updated 10:13 AM MDT, Sep 21, 2017

Fadeexad soo wajahday Madaxda sare dowladda KMG, Puntlnad iyo kan Somaliland kadib markii….

  • Published in Wararka

23.Oct.2011.HOMELAND.Warar naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ardeydii Deeqda waxbarasho u heshay ee la geeyey dalkaasi dib loo soo celinayo, kadib markii ay soo if baxeen Fadeexad soo wajahday madaxda dowladda KMG soomaaliya, maamulada Somaliland iyo kan Puntland, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho 70-Ardey.

Sida wararku sheegayo Ardeydaasi 70-ka gaaraya ee dib loo soo celinayo in aysan waxna qori Karin waxna aqrin Karin, taasoo layaab iyo fajac ku noqotay Wasaarada Waxbarashada Turkiga oo xaalad indha indheyn ah ku samaysay heerka aqooneed Ardeyda deeqda Waxbarasho loogu keenay dalkooda.

Ilaha warkani ayaa sheegaya in Ardeydaasi lagu daray Liisaska kagaal markii Xafiisyada Madaxtooyada Somalia iyo kan maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku dareen Ardey ay qaraabo dhow yihiin, waana sababta ugu weyn ee ardeydaasi u noqdaan kuwo aan aqoon lahayn oo qaab Xigto ahaan ahi loogu soo daray Liisaska.

“Ma garan karno sida ay wax yihiin, Imtixaanaadka aan qaadnay ee deeqda Waxbarasho waxay u dhaceen si cadaalad waafaqsan” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Wasaarada Waxbarashada Dowladda KMG Soomaaliya oo layaab ku noqotay fadeexada soo wajahday madaxda dowladda KMG iyo kuwa maamul goboleedyada kadib fashil ku yimid aqoon la’aanta Ardeydaasi.

Ugu danbeyntii arrimahani waxay imaanayaan xili qaar ka mid ah ardeydaasi ka baxsadeen magaalada Istanbul isla markaana gaareen dalka Gariiga si ay uga sii amba baxaan dalalka kale ee Yurub, halkii la filayay in ay wax ka bartaan deeqaha waxbarasho ay ka heleen dalka Turkiga.

xigasho This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+