updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

Lionel Messi Qarka U Saaran In U Uu Noqdo Ciyaartoyga UguGoolasha Badan Taariikhda Barcelona Iyo Victor Valdes Oo Rikoodh Cusub Dhigay

  • Published in Wararka

 

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 200 aad intii uu joogay kooxda reer Spain ee Barcelona ka dib markii uu shabaga ku hubsaday gool rigoodhe ahaa daqiiqadii 24aad ee ciyaartii Champions League-ga ee Viktoria Plzen. Garsooraha ayaa tilmaamay rikoodhada ka dib markii ciyaaryahanka sanadka ugu fiican ee Lionel Messi dhulka la dhigay, waxana uu gool u sarifay rikoodhihi loo dhigay isaga oo noqday ciyaaryahankii labaad ee dhaafa 200 ee gool kooxda Barcelona.

24 jirkan oo seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay qaaday gooldhalinta Champions League-ga ayaa hadana goolkiisii labaad iyo seddexaad ku darsaday taas oo ka dhigeysa in uu dhaliyay 202 gool, 286 kulan oo uu kooxda reer Spain u saftay.

Messi ayaa dhawaan jabiyay rikoorkii kaalinta labaad ee ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Barcelona, waxana uu haatan si deg deg ah ugu dhawaanaya ciyaartoyga  rikoodhkan heysta Cesar Rodriguez oo dhaliyay 235 gool.

Dhinaca kale goolhayaha kooxda Barcelona Victor Valdes ayaa isna magaciisa ku qoray buuga rikoorada kulankii Champions League-ga, markii uu dhigay rikoor cusub oo ah daqiiqadaha ugu badan ee aan gool laga dhalin.

Wax gool ah lagama dhalin 825 daqiiqadood, waxana uu dhaafay rikoodhkii uu hore u dhigay Miguel Reina, ahaa aabaha goolhayaha Liverool Pepe, oo ciyaarijiray sanadihii 1972-73dii.

 

 

haatuf

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+