen in gurmad culus oo u dhigma kii shaqaaqadii bariga gobolka Togdheer laga galay oo kale ah la qaado,  si loo damiyo xiisada.



Hadaba bayaankaas oo dhamaystiran iyo dadkii kala duwanaa ee saxeexay waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran.

Anagoo kala ah Salaadiin, Ganacsato, Aqoon-yahan, Wax-garad iyo dhalinyaro, waxaanu halkan ka canbaaraynaynaa, dillalka foosha xun ee ka dhacay Aaga, Ceel Bardaale iyo Laamiga isku xidha Gabilay iyo Boorama.

Arintan oo socotay ilaa maamulkii hore ilaa imikana taagan, waxaanu ku dhaliilaynaa, xukuumadda oo aan ilaa hadda cidna u xidhin falkii u danbeeyay iyo kuwii hore midna. Waxaan u soo jeedinaynaa shacbiga Somaliland hogaan dhaqameedyada inay arintan ka hadlaan, waxna ka qabtaan, lana eego hadii ay arintani sii socoto waxa ka dhalan kara.

Falalka noocan oo ah, kuwo ku cusub dhaqanka beelaha Somaliland, waxaanu leenahay madaxda xukuumadda iyo shacbiga Illaahay ka baqda oo umadiina u gurmada oo kala badbaadiya.

Ugu danbayn waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa oo aanaan raali ka ahayn falalkaasi, waxaanan ka tacsiyadaynaynaa cidii ku dhimatay falalkaa waxshinimada ah, anagoo ka soo jeedna bariga iyo koonfurta Hargeysa.

Gabagabadii waxaanu leenahay galbeedka Somaliland haloogu gurmado sidii bariga Togdheer loogu gurmaday oo kale.

Liiska Magacyada saxeexay Bayaanka

1.       Suldaan Maxamed Xassan Ibraahin

2.       Suldaan Maxamuud Caydiid Khayre

3.       Caaqil Cali Cabdi Wacays

4.       Ganacsade Ibraahin Maxamed Huriye (Cige)

5.       Ganacsade Xassan Yuusuf C/laahi (Jilaal)

6.       Ganacsade Xuseen Ismaaciil Guuleed (Gaas)

7.       Ganacsade Mawliid Hurre Faarax

8.       Ganacsade Maxamed Yuusuf Jaamac

9.       Ganacsade Axmed Muxumed Maxamed

10.   Ganacsade Cali Ibraahin Guure (Godor)

11.   Ganacsade Bootaan Nuur Haybe

12.   Caaqil Bashiir Axmed Canbuul

13.   Caaqil Cali Maxamuud Xuseen (Cali Shiriye)

14.   Injineer Bashiir Cali Faarax

15.   Injineer Maxamed Cali (Bucood)

16.   Injineer C/Risaaq Cali Iid

17.   Caaqil Maxamed Cabdi Fagaase

18.   Professor C/shakuur Maxamed Maxamuud Jiciir

19.   Professor C/Samad Maxamed Jaamac

20.   Professor Maxamed Aar

21.   Professor C/Fataax Sh. Cumar Sh. Caraale

22.   Axmed Xuseen Axmed (Siikaa uu)

23.   Cabdi Maalik Maxamed Nuur

24.   Ibraahin M. X. Gaydhle

25.   Caydiid Khayre

26.   Maxamed Axmed Boodhle

27.   Xuseen Xassan (Af-taag)

28.   Cabdi Baarixi

29.   Liibaan Ibraahin Xassan (Dhulka dhiga)

Wargayska geeska Africa, awdalpress.


posted by M.Hassan

 

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+