updated 9:48 PM MST, Nov 25, 2014

xayaysiisaka gk2 reponsiv

A+ A A-

Qurbajooga reer Awdal ayaa mudooyinkan dambe waxad ka maqlaysaa ama websiteyada ay soo galiyaan xaflado loo samaynayo wax ay ugu yeedheen awdal state. Arintani oo ay la qabbaan qurbajooga soomalida kale gaar ahaan kuwa ka yimid gobolada koonfurta Soomaliya. Hadaba arintani maxaa ka dambeeya hadafkeeduse muxuu yahay?. Dadka qaar waxa ay yidhaahdaan waa arin la xidhiidha duufaanta maamul goboleed ee baryahan ka taagan Somaliya, dadka qaarna waxay u macnaynayaan siyaabo ka duwan, waa arimo ka kacay tabashada saami qaybsiga dawlada cusub ee Madaxwayne siilaanyo oo ay reer awdal ka muujiyeen saluug iyo tabasho badan, waa sida qaybo bulashada ka mid ahi u macnaynayaan. Hadaba wax kasta ha ku salaysnaatee ma arin ay reer awdal u dhanyihiinbaa mise waa arin ku kooban dad gaar ah?. Ma la qabaan dadka reer awdal ee gudaha wadanka ku sugan, maxayse keeni kartaa arintani hadii ay sii socoto?

 Si aynu uga jawaabno suaalahan, bal marka hore aynu dib u jaleecno sida ay ku bilaabantay iyo cidda ka dambaysa. Hadaynu u soo noqono dadka ku nool qurbaha, sida ay xaqiiqdu tahay ma wada qabaan, waxana jira shaqsiyaad dhalinyaro u badan oo arimahan wada, mana aha wax xataa shaqsiyaadku ka wada tashadeen, ee waa wax ka soo bilaabmay meel ka dibna ku faafay meelo kale oo ka mid ah qurbaha. sida aynu ognahay waxa markii u horaysay laga bilaabay wadanka Canada halkaas oo dad aan sidaa u badnayni iskugu yimaadeen meel aanay yidhaahdeen waxan ku dhawaaqnay maamul goboleed, Kadib waxa ka daba qaatay shaqsiyaad kale oo ku nool USA.
dadka reer awdal ee gudaha joogaa iyagu waxba kuma laha waxna kalama socdaan illaa hadda. Sidaas darteed arintani ma aha mid ay wada qabaan dadka reer awdal gudo iyo dibadba.

 Hadaba arintani maxay keeni kartaa? Wax kasta oo aan laga tashan wuxu keenaa dhabar jab iyo dhibaato wayn, markaa arintu may ahayn wax laga wada tashaday dhibta ay keeni kartaana aadbay u badantahay.Waxanay iska horkeeni karta bulshada reer awdala meel kasta oo ay joogaan, arintani inkasta oo aanay ahayn mid dadka gudaha degani ay qabaan, hadana waxay ku keeni kartaa iska hor immaad iyo colaad hor leh taasi oo ku baahda guud ahaan somaliland, colaadaasi oo aan ahayn mid ka dhix bilaabanta Beelaha Gadabuursiga iyo Isaaqa iyo gadabuursiga iyo Ciisaha oo kaliya ee waxay noqon doontaa mid ka dhex bilaabanta beelaha Gadabuursiga dhexdooda, waxa loo kala go'i doonaa degmo degmo iyo xaafad xaafad, waayo qabyaaladdu waa basal oo illaa dubka ugu hooseeya aad gaadho ma dhamaato. Waxa imandoonta Saylac State, Lughaya State, Baki State, Dilla State iyo qaar kale oo badan.

Waxa billabmi doonta dilal qorshaysan loo lala beegsado shaqsiyaadka magaca leh iyo kuwa mansabka haya oo lagu khaarajiyo isqarxin iyo Bambo ladhigo sida hadaba ka taagan Laascaanood,Gaalkacayo iyo meelo badan oo kale, oo aad maalin walba ka maqashaan tiliyii bilayska la dilay, kii maxkamadda ayaa bam loo dhigay IWM. Arintani waxa kale oo ay fursad siinaysaa kooxaha diinta ku gabada ee argagagixisada ah, kuwaas oo iyaga oo uga faaiidaysanaya danahooda gaarka kafulindoona gobolka shirqoolo iyo weeraro gaadmo ah si loo kala shikiyo.

 

Hadaba Waxan kula talin lahaa Qurbo Joogga reer Awdal ee Anintan sida fudud u galaya, dhalinyarya ku nool gudahana galinaya caadifadda aan meel gaadhsiisnayn in ay u tudhaan dadkooda oo ay ka daayaan fikrada qaldan ee ay ku abuurayaan. Maanta wxaynu ognahay in wadanka ay ka taaganyihiin Abaaro iyo Macaluul baahsan, Sicirbarar iyo shaqola'aan dadka saamaysay iyo arimo badan oo kale.Waxa kale oo aynu ognahay in dhamaan gobolada kale ay ka socdaan horumar iyo dhismaha danta guud taas oo ay ka qaybqaadanayaan dadkooda qurbaha ku nooli.

 

Waxa haboon lacagta iyo hantida aad ku bixinaysaan caadifadda aan meel gaadhayn in aad ku bixisaa Kaalmada iyo taageerada dadkiina iyo horumarinta gobolkiina.

Abdirahman Atm