updated 4:01 AM MDT, May 24, 2017
A+ A A-

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia md Jawaari oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

GUDOOMIYAHA_BAARLAMAANKA.jpg

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNDP.

Guddoomiyaha iyo wafdiga ka socday UNDP waxa ay ka wada hadleen horumarinta howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadiga shanaad ee Baarlamaanka oo ay guddoonka ku tilmaameen in uu ka midyahay kalfadhiyada laga doonayo in ay qabtaan shaqooyinka ugu badan.

Dhinac kale guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka ayaa kulan la qaatay hay’ad ka socota dowladda Mareykanka oo qaabilsan dhanka horumarinta iyo la shaqeynta guddiga arrimaha bulshada, iyadoo mas’uuliyiinta guddigaasi ay hay’adda u gudbiyeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka naafada ah ee ku dhaqan Muqdisho.

  • Written by Abdullahi
  • Category: Wararka

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+