updated 2:38 PM MDT, May 27, 2017

Wardegdega Ardayda Jaamacadda Hargaysa oo iskugu soo baxay Mudaharaad balaadhan.

  • Published in Wararka

HARGAYSA, Dhamaanba ardayda Jaamacadda hargaysa ayaa mudaharaad xoogan ikugu soo baxay barxada jaamacada horteeda ardaygan mudahraad ka dhigaysa oo wata boodhadh waawayn oo ay ku  daabaceen arayo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyna Jaamacada oo ah nin dhawaan loo soo magacaabay kadib markii uu iscasilay Gudoomiyahii hore .


Ardayda mudaharaadka dhigaaya ayaa ku andacoonaaya in Maamulka jaamacadu uu yahay nin aan aqoon ku filan lahayn islamarkaasna haysta Shahaadad ka hosaysa Degriiga taasi oo meelkaga dhacku ah sumcada jaamaca waa sida ay hadalka u dhigeene, ciidanka amaan ka ayaa yimid iyagu goobta mudhaadku ka dhacay balse cid ay xidheen ma jirto. jaamaca ayaa albaabada loo laabay lamana hubo xiliga dib loo furi doono.


Dhawaanahanba waxaa ka socday jaamacadda isqabqabsi iyo in maamulka lagu eedeeyay inay ardayda kala qaybiyaan qaab qabyaaladaysan iyaga oo imitixaanaadka ardayda aan sifiican loogu wadda sixin.gudoomayahii hore ayaa isagu iska casilay kadib markii eedayn kaga timid dhinaca ardayda.

Dillapress Desk Hargaysa,

Somaliland.

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+