updated 1:18 PM MDT, Mar 24, 2017
A+ A A-

Dhanxiir Saylici....Geeljire iyo Maqnaanshaha Madaxweynaha

  • Published in Wararka

 

Maansha Allaah; Alleylehe wasiirkii warfaafinta ee Somaliland waa kaa diginiin culus u diray maamul-goboleedka Faroole horjoogaha ka yahay ee caantaynka ah, kol haddii uu ku yidhi; ‘Adeerrayaal; hana dhagaraynina oo hanaga dhigina maroodi qundhaanjo ku durduriyey ee budhcadnimadiina iska biishada oo daandaansiga naga daaya hadhaw baad ooyi doontaane.’ Eesh caala wasiir dheh, waannu ka da’waynehee hadday xishoon waayaan cutub qudha ayaa lagu fasixi doonaa oo ilaa Garoowe cagta ha mariya.

 

Weger; Adeer, Ina Geeljirahan maamulka Faroole shaadhka ka weyn u geliyey ee dawladda ku tilmaamay hanjabaaddiisu meel gaadhi maysee, waxaad ka warrantaa Saylicigan aan beer baryey kala goyn karayn ee wixii dhacaba odhanaya ‘Ilmaadeeraayal waan cusubahaye bal duqii Siilaanyo intuu imanayo yara suga.’ Tolow miyaannu ogayn inuu leeyahay awood buuxda oo uu wax ku xallin karo, mise sidii Sheekh Axmed Yaasiin buu isleeyahay haddaad xanaaqdo cusbitaalkaad kaarayaal gelin doontaa? Cajiib! Haddii habrashadaasi ku jirto dalkaba yaan mar dambe kelidii lagaga tegin ee cid kale halagu sii lammaaneeyo sidii marxuum Cigaal yeeli jiray.

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+