updated 1:42 PM MDT, Jun 27, 2017

Askar British ah oo lagu arkay Afgooye

  • Published in Wararka

Ciidamada Midowga Afrika

Wasaaradda Difaaca ee dalkan Britain ayaa xaqiijiyay in saraakiil la taliyayaal militeri British ah ay ku sugan yihiin Muqdisho si ay u caawiyaan ciidammada Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Hadalkani wuxuu soo baxay ka dib markii ciidanka Britishka ah oo dharka dagaalka ku lebbisan lagu arkay magaalada Afgooye oo dhowaan laga qabsaday Al Shabab. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in aan la taliyayaasha militeri ee Britishka aanay lahaan doonin kaalin dagaal.
Xaqiijinta in ciidan British ah ku sugan yahay Somalia, waxay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo la filayo in isbeddel siyaasadeed uu ka dhaco Soomaaliya.

"BBC Somali"

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+